Bogga hore » Jaaliyadda Dibedda Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Jaaliyadda Dibedda” 
Jaaliyadda Soomaalida ee waddanka Koonfur Afrika ayaa soo dhoweeyay hadalka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo ku aadanaa in dowladda Koonfur Afrika ay safaarad ka furaneyso caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya. Ra’iisul wasaare Cabdiweli ayaa laba maalin ka hor ka dhawaajiyay in dowladaha Soomaaliya iyo Koonfur Afrika ay ka wada hadleen safaarado ay [...]
February 5th, 2012 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Wararka | Sii Akhri

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Yemen ayaa beeniyay warbixin uu daabacay wargeyska Jamhuuriya ee ku hadla afka dowladda, oo tilmaameysay in qaxootiga Soomaalida ay gacan siinayaan ururka al-Qaacidda ee dagaalka kula jira xukuumadda dalkaasi. Abuukaate Cabdiraxmaan Baana oo ka mid ah dadkii ka jawaab celiyay warkii wargeyska uu daabacay ayaa sheegay in [...]
January 21st, 2012 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Wararka | Sii Akhri

Ciyaartoy Soomaali ah ayaa ka qeybgaleysa tartanka jaaliyadaha Afrika oo ka socda magaalada Perth ee dalka Australia, waxaana wareegga hore oo gabagabo maraya ay Soomaalida rajo ka leeyihiin inay u gubdaan wareegga siddeed dhamaadka ciyaaraha. Sharma’arke Cabdi Sabriye oo kabtan u ah ciyaartoyda Soomaalida ee tartanka ka qeybgaleysa oo wareysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in [...]
January 16th, 2012 | La daabacay Ciyaaraha,Jaaliyadda Dibedda | Sii Akhri

Ganacsato Soomaali ah oo ku sugan magaalada Jubba ee dalka Koonfurta Suudaan ayaa ka cabanaya dhac, jir-dil iyo hanjabaado joogto ah oo ay kala kulmaan kooxo burcad ah. Cabdullaahi Indho-caag oo ka tirsan ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool magaalada Jubba ayaa u sheegay Bar-kulan in kooxaha burcadda ah ay jir-dil u geystaan ganacsatada Soomaalida [...]
January 13th, 2012 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Wararka | Sii Akhri

Saddex wiil oo Soomaali ah oo ku xirnaa dalka Libya ayaa lagu wareejiyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga adduunka ee UNHCR xero ay ku leedahay xadka ay wadaagaan dalalka Libya iyo Masar. Cabdideeq Xaaji oo qaraabo ah mid ka mid ah saddexdaasi wiil ayaa Bar-kulan u sheegay in markii hore ay ka ambabaxeen xeebaha [...]
January 13th, 2012 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Wararka | Sii Akhri

Muhaajiriin Soomaali oo tiradoodu gaarayso illaa iyo 20 qof ayaa ku geeriyootay dalka Tanzania, kaddib markii ay ku cabburmeen booyad lagu qariyay, sida laga soo xigtay booliska dalkaasi. Muhaajiriintaasi oo doonayay inay si sharci darro ah uga gudbaan dalka Tanzania ayaa waxaa meydkooda laga helay meel qashin qub ah oo ku taalla gobolka Morogoro oo [...]
January 5th, 2012 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Wafdi ka socda jaaliyadda Soomaalida ee dalka Norway ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), iyagoo sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan dib u dhiska dalka. Afhayeenka jaaliyadda Soomaalida ee dalka Norway, Cabduqaadir Sheekh Axmed ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya qeybaha kala duwan ee [...]
December 28th, 2011 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Duqeyn ka dhacday gobolka Ebyan ee dalka Yemen ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen saddex nin oo la rumeysan yahay inay ka tirsanaayeen al-Shabaab, kuwaasoo la dilay iyagoo ka bar-bar dagaallamaya al-Qaaciddada ku sugan dalka Yemen. Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Yemen, Xuseen Xaaji Axmed ayaa Bar-kulan u sheegay in sagaal dagaalyahanno oo ay ku jiraan [...]
December 27th, 2011 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Wararka | Sii Akhri

Wariyeyaasha qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa dhaleeceyn u jeedisay ciddii ka dambeysay dilkii xaq-darrada ahaa ee shalay Muqdisho loogu geystay wariye Cabdisalaan Sheekh Xasan Xiis, oo ka tirsanaa shaqaalaha Taleefashinka Horn Cable, xafiiskiisa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Kulan baroor diiq ah oo wariyeyaasha ku yeesheen magaalada Nairobi ayay ka [...]
December 19th, 2011 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Wararka | Sii Akhri

Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa sheegay in dowladda Kenya uu kala hadlay sugidda ammaanka xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo ay ku jiraan boqollaal kun oo qaxooti Soomaali ah. Afduubyo iyo falal ammaan darro oo xeryaha Dhadhaab ka dhacay bilihii ugu dambeeyay ayaa sababtay in shaqaalaha hay’adaha gargaarka ay faaruqiyaan xeryha. Cali Ameeriko [...]
December 16th, 2011 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri