Shirka London

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay natiijadii shirkii LondonMadaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo bishii hore London kaga qeybgalay shirkii arrimaha Soomaaliya looga hadlayay, ayaa maanta dib ugu noqday magaalada Hargeysa, isagoo ka hadlay waxyaabihii shirka la iskula soo qaaday. Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradah Cigaal ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in shirkii London lagu guuleystay, intii uu halkaa [...]

Tarsan: Xeebta Liido ayaa noo ballan ahGuddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo xalay la hadlay jaaliyadda Soomaalida ee waddanka Britain ayaa sheegay in la joogo xilligii Soomaalida ku dhaqan qurbaha ay u dalxiis tegi lahaayeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkii ay Dubai iyo waddamo kale ka aadi jireen. Duqa Muqdisho waxa uu rajo wanaagsan ka [...]

Madaxweynaha Galmudug oo soo dhoweeyay shirka LondonMadaxweynaha maamulka Galmudug, Maxamed Axmed Caalin ayaa soo dhoweeyay shirkii Khamiistii la soo dhaafay lagu qabtay magaalada London ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inuu ka duwanaa shirarkii hore. Maxamed Axmed Caalin oo wareysi gaar ah siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in nuxurka shirka laga soo dhex saaray khudbadihii ay jeediyeen mas’uuliyiinta Soomaalida ee ka [...]

Soomalida Sacuudiga oo soo dhoweysay natiijadii shirki LondonJaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Sacuudiga ayaa soo dhoweeysay natiijadii ka soo baxday shirkii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada London ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya. Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Riyaad, Injineer Abuukar Cabdiraxmaan Yaaqshiid ayaa Bar-kulan u sheegay in qodobbadii ka soo baxay shirkii London ay muhiim u yihiin ummadda Soomaaliyeed oo muddo [...]

Xildhibaanno soo dhoweeyay shirkii LondonXildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay qodobbadii ka soo baxay shirkii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada London ee xarunta dalka Britain, kaas oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya. Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo ah guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Bar-kulan u sheegay inuu soo dhoweynayo qodobbadii ka soo baxay shirkii London, [...]

Jaahweyn: Shirkii London waa guul u soo hoyatay SoomaalidaXukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku tilmaantay war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada London ee dalka Ingiriiska guul u soo hooyatay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda KMG ah. Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda KMG Cabduqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) oo ka mid ahaa wafdigii dowladda KMG ka socday ee ka qeybgalay shirkii London oo wareysi [...]

Gabagabada shirka London oo war-murtiyeed laga soo saarayShirkii arrimaha Soomaaliga looga hadlayay ee lagu qabtay magaalada London ayaa la soo gabagabeeyay, iyadoo la isku raacay in la dardargeliyo geeddi-socodka siyaasadda, in la xoojiyo ciidamada AMISOM, gacanna la siiyo kobcinta ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo in lagu dhaqaaqo tallaabo kasta oo wax looga qaban karo burcad badeedda iyo argagixisada. Dhinaca siyaasadda, waxaa war-murtiyeedka [...]

Dibadbax lagu taageerayo shirkii London oo ka dhacay BritainDad Soomaali ah oo ku nool dalka Britain ayaa dhigay dibadbax ay ku taageerayaan shirkii London ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, waxayna muujiyeen inay doonayaan midnimada Soomaaliya iyo inay dib ugu laabtaan dalkooda oo nabad ah. Dadka oo isugu soo baxay xarunta uu ka dhacay shirka horteeda ayaa ka kala yimid magaalooyin kala duwan oo [...]

Hillary Clinton: Guntiga dhiisha isaga dhigaXoghayaha arrimaha diebdda Maraykanka oo ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa sheegtay in la joogo xilligii xoogga la saari lahaa samata-bixinta Soomaaliya. Clinton oo khudbad ka jeedisay shirka waxay sheegtay in ay lagama maarmaarn tahay in dadka Soomaaliyeed laga saaro dhibka muddada dheer ay ku jireen. [...]

Shirka London oo furmayShirka caalamiga ah ee ay marti-gelineyso dowladda Britain ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada London. Shirka ayaa lagu wadaa in looga hadlo qodobbo ay ka mid yihiin la-dagaallanka argagixisada, burcad badeedda, dhaqaale joogto ah oo la siiyo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) iyo taageero la siiyo waaxaha [...]

Qodobbada shirka berri ka dhacaya LondonShir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu berri ka dhaco magaalada London, waxaana looga hadli doonaa qodobbo ay ka mid yihiin; la-dagaallanka argagixisada, burcad badeedda, dhaqaale joogto ah oo la siiyo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) iyo taageero la siiyo waaxaha ammaanka iyo garsoorka. Qodobbada shirka looga hadli doono waxaa sidoo kale [...]

Madaxweyne Sheekh Shariif oo gaaray LondonMadaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada London ee dalka Ingiriiska. Wafdigan oo ay ka mid ahaayeen Cabduqaadir Macallin Nuur oo ka mid ah mas’uuliyiinta Ahlu Sunna Waljamaaca iyo wasiirrada gaashaandhigga iyo arrimaha dibedda ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxay ka [...]

James Swan: Mareykanka wuu taageersan yahay shirka LondonWakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa sheegay in Mareykanka uu taageersan yahay shirka 23-ka bishan ka furmaya London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya. James Swan oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in dowladda Washington ay si buuxda u taageereyso shirka London, isla markaana uu qeyb ka yahay [...]

Imaamka Al-Azhar oo soo dhoweeyay shirka LondonImaamka jaamacal Azhar ee magaalada Qaahira ee dalka Masar, Sheekh Axmed Maxamed Al-Dayib ayaa soo dhoweeyay shirka Khamiista soo socota magaalada London ka furmi doona ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaas oo ay ka soo qeyb geli doonaan in ka badan 50 dowladood iyo hay’ado caalami ah. Sheekha ayaa kula taliyay dadka Soomaalida ah inay [...]

Cameron oo beesha caalamka weydiistay taageeridda shirka LondonRa’iisul wasaaraha dalka Britain David Cameron ayaa ka dalbaday beesha caalamka in ay taageeraan deddaalka ay dowladda Ingiriiska ku bixineyso shirka Soomaalida ee toddobaadkan ka furmaya magaalada London. Mr. Cameron oo u warramayay Idaacadda VOA-da qeybta afka Soomaaliga ayaa sheegay in dowladdiisu jeclaan laheyd in ay aragto adduunka oo dhan oo diiradda ku haya arrimaha [...]

