Ku Saabsan

Barta kulanka Soomaaliyeed ayaa soo baxday oo soo yar bidhaantay, bartaasi saldhigeedu waxa uu yahay  ”Dhibaato weynu ka daalnay, waana wakhtigii aanu sare ugu istaagi lahayn Dalkeena, islamarkaana u xaqiijin lahayn in dalkeena uu noqdo goob ay guulihisa iyo barwaaqadiisa mustaqbalka dhaw heli karaan ubadkeena,, bartaasi rajada muujisay waa bar-Kulan, waa bar ay leeyihiin dhamaan bulshada Soomaaliyeed Meel kasta oo ay Caalamka ka joogaan laga soo bilaabo Kismaayo ilaa iyo Hargeysa,Nairobi ilaa iyo Newyork, Cape Town ilaa iyo Cairo, Toronto ilaa iyo London, Makka ilaa iyo Minneapolis.

Bar-Kulan waa Raadiyaha kaliya ee ku hadla Af-soomaaliga, dalka iyo dibadaba, ee ay barnaamijyadiisa  dhamaantood soo hindiseen saxafiyiinta soomaalida ah ee ka hawlgasha, ayadoo aan in yarna alaha ka dhigee lagu soo faragelin loona tilmaamin macluumaadka Barnaamijyadaasi ay xambaarsan yihiin.

Bulshada Somaaliyeed waxay soo martay qalalaase, dhibaato, dagaallo sokeeye, murugo, ciil iyo callool xumo, rabshado, qax iyo barakac kuwaasi oo argagax  ku ridey dalka iyo dadka Soomaaliyeed mudo ku dhaw 20 sanadood..

Bar-kulan waxa uu ka shaqeyn doonaa mustaqbal fiican oo ay Soomaliya yeelato, waa dhabihii guusha, rajada iyo isbadel dhab ah  oo ka hirgella dhulkeena hooyo.

Koox saxafiyiina oo mudo badan ku soo shaqeynayay mihnadda saxaafadda ayaa wakhtigooda u hurey iney abuuraan goob kulan, goob wadaxaajood, goob la isku dhaafsado fikradaha, lagu soo bandhigo, madadaaalo, doodo cilmiyeysan, xogta Ciyaaraha Caalamka oo Idil, iyo barnaamijyo qiimo leh Halkaan ka daalaco barnaamijyada laga tebin doono Bar-kulan.

Inkastoo Bar-Kulan uusan ahayn goobta xalka kama dambeysta ah ka gaaraysa mahadhooyinka  ka jira Geeska Afrika, balse waxa uu si dhab ah u suurta galinayaa in la helo goob wada tashi oo ay si wada jira fikradaha isugu dhaafsadaan dhinaca warbaahinta dhamaan ummadda soomaaliyeed si ay markaasi uga wada hadlaan dhibaatooyinka dalkooda ragaadiyey iyo qaabkii lagu soo idleyn lahaa waana sababta barkulan uu hawada ugu jiri doono 24 saac.

Aragtida bar-Kulan waa mid ka fog feker iyo mabaadii’ ajnabi ah waxa uuna ku shaqaynayaa xeerarka u degsan xorriyadda saxaafadda iyo anshaxa gaarka ah ee bar-kulan.

Bar-kulan waxa uu soo dhaweynayaa Ganacsatada, Ururrada Bulshada, Dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, iyo Hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga, Yurub, Jaamacadda Carabta, Ururka Dalalka Islaamka, AMISOM, Urur Goboleedka Igad iyo Waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Goor walba iyo meel walba oo aad caalamka ka joogto waad la soo xiriiri kartaa Bar-kulan.

Dhalinyaradu waa xubinta aasaaska u ah bulsho waliba horumarkeeda, waa rajada iyo mustaqbalka uu dal waliba higsanayo, sidaas ayuuna Bar-kulan muhiimad gaara u siinayaa dhalinyarada, bar-tilmaameedka koowaad ee Bar-kulan waa dhalinyarada si ay u abuuraan jawi ay wax uga bedeli karaan dhibaatada dalkoodii hooyo ku habsatay iyagana dhaafsiisay nabadda, xasiloonida, horumarka, iyo is dhex galka bulshada inteeda kale.

Radio Bar-kulan isku xiraha ummadda Soomaaliyeed.

February 2010