Bogga hore » Muqdisho Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Muqdisho” 
Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kormeeray warshaddii Coca-Cola, jaamacadii Muqdisho, warshaddii isbuunyada ee Shaakir, xaruntii Guul-wadayaasha iyo xarumo kale oo dhowaan laga saaray maleeshiyada Al-Shabaab. Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in wejiga koowaad ee howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ka socda Muqdisho ay marayaan meel gabogabo ah, sidoo [...]
February 3rd, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Xukuumadda KMG ee Soomaaliya ayaa wadda qorshe lagu sharciyeynayo ilaalada ay gaarka u yeelanayaan shirkadaha iyo diblumaasiyiinta, waxaana arrintaasi maanta looga hadlay kulan ay golaha wasiirrada ku yeesheen magaalada Muqdisho. Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda KMG ah, Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa golaha hor dhigay sharciga Lr. 54 ee 1971, kaas oo shirkadaha [...]
February 2nd, 2012 | La daabacay Gobolada,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Ingiriiska, William Hague ayaa sheegay in dowladdiisa ay taageereyso qorshe-howleedka nabadda ee Soomaaliya, isagoo beeniyay in shirka London ka furmaya ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo, la qorsheyano in maxmiyad lagu galiyo dalka ku yaalla Geeska Afrika. Hague oo maanta booqday magaalada Muqdisho, ayaa Bar-kulan u sheegay in dowladda Britain ay [...]
February 2nd, 2012 | La daabacay Gobolada,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Wakiilkii hore ee dowladda Ingiriiska u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Maut Baugh ayaa maanta loo magacaabay danjiraha cusub ee Muqdisho u fariisan doona dowladda Britain. Magacaabista Baugh ayaa timid kaddib booqasho heer sare ah oo wafdi uu hoggaaminayay xog-hayaha arrimaha dibedda, William Hague uu maanta ku tagay caasimadda Muqdisho. Maut Baugh wuxuu ka mid ahaa xubnaha wafdiga, [...]
February 2nd, 2012 | La daabacay Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Xog-hayaha arrimaha dibedda ee waddanka Britain, William Hague ayaa maanta booqday magaalada Muqdisho ee caasimadda waddanka Soomaaliya. Wafdi oo uu hoggaaminayo wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya. William Hague wuxuu hadda xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia kulan kula qaadanayaa madaxda sare [...]
February 2nd, 2012 | La daabacay Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Guddiga dib u heshiisiinta qaranka ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa shir uu maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho uga hadlay arrimo la xiriira khilaafka baarlamaanka iyo safarro ay xubnaha guddigu dhowaan ku tagayaan gobollada dalka. Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta qaranka, Ismaaciil Macallin Muuse oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay si aad [...]
February 1st, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Kulan looga hadlayay ammaanka guud ee Soomaaliya, gaar ahaan amniga deegaannadii laga saaray maleeshiyada Al-Shabaab oo guddiga amniga qaranka uga socday muddo labo cisho ah magaalada Muqdisho ayaa maanta la soo gabagabeeyay. Intii uu socday kulanka waxaa laga hadlay waxyaabihii u qabsoomay guddiga amniga qaranka iyo caqabadihii ka hor yimid, iyadoo sidoo kale talooyin ku [...]
February 1st, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Hay’adda nabad sugidda Qaranka ee Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe Muqdisho ku soo bandhigtay wiil dhallinyaro ah oo ka tirsanaa kooxda al-Shabaab kaasi oo qorsheynayay inuu isku qarxiyo gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International. Taliyaha ciidanka nabad sugidda garoonka diyaaradaha Col. Burhaan Maxamed Cali Kaar oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay wiilka dhallinyarada ah [...]
February 1st, 2012 | La daabacay Gobolada,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Hal qof oo rayid ah ayaa geeriyooday, laba kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii xalay saddex nin oo bastoolado ku hubeysan ay weerar ku qaadeen dhallinyaro ku sugneyd goob lagu ciyaaro Play Station (Game) xaafadda Geed-jaceyl ee degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir. Qofka weerarka ku dhintay ayaa la sheegay inuu la shaqeyn jiray gaadiidka [...]
February 1st, 2012 | La daabacay Gobolada,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in haddii ay jiraan waxyaabo uu maamulka Somaliland ka tabanayo koonfurta dalka ay dowladdiisu diyaar u tahay inay ka xaalmariso, islamarkaana ay ka raaligeliso dhibaatooyinkii horey u dhacay. Sheekh Shariif ayaa hadalkan ka sheegay xaflad loo sameeyay sanad guuradii saddexaad ee ka [...]
February 1st, 2012 | La daabacay Gobolada,Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri