Bogga hore » Xudur Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Xudur” 
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa galabta isaga baxday degmooyinka Xudur, Tiyeeglow iyo Waajid oo dhammaantood ka tirsan gobolka Bakool, kaddib markii ay soo wajahday cabsi ka dhalatay ciidamada dowladda KMG ah ee maanta la wareegay magaalada Baydhabo iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Baay. Ciidamada dowladda ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen demada Ceel-barde iyo deegaanka [...]
February 22nd, 2012 | La daabacay Qodobada wararka,Wararka,Xudur | Sii Akhri

Mas’uuliyiinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bakool ayaa sheegay inay wadaan diyaargarow dagaal oo ka dhan ah maleeshiyada al-Shabaab. Xildhibaan Axmed Sheekh Maxamed Laaxoos oo ku sugan deegaanka Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa Bar-kulan u sheegay inay ku jiraan diyaargarowgii ugu dambeeyay ee howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda al-Shabaab. [...]
January 20th, 2012 | La daabacay Gobolada,Wararka,Xudur | Sii Akhri

Dagaal dhexmaray maleeshiyada al-Shabaab iyo ciidanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Keesow ee hoostagta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Dagaalkan ayaa ka dambeeyay kaddib markii ciidanka dowladda KMG ah ay weerar ku qaadeen fariisin maleeshiyada al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaankaasi. Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta [...]
January 19th, 2012 | La daabacay Gobolada,Qodobada wararka,Wararka,Xudur | Sii Akhri

Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceel-barde ee gobolka Bakool ayaa lagu soo warramayaa inay xabsiga dhigeen 10 qof oo looga shakisanyahay inay xiriir la leeyihiin maleeshiyada al-Shabaab ee joogta qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dadka la xirxiray oo dhallinyaro ah ayaa la sheegay inay doonayeen in gudaha degmadaasi ay ka [...]
January 13th, 2012 | La daabacay Gobolada,Qodobada wararka,Wararka,Xudur | Sii Akhri

Saraakiisha ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee gobollada Baay iyo Bakool ayaa ballan ku qaaday in maalmaha soo socda ay la wareegi doonaan qaar ka mid ah degmooyinka gobolladaasi oo ay ka taliyaan maleeshiyada al-Shabaab. Col. Aadan Axmed Baariyow oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda KMG ayaa Bar-kulan u sheegay in uu dhammaaday diyaar garowgii [...]
January 3rd, 2012 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Wararka,Xudur | Sii Akhri

Horjoogayaasha maleeshiyada al-Shabaab ee degmooyinka Xudur iyo Tiyeglow ee gobolka Bakool ayaa billaabay inay ka baxaan degmooyinkaasi, kaddib markii ay soo food saartay cabsi la xiriirta howlgallo ay qorsheynayaan ciidamada dowladda KMG inay ka fuliyaan degmooyinkaasi. Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa Bar-kulan u sheegay in horjoogaha [...]
January 3rd, 2012 | La daabacay Gobolada,Wararka,Xudur | Sii Akhri

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka KMG ee Soomaaliya oo ku sugan degmada Doolow oo ku taalla xadka ay Ethiopia la wadaagto gobolka Gedo ayaa sheegay in dhawaan ciidamada dowladda ay ku wajahan yihiin deegaannada maleeshiyaadka al-Shabaab ay kaga sugan yihiin gobollada Baay iyo Bakool. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo xildhibaan Afaraale oo ka qeybgalay munaasabad tababar muddo lix [...]
December 23rd, 2011 | La daabacay Baydhabo,Wararka,Xudur | Sii Akhri

Maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolkaasi ay ka jiraan cudurro kala duwan oo saameyn xooggan ku yeeshay dadka. Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macallin oo ku sugan degmada Ceelberde ayaa Bar-kulan u sheegay in cudurrada shubanka iyo jadeecada ay fara ba’an ku hayaan dadka ku nool deegaanno [...]
December 18th, 2011 | La daabacay Gobolada,Qodobada wararka,Wararka,Xudur | Sii Akhri

Lix carruur ah ayaa cudurka shuban biyoodka 24-kii saac ee la soo dhaafay ugu geeriyootay degmooyinka Xudur, Waajid iyo Tiyeglow oo dhamaantood kawada tirsan gobolka Bakool, iyadoona lagu soo warramayo in 60 kale oo isugu jira carruur iyo dad waaweynna ay cudurkaasi la il daran yihiin. Maxamed Xasan Tukow oo ka mid ah dadka ku [...]
December 6th, 2011 | La daabacay Gobolada,Wararka,Xudur | Sii Akhri

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah horjoogayaasha maleeshiyada al-Shabaab ayaa shalay shacabka gobollada Baay iyo Bakool ka dalbaday inay qeyb ka qaataan dagaaalka ay maleeshiyadiisu kula jirto ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna ee gobolladaasi. Horjooge Mukhtaar Roobow ayaa shacabka u sheegay in laga doonayo inay difaacaan gobollada ay ka soo jeedaan, maadaama [...]
December 4th, 2011 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka,Xudur | Sii Akhri