Bogga hore » Qodobada wararka Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Qodobada wararka”

Guddoomiye xigeen xaafadeed oo lagu dilay Baydhabo

Baydhabo

Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku dishay guddoomiye ku-xigeenka xaafadda Berdaale ee magaaladaas. Ninkan oo lagu magacaabi jiray Aadan Xayle ayaa waxaa lagu toogtay meel aan ka fogeyn gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Berdaale. Goobjoogayaal ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay in dilkaas ay geysteen afar nin oo wajiga soo duubtay kuwaas [...]

May 16th, 2012 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Hargeysa: 7 qof oo dagaal ku dhimatay

Hargeysa

Toddoba qof ayaa ku dhimatay iska hor-imaad maanta magaalada Hargeysa ku dhex maray ciidamada maamulka Somaliland iyo dad hubeysan oo ka careysnaa dhul ay sheegeen in ay iyaga lahaayeen oo dad kale la siiyay. Dadka geeriyooday saddex ka mid ahaa waxay ka tirsanaayeen milateriga maamulka Somaliland, halka afarta qof ee kale ay ka tirsanaayeen dadkii [...]

May 15th, 2012 | La daabacay Gobolada,Hargeysa,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Xuska maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed

Xuska maalinta dhal

Xaflado lagu xusayo maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed oo loo asteeyay 15-ka bisha May, markii la aas aasay ururkii dhallinyarada SYL ee gobanimodoonka ayaa maanta lagu qaybtay magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Soomaaliya. Muqdisho Munaasabad Muqdisho lagu qabtay oo lagu xusayay 15-ka May ayaa ka qeybgalay boqollaal dad ah oo ay ku jireen mas’uuliyiin ka tirsan [...]

May 15th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gaalkacyo,Garoowe,Gobolada,Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Garoonka Ugaas Khaliif oo dayactir lagu billaabay

Beledweyn cusub

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa dayactir ku billaabay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo aan shaqeyn muddo saddex sano ah. Dayactirka maanta waxaa lagu billaabay waddada ay ku cararaan diyaaradaha iyo meelaha la dhigo marka ay soo degaan oo uu burbur ka muuqdo. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdifataax Xasan Afrax [...]

May 14th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Webiga Shabeelle oo fatahay

fatahaad

Webiga Shabeelle ayaa lagu soo warramayaa inuu ku fatahay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Webiga ayaa ku fatahay tuulooyinka Raqayle, Maagaay, Gaashaanle iyo deegaanno hoos taga degmada Jowhar, waxaana la soo sheegayaa in uu khasaare gaarsiiyay dhul beereed baaxad leh oo ku teedsan webiga. Biyaha fatahay waxay baabi’iyeen beero ay ku yaalleen dalagyo isugu [...]

May 14th, 2012 | La daabacay Gobolada,Jowhar,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Madaxweyne Shariif iyo wafdi uu horkacayo oo u duulay Mareykanka

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay u ambabaxay dalka Mareykanka, halkaas oo uga qeybgalayo shirka golaha ammaanka uga furmaya maalmaha soo socda magaalada New York ee dalkaas. Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi iyagoo transat [...]

May 14th, 2012 | La daabacay Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Shil ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Dilla

Shil-Gaari

Hal qof ayaa geeriyooday, labo kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo shalay ka dhacay duleedka degmada Dilla ee gobolka Awdal. Shilka gaariga ayaa ku dhintay Dr. Cabdirashiid Sheekh Cali Jowhar oo ahaa dhakhtar howshiisu aheyd daweynta xanuunnada maskaxda, isla markaana ka howlgeli jiray Isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa, iyadoo dadka dhaawacmay ay ahaayeen xaaskiisa [...]

May 14th, 2012 | La daabacay Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Miino cusub iyo ninkii lagu qabtay oo Muqdisho lagu soo bandhigay

Miinada Cusub

Hay’adda nabad sugidda qaranka waxay maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay nin la sheegay in lagu qabtay miino casri ah oo la sheegay in ay sameysay al-Shabaab. Miinada casriga ah ayaa loogu tala galay in lagu xiro gaadiidka yar yar, taasoo dili karta dadka saaran gaariga lagu xiro. Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe [...]

May 13th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

RW Gaas oo codsaday dedejinta soo xulidda guddiga ansixinta dastuurka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta odayaasha dhaqanka kula hadlay dhimse u dhow garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa ka codsaday odayaasha in ay dedejiyaan xulidda ergada la doonayo in ay ansixiyaan dastuurka cusub. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in laga dib dhacay xilligii loogu tala galay soo gudbinta [...]

May 13th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Ciidamo tababar loogu soo xiray Doolow

Tababar ciidan

Ku dhowaad kun askari oo ka tirsan ciidamada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca iyo kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa shalay loo soo xiray tababar ay muddo 7 bilood ah ku qaadanayeen duleedka degmada Doolow ee dalka Itoobiya. Ciidamada oo si gaar ah loo tababaray waxaa tababarka u soo xiray saraakiil isugu jira Itoobiyaan, Ahlu Sunna [...]

May 13th, 2012 | La daabacay Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri