Bogga hore » Jaaliyadda Dibedda Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Jaaliyadda Dibedda”

Deeq lacag ah oo la gaarsiiyay madarisada Tawakal ee Burco

Burco

Jaaliyadda Soomaalida ah ee dalka Sweden ayaa deeq lacag ah oo gaaraysa labo kun oo doollar-ka Mareykanka ah oo ay soo urruuriyeen soo gaarsiiyay maamulka madarisada Tawakal oo ku taalla xaafadda Oktoober ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Lacagtan ayaa loogu talagalay in ay qeyb ka noqoto lacagta lagu fulinayo dib-u-dhiska lagu sameynayo madarisada [...]

March 28th, 2012 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Wararka | Sii Akhri

Ganacsatada Soomaalida ee K/Afrika oo dukaamo laga rartay

booliska Koonfur Afrika

In ka badan 20 dukaan oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo ku yaalla magaalada Cape-town ayaa shalay laga rartay alaabooyin aan tayadoodu wanaagsaneyn oo yiilay dukaamadaasi, kaddib markii howlgallo ay ku qaadeen waax ka tirsan dowladda hoose iyo boolika dalka Koonfur Afrika. Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee uu howlgalkaasi saameeyay ayaa ku dooday [...]

March 23rd, 2012 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Wararka | Sii Akhri

8 Shabaab ah oo lagu xiray Yemen

Wararka-Soomaalida

Dowladda Yemen ayaa shaaca ka qaadday in ay gacanta ku dhigtay 8 qof oo dhallinyaro Soomaali ah, oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo u tagay dalkaas si ay uga barbar dagaallamaan ururka Al-Qaacidda. Sarkaal u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Yemen ayaa sheegay in siddeeda nin lix ka tirsan [...]

March 21st, 2012 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Wararka | Sii Akhri

Cali Ameeriko oo jaaliyadda Holland kala hadlay gargaarka

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Maxamed Cali Nuur

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo booshaqo ku jooga dalka Holland ayaa ka codsaday Soomaalida ku nool dalkaasi in ay wax u qabtaan walaalahooda ku dhibaataysan gudaha dalka. Cali Ameeriko oo xalay ka qayb galay xaflad ay soo qaban qaabisay jaaliyadda Soomaalida ee dalka Holland ayaa u sheegay [...]

March 19th, 2012 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Wararka | Sii Akhri

150 qof oo Soomaali ah oo lagu xiray Liibiya

Wararka-Soomaalida

Boqol iyo konton qof oo qaxooti Soomaali ah ayaa lagu xiray xeebta deegaanka Jajoura ee bariga magaalada Tripoli ee xarunta dalka Liibiya. Taliyaha golaha milateriga ee deegaanka Tajoura Axmed Xubaish ayaa sheegay inay shalay ciidamadooda u suuragashay inay qabtaan muhaajiriin sharci-darro ah oo sheegtay inay ka soo jeedaan dalka Soomaaliya. Xubaish ayaa sheegay in muhaajiriinta [...]

March 17th, 2012 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Wararka | Sii Akhri

Jaaliyadaha oo ka qeyb qaadanaya dib-u-dhiska dalka

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdisamad Macallin Maxamuud

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdisamad Macallin Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah ee ku nool qurbaha ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan dib-u-dhiska dalka. Wasiirka oo wareysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay inuu kulamo la soo qaatay [...]

March 16th, 2012 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Muhaajiriin Soomaali ah oo lagu xiray Mozambique

Xabsi / Google Images

Ku dhowaad 50 qof oo muhaajiriin Soomaali ah ayaa lagu xiray magaalada Mempa oo ku dhawaad saddex kun iyo toddobo boqol oo km u jirta caasimadda dalka Mozambique ee Maputo. Yaxye Maxamed oo ku sugan magaallo lagu magacaabo Nembula oo 700 km u jirta magaalada Mempa ee lagu xiray muhaajiriinta Soomaalida ayaa Bar-kulan u sheegay [...]

March 15th, 2012 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Yemen oo soo furatay 130 muhaajiriin Soomaali u badan

Wararka-Soomaalida

Ciidamada ammaanka dowladda Yemen ayaa soo furtay 130 muhaajiriin Soomaali u badan, kuwaas oo burcad hubeysan ay ku heysteen meel u dhow xadka dalkaasi uu la wadaago Sacuudiga. Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Yemen, Xuseen Xaaji Axmed ayaa Bar-kulan u sheegay in dadka la soo furtay ay xaaladdooda aad u liidato, isagoo carrabka ku dhuftay in [...]

March 10th, 2012 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Wararka | Sii Akhri

Kulan ku saabsan yareynta dhibaatooyinka Soomaalida ee K/Afrika

Bartamaha magaalada Cape-town / Google Images

Kulan looga hadlayay sidii lagu yareyn lahaa dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida ku ganacsata dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu ka dhacay tuullada Kalija ee hoos tagta magaalada Cape-town ee dalkaasi. Kulankan waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Koonfur Afrika, saraakiil ka socotay booliska gobolka Western Cape iyo madaxda Jaaliyadda Soomaalida ee gobolkaasi, waxaana diiradda [...]

March 9th, 2012 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

K. Afrika: Kulan looga hadlay xuquuqda qaxootiga Soomaalida

Wararka-Soomaalida

Kulan ay soo qaban qaabisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR oo looga hadlayay dhowrista xuquuqda qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa lagu qabtay Magaalada Cape-town. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha u dooda xuquuqda qaxootiga iyo jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika. Madaxa xiriirka arrimaha [...]

March 3rd, 2012 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Wararka | Sii Akhri