Bogga hore » Qodobada wararka Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Qodobada wararka”

Meles iyo Siilaanyo oo kulmaya

Siilaanyo

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Somaliand, Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee waddanka Itoobiya, kaddib markii casumaad uu ka helay ra’iisul wasaare Meles Zenawi. Siilaanyo ayaa ka hor inta uusan ka duulin garoonka diyaaradaha ee Hargeysa la hadlay warbaahinta, wuxuuna sheegay in uu Meles kala hadlayo xoojinta iskaashiga u dhaxeeya [...]

February 6th, 2012 | La daabacay Gobolada,Hargeysa,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Faroole: Hala dedejiyo qabsashada Kismaayo

Farole

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ugu baaqay ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa dowladda Kenya inay dedijiyaan howlgalka la doonayo in lagula wareego magaalada dekedda leh ee Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Madaxweyne Faroole oo khudbad ka jeedinayay shirka sanadlaha ah ee kooxda xiriirka caalamiga (ICG) ee maanta lagu soo [...]

February 6th, 2012 | La daabacay Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Gaalkacyo: Guddoomiyihii xaafadda Israac oo la dilay

Gaalkacyo

Saddex nin oo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay gurigiisa ku dilay guddoomiyihii xaafadda Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle. Lama oga illaa iyo hadda sababta ka dambeysay dilka guddoomiyaha, iyadoo raggii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen. Ciidamada booliska ee Puntland ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay iyagoo durba billaabay baaritaanno, balse [...]

February 6th, 2012 | La daabacay Gaalkacyo,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Jaamacadda Kismaayo oo heshiis la saxiixatay Jaamacadaha Sudan

Jaamacadda Kismaayo

Jaamacadda Kismaayo ee xarunteedu tahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa heshiisyo dhinacyo badan taabanaya la saxiixatay qaar ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla dalka Sudan, gaar ahaan caasimadda Khartoum. Heshiisyadan oo isugu jira iskaashi u dhaxeeya Jaamacadaha Sudan iyo Jaamacadda Kismaayo iyo sidii aqoosi ay uga heli laheyd Jaamacaddu, loona aqoonsan lahaa [...]

February 6th, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Cabdiweli Gaas: Waan fulineynaa qodobbada shirkii Garoowe

Dr.-Cabdiweli

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dowladda ay dadaal ugu jirto meel marinta qodobbadii ka soo baxay shirkii wadatashiga ee lagu qabtay magaalada Garoowe dhamaadkii sanadkii hore. Ra’iisul wasaaraha oo hadal ka jeediyay shirka kooxda xiriirka caalamiga ah uga socda dalka Djibouti ayaa sheegay inay dedaal dheeraad ah [...]

February 5th, 2012 | La daabacay Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Mowliidka oo maanta laga xusayo qeybo ka mid ah Soomaaliya

MowliidkaII

Waxaa maanta oo ku beegan 12-ka bisha saddexaad ee sanadka Hijriga ah laga xusayaa qeybo ka mid ah waddanka Soomaaliya maalinta dhalasha nebigeenna Muxamed (NNKH). Munaasabad ballaaran oo ay soo abaabuleen culumaa’uddiinka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo lagu weyneynayo dhalashada nebiga (NNKH) ayaa maanta ka dhacday magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Kumanaan dadweyne ah oo isugu [...]

February 5th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gaalkacyo,Gobolada,Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

220 arday oo u dhooftay Turkiga

Arday Soomaali ah

Wasiirka waxbarashada ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed ayaa maanta ka qeybgalay xaflad lagu sagootinayay in ka badan 2 boqol oo arday oo deeq waxbarasho ka helay dowladda Turkiga, kuwaasoo maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Ardayda oo ka kala yimid gobollada dalka ayaa wasiirka wuxuu kula dardaarmay [...]

February 5th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Dagaal dhimasho sababay oo xalay ka dhacay Luuq

Wararka-ugu-dambeeyay

13 ruux ayaa ku geeriyootay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal xalay ka dhacay duleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG ah iyo maleeshiyada al-Shabaab. Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda KMG ee gobollada Gedo, Baay iyo Bakool oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi ayaa Bar-kulan u sheegay in weerar [...]

February 5th, 2012 | La daabacay Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Shirka kooxda xiriirka caalamiga oo berri ka furmaya Jabuuti

Raysul wasaarayaaha Soomaaliya iyo Jabuuti / OPM Media

Shir ay isugu imaanayso kooxda xiriirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu berri ka furmo magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, kaasoo looga hadli doono qorshe-howleedka nabadda Soomaaliya iyo shirka London ka dhici doona 23-ka bishan ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya. Raysul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali [...]

February 4th, 2012 | La daabacay Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Cabdi Qeybdiid oo ka hadlay dilkii Gaalkacyo ka dhacay

Cabdi-Qeybdiid

Wasiirkii hore ee macdanta iyo biyaha ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta ka hadlay dil habeenkii Khamiista ciidanka ammaanka Galmudug ay u geysteen saddex nin. Cabdi Qeybdiid wuxuu si adag u beeniyay in ragga la dilay ay ku lug lahaayeen qaraxii lala eegtay gurigiisa. Qeybdiid oo shir jaraa’id ku [...]

February 4th, 2012 | La daabacay Gaalkacyo,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri