Bogga hore » Muqdisho Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Muqdisho” 
Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inay taageerayaan dhaqdhaqaaqyada fannaaniinta qaranka, isla markaana dib loo howlgalinayo golaha murtida iyo madadaalada. Madaxweynaha oo maanta ka qeybgalay kulan dib la isugu keenayay fannaaniinta qaranka Soomaaliya oo lagu qabtay dugsiga tababarka booliska ee Muqdisho ayaa sheegay in wasaaradda warfaafinta uu kala hadlay dib u [...]
February 5th, 2012 | La daabacay Gobolada,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Waxaa maanta oo ku beegan 12-ka bisha saddexaad ee sanadka Hijriga ah laga xusayaa qeybo ka mid ah waddanka Soomaaliya maalinta dhalasha nebigeenna Muxamed (NNKH). Munaasabad ballaaran oo ay soo abaabuleen culumaa’uddiinka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo lagu weyneynayo dhalashada nebiga (NNKH) ayaa maanta ka dhacday magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Kumanaan dadweyne ah oo isugu [...]
February 5th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gaalkacyo,Gobolada,Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri
Qiimaha nabadda ay leedahay ayaa lagu baranayaa qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir oo dhowaan lagala wareegay al-Shabaab. Ololaha waxaa wada odayaal dhaqameed iyo ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed. Islow Maxamed Yuusuf oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in dadweynaha ay ku soo noqonayaan guryahooda, ayna barayaan qiimaha nabadda iyo ilaalinta ammaanka. Caasho Cumar [...]
February 5th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Wasiirka waxbarashada ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed ayaa maanta ka qeybgalay xaflad lagu sagootinayay in ka badan 2 boqol oo arday oo deeq waxbarasho ka helay dowladda Turkiga, kuwaasoo maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Ardayda oo ka kala yimid gobollada dalka ayaa wasiirka wuxuu kula dardaarmay [...]
February 5th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Dhaqaatiirta ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta gargaar caafimaad u fidiyay qaar ka tirsan dadka ku nool degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, iyagoo sidoo kale maro-kaneecooyin u qeybiyay dadka ku soo barakacay degmadaasi. Madaxa caafimaadka ee ciidamada AMISOM, Dr. Emmanuel ayaa sheegay in ay dadka u fidiyeen daryeel caafimaad oo isugu jira [...]
February 4th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kormeeray qaar ka tirsan xarumihii dowladda oo laga saaray shacabkii ku noolaa muddadii burburka. Xarumaha uu madaxweynuhu kormeeray ayaa waxaa ka mid ah guriga hooyooyinka, hoteel Shabeelle, jaamacaddii Culuumta, xarun ay dowladdii hoose ku lahayd degmada Shangaani iyo goobo kale oo isla degmadaasi ku [...]
February 4th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Xaflad maamul cusub loogu sameynayay dalladda dadka la nool xanuunka HIV/AIDS-ka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Dalladda ayaa yeelatay gole dhexe, guddi fulin iyo guddiyo howleed, guddoomiyaha dalladda waxaa loo doortay Sheekh Sayid Abba Cali halka agaasimaha howl-fulinta loo doortay Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan. Guddoomiyaha cusub ee dalladda dadka la [...]
February 4th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Ciidamada booliska dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta billaabay olole xarumaha dowladda lagaga saarayo dadkii degganaa muddadii dowlad la’aanta la ahaa. Booliska waxay dadkii degganaa ka saareen guriga hooyooyinka iyo Bacadlihii Xamarweyne oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Waxaa xarumaha maanta la banneeyay hoy ahaan u degganaa dad rayid ah. Sidoo kale [...]
February 4th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Xuska dhalashada nabigeenna Maxamed (Nabad geliyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee) ayaa maanta ka dhacaya gobollo badan oo ku yaalla dalka Soomaaliya iyo wadamo badan oo Islaam ah. Magaalooyinka waaweyn ee oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Dhuusamarreeb, Hargeysa, Beledweyne iyo kuwo kale ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa iyo munaasabadaha lagu weyneynayo dhalashada nebiga oo ah [...]
February 4th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Dhuusamareeb,Gobolada,Hargeysa,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Wasiirro ka tirsan xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, xildhibaanno iyo culumaa’uddiin ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta ka qeybgalay xuska dhalashadii nabigeenna Muxamed (NNKH) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ka hadlay xafladda ayaa u soo jeediyay culumaa’uddiinka Soomaaliyeed [...]
February 3rd, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri