Bogga hore » Wararka Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Wararka” 
Wasiirka ganacsiga xukuumadda KMG ee Soomaaliya, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa sheegay in dowladda Sweden ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso dhinaca horumarinta. Cabdiwahaab Ugaas Xuseen oo maanta kulan magaalada Malmo kula yeeshay haweeneyda Sweden uga wakiilka ah Bariga Afrika, Marika Fahlen ayaa Bar-kulan u sheegay inuu kala hadlay arrimaha Soomaaliya iyo [...]
February 5th, 2012 | La daabacay Wararka | Sii Akhri

Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inay taageerayaan dhaqdhaqaaqyada fannaaniinta qaranka, isla markaana dib loo howlgalinayo golaha murtida iyo madadaalada. Madaxweynaha oo maanta ka qeybgalay kulan dib la isugu keenayay fannaaniinta qaranka Soomaaliya oo lagu qabtay dugsiga tababarka booliska ee Muqdisho ayaa sheegay in wasaaradda warfaafinta uu kala hadlay dib u [...]
February 5th, 2012 | La daabacay Gobolada,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Maxkamad ku taalla magaalada Khartoum ee dalka Sudan ayaa xabsi iyo lacag ku xukuntay muhaajiriin Soomaalia oo la sheegay inay ku sii jeedeen dalka Libya. Muhaajiriinta la xukumay oo tiradoodu ay gaareyso 26 ayaa waxaa dhammaantood lagu xakumay xarig laba bilood ah iyo lacag dhan shan boqol oo lacagta Sudan ah ($ 150 dollar). Maxkamadda [...]
February 5th, 2012 | La daabacay Wararka | Sii Akhri

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dowladda ay dadaal ugu jirto meel marinta qodobbadii ka soo baxay shirkii wadatashiga ee lagu qabtay magaalada Garoowe dhamaadkii sanadkii hore. Ra’iisul wasaaraha oo hadal ka jeediyay shirka kooxda xiriirka caalamiga ah uga socda dalka Djibouti ayaa sheegay inay dedaal dheeraad ah [...]
February 5th, 2012 | La daabacay Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Waxaa maanta oo ku beegan 12-ka bisha saddexaad ee sanadka Hijriga ah laga xusayaa qeybo ka mid ah waddanka Soomaaliya maalinta dhalasha nebigeenna Muxamed (NNKH). Munaasabad ballaaran oo ay soo abaabuleen culumaa’uddiinka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo lagu weyneynayo dhalashada nebiga (NNKH) ayaa maanta ka dhacday magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Kumanaan dadweyne ah oo isugu [...]
February 5th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gaalkacyo,Gobolada,Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri
Qiimaha nabadda ay leedahay ayaa lagu baranayaa qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir oo dhowaan lagala wareegay al-Shabaab. Ololaha waxaa wada odayaal dhaqameed iyo ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed. Islow Maxamed Yuusuf oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in dadweynaha ay ku soo noqonayaan guryahooda, ayna barayaan qiimaha nabadda iyo ilaalinta ammaanka. Caasho Cumar [...]
February 5th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Wasiirka waxbarashada ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed ayaa maanta ka qeybgalay xaflad lagu sagootinayay in ka badan 2 boqol oo arday oo deeq waxbarasho ka helay dowladda Turkiga, kuwaasoo maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Ardayda oo ka kala yimid gobollada dalka ayaa wasiirka wuxuu kula dardaarmay [...]
February 5th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Dadka barakacay iyo qoysaska danyarta ah ee ku nool xaafadda Koosaar ee waqooyiga magaalada Burco ayaa ka cabanaya xaalad nolol xumo oo soo food-saartay bilihii u dambeeyay. Guddoomiyaha xaafadda Koosaar, Maxamed Axmed Shoori ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladda dadka ku nool xaafaddaas ay aad u liidato, kuwaas oo isugu jira qaar abaartii ka jirtay [...]
February 5th, 2012 | La daabacay Burco,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Madaxda ururrada bisha cas ee dalalka Soomaaliya iyo Iiraan ayaa ka wada hadalay wejiga labaad ee howlaha gargaarka ee dalkaasi uu ka fulinayo caasimadda Muqdisho. Madaxa bisha cas ee Soomaaliya Axmed Maxamed Xasan ayaa ka mahadceliyay kaalmada degdega ah ee ururka bisha cas ee Iiraan uu u fidiyay dadka ay abaaruhu ku habsadeen ee Soomaaliya, [...]
February 5th, 2012 | La daabacay Wararka | Sii Akhri

Jaaliyadda Soomaalida ee waddanka Koonfur Afrika ayaa soo dhoweeyay hadalka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo ku aadanaa in dowladda Koonfur Afrika ay safaarad ka furaneyso caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya. Ra’iisul wasaare Cabdiweli ayaa laba maalin ka hor ka dhawaajiyay in dowladaha Soomaaliya iyo Koonfur Afrika ay ka wada hadleen safaarado ay [...]
February 5th, 2012 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Wararka | Sii Akhri