Bogga hore » Wararka Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Wararka” Ciidanka ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa howlgal xalay ay ka sameeyeen xaafadaha magaaladaasi waxay ku soo qabqabteen in ka badan 20 dhallinyaro oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen falal amniga darro ah. Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda taabacsan ee Beledweyne oo lagu magacaabo Cabdi Il-buur oo la hadlay Bar-kulan ayaa ku eedeeyay dhallinyarada la [...]
February 6th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Wararka | Sii Akhri
Deeq isugu jirta qalab caafimaad iyo agab kale waxaa maanta maamulka istibalka guud ee magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag guddoonsiiyay Ismaaciil Xasan Isbariije oo ka mid ah qurba-joogta ka soo jeeda magaaladaasi. Ismaaciil Xasan Isbariije ayaa sheegay in markii uu arkay baahida ka jirta isbitalka uu go’aansaday in uu gacan ka geysto sidii gurmad [...]
February 6th, 2012 | La daabacay Ceerigaabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Somaliand, Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee waddanka Itoobiya, kaddib markii casumaad uu ka helay ra’iisul wasaare Meles Zenawi. Siilaanyo ayaa ka hor inta uusan ka duulin garoonka diyaaradaha ee Hargeysa la hadlay warbaahinta, wuxuuna sheegay in uu Meles kala hadlayo xoojinta iskaashiga u dhaxeeya [...]
February 6th, 2012 | La daabacay Gobolada,Hargeysa,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri
Ciidanka badda Iran ayaa ku guuleystay in markab waddankooda laga leeyahay ay ka badbaadiyaan burcad badeed Soomaali ah. Telefishinka qaranka Iran ayaa sheegay in burcad badeed hubaysan oo watay dhowr doonyood ay ku weerareen markabka meel u dhow Gacanka Cadan. Ciidanka badda Iran oo Axaddii shalay qeylo dhaan ka helay markabka xamuulka qaada ayaa u [...]
February 6th, 2012 | La daabacay Wararka | Sii Akhri

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ugu baaqay ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa dowladda Kenya inay dedijiyaan howlgalka la doonayo in lagula wareego magaalada dekedda leh ee Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Madaxweyne Faroole oo khudbad ka jeedinayay shirka sanadlaha ah ee kooxda xiriirka caalamiga (ICG) ee maanta lagu soo [...]
February 6th, 2012 | La daabacay Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Saddex nin oo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay gurigiisa ku dilay guddoomiyihii xaafadda Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle. Lama oga illaa iyo hadda sababta ka dambeysay dilka guddoomiyaha, iyadoo raggii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen. Ciidamada booliska ee Puntland ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay iyagoo durba billaabay baaritaanno, balse [...]
February 6th, 2012 | La daabacay Gaalkacyo,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Odayaasha degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay maleeshiyada al-Shabaab inay tacaddiyo isugu jirto jirdil iyo handadaad u geystaan odayaasha dhaqanka ee degmadaasi. Mid ka mid ah odayaasha degmada oo ka gaabsaday in magaciisa la baahiyo ayaa Bar-kulan u sheegay in mid ka mid ah nabaddoonnada oo lagu magacaabo Caddow Barre oo ku xirnaa [...]
February 6th, 2012 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Afhayeenka ciidanka militariga ee Kenya Major Emmanuel Chirchir oo u warramayay wakaaladda wararka ee Xinhua ayaa sheegay in weerarrada dhanka cirka ah oo ay la beegsadeen maleeshiyada al-Shabaab ay ku wiiqeen awoodda kooxda. Ciidamada Kenya ayaa sheegay in weerarro dhanka cirka ah oo ay qaadeen Jimcihii la soo dhaafay ay ku burburiyeen saanad military oo ay [...]
February 6th, 2012 | La daabacay Wararka | Sii Akhri

Boqolaal qoys oo barakacayaal ah oo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa xaaladdooda nololeed laga dayrinayaa, kuwaasi oo aan heysan shaqooyin ay noloshooda ku maareeyaan. Guddoomiyaha barakacayaasha ee Buuhoodle Dooyow Guduudow oo ka warbixiyay xaaladda ay ku sugan yihiin in ka badan 150 qoys ayaa sheegay in xaaladda dadka barakacayaasha ay tahay middii ugu adkeyd ee [...]
February 6th, 2012 | La daabacay Wararka | Sii Akhri

Jaamacadda Kismaayo ee xarunteedu tahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa heshiisyo dhinacyo badan taabanaya la saxiixatay qaar ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla dalka Sudan, gaar ahaan caasimadda Khartoum. Heshiisyadan oo isugu jira iskaashi u dhaxeeya Jaamacadaha Sudan iyo Jaamacadda Kismaayo iyo sidii aqoosi ay uga heli laheyd Jaamacaddu, loona aqoonsan lahaa [...]
February 6th, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri