Bogga hore » Wararka Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Wararka” 
Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa shalay lagu qabtay magaalada Khartoum ee dalka Sudan. Munaasabaddaas oo ay soo qaban qaabisay urur dhallinyaro oo lagu magacaabo jiilka cusub ee Sudan ayaa waxaa ka qeybgalay aqoonyahanno, culimaa’udiin iyo boqolaal ardayda wax ka barata waddankaas. Qaar ka mid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee [...]
May 16th, 2012 | La daabacay Wararka | Sii Akhri

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka qeybgalay shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay ujeeddada kulanka in ay aheyd sidii golaha ammaanka war bixin looga siin lahaa xaaladda uu xilligan marayo dalka Soomaaliya iyo waxyaabaha u qorsheysan dowladda KMG oo ay ka mid tahay ka gudbista nidaamka [...]
May 16th, 2012 | La daabacay Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga ayaa kulankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka sheegay in Soomaaliya ay heysato fursaddii ugu wanaagsaneyd abid ee dhibaatada dalka looga bixi lahaa. Dr. Mahiga ayaa sheegay in hadda Soomaaliya laga sameeyay horumar la taaban karo oo looga gudbayo nidaamka kumeel gaarka ah [...]
May 16th, 2012 | La daabacay Wararka | Sii Akhri

Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku dishay guddoomiye ku-xigeenka xaafadda Berdaale ee magaaladaas. Ninkan oo lagu magacaabi jiray Aadan Xayle ayaa waxaa lagu toogtay meel aan ka fogeyn gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Berdaale. Goobjoogayaal ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay in dilkaas ay geysteen afar nin oo wajiga soo duubtay kuwaas [...]
May 16th, 2012 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Dowladda Pakistan ayaa wadda qorshe lagu sii deynayo badmaaxiin u dhashay dalkeeda oo u afduuban kooxaha burcad badeedda Soomaalida ah muddo 18 bilood ah. Madaxweynaha dalka Pakistan Asif Ali Zardari ayaa ku amray wasaaradda arrimaha gudaha Pakistan in ay si dhaqso ah u farageliso arrinta sii deynta muwaadiniinta afduubka loo haysto. Asif Ali Zardari ayaa [...]
May 15th, 2012 | La daabacay Wararka | Sii Akhri

Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay nin u dhashay dalka Sweden oo lagu tuhmayo in uu xiriir la leeyahay maleeshiyada Al-Shabaab. Sarkaal ka tirsan booliska oo ka gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in ay ciidamadu qabteen ninka, oo haatan su’aalo la waydiinayo si loo ogaado suurtagalnimada in uu ku xiran yahay Shabaab. Afhayeenka ciidamada booliska [...]
May 15th, 2012 | La daabacay Wararka | Sii Akhri

Shir uu maanta magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ku yeeshay baarlamaanka Carabta ayaa looga hadlay arrimaha nabadgelyada, burcad badeedda iyo argagixisada ee dalka Soomaaliya. Xildhibaannada baarlamaanka Carabta ayaa isla soo qaaday in laga shaqeeyo nabad ka dhalata Soomaaliya iyo inay Jaamacadda Carabta sii waddo dedaalka ay xasilloonida ugu raadinayso Soomaaliya. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa [...]
May 15th, 2012 | La daabacay Wararka | Sii Akhri

Toddoba qof ayaa ku dhimatay iska hor-imaad maanta magaalada Hargeysa ku dhex maray ciidamada maamulka Somaliland iyo dad hubeysan oo ka careysnaa dhul ay sheegeen in ay iyaga lahaayeen oo dad kale la siiyay. Dadka geeriyooday saddex ka mid ahaa waxay ka tirsanaayeen milateriga maamulka Somaliland, halka afarta qof ee kale ay ka tirsanaayeen dadkii [...]
May 15th, 2012 | La daabacay Gobolada,Hargeysa,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Xaflado lagu xusayo maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed oo loo asteeyay 15-ka bisha May, markii la aas aasay ururkii dhallinyarada SYL ee gobanimodoonka ayaa maanta lagu qaybtay magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Soomaaliya. Muqdisho Munaasabad Muqdisho lagu qabtay oo lagu xusayay 15-ka May ayaa ka qeybgalay boqollaal dad ah oo ay ku jireen mas’uuliyiin ka tirsan [...]
May 15th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gaalkacyo,Garoowe,Gobolada,Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa saaka weerar ku qaaday saldhig ay burcad badeedda Soomaalida ku lahaayeen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ka mid aheyd meelaha ay burcadda weerarrada ka abaabuli jirtay. Wararka oo ay fuliyeen ciidamo lagu daabulay diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ayaa la sheegay inaanay cidi wax ku noqon. Warsaxaafadeed [...]
May 15th, 2012 | La daabacay Wararka | Sii Akhri