Bogga hore » Gobolada Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Gobolada”

Mareer-guur: dad ku dhaawacantay aqallo dumay

Biyo fariistay waddo ku taalla Mareer-guur /Bar-kulan

Roob maanta ka da’ay tuulada Mareer-guur oo 30 km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Dhuusammareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sababay dhaawaca 14 qof oo isugu jira carruur, haween iyo dad da’ ah. Calas Maxamed Jaamac oo ku sugan Mareer-guur ayaa Bar-kulan u sheegay in dadka intooda badan ay dhaawacmeen kaddib markii ay aqalladoodii ku [...]

May 14th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Garoonka Ugaas Khaliif oo dayactir lagu billaabay

Beledweyn cusub

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa dayactir ku billaabay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo aan shaqeyn muddo saddex sano ah. Dayactirka maanta waxaa lagu billaabay waddada ay ku cararaan diyaaradaha iyo meelaha la dhigo marka ay soo degaan oo uu burbur ka muuqdo. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdifataax Xasan Afrax [...]

May 14th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Ururrada dhallinyarada Puntland oo dallad guud sameysan raba

Wasiirka dhallinyarada Puntland

Xarunta wasaaradda dhallinyarada ee Puntland ee magaalada Garoowe waxaa isugu yimid ururro badan oo arrimaha dhallinyarada ka shaqeeya, kuwaas oo ka arrinsanaya sidii ay u sameysan lahaayeen dallad guud oo mideysa. Wasaaradda dhallinyarada ayaa u ololeyneysa sidii ay u mideyn laheyd ururrada dhallinyarada ee ka howlgala deegaannada Puntland Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha maamulka Puntland, Cabdiweli [...]

May 14th, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Webiga Shabeelle oo fatahay

fatahaad

Webiga Shabeelle ayaa lagu soo warramayaa inuu ku fatahay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Webiga ayaa ku fatahay tuulooyinka Raqayle, Maagaay, Gaashaanle iyo deegaanno hoos taga degmada Jowhar, waxaana la soo sheegayaa in uu khasaare gaarsiiyay dhul beereed baaxad leh oo ku teedsan webiga. Biyaha fatahay waxay baabi’iyeen beero ay ku yaalleen dalagyo isugu [...]

May 14th, 2012 | La daabacay Gobolada,Jowhar,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Sool: Waddo uu roob gooyay oo la dayactirayo

God ayay biyaha roobka ka qodeen duleedka tuulada Ari-caddeeyo oo 30 kilo mitir Waqooyi ka jirta Laascaanood, waddada waxay isku xirtaa Laascaanood iyo Burco / RBK

Waddada isku xirta Laascaanood iyo Burco oo uu roob ka gooyay duleedka tuulada Ari-caddeeye oo 30 kilo mitir u jirta Laascaanood ayaa waxaa laga billaabay olole lagu dayactirayo. Ololahan oo ay qeyb ka yihiin maamulka Somaliland, shirkadaha ganacsiga iyo ciidamada ayaa waxaa lagu guulaystey in si kumeel gaar ah loo buuxiyey god 4 mitir ah [...]

May 13th, 2012 | La daabacay Gobolada,Laascaanood,Wararka | Sii Akhri

Bari: Siyaasi dil lagu xakumay

Faarax Maxamuud Dooxa-joog.

Maxakamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa dil ku xakuntay Faarax Maxamuud Dooxa-Joog oo ah siyaasi Puntland u dhashay ah, kaasoo lagu eedeeyay inuu maleegay shirqool lagu weeraray wafdi wasiirro ah oo ka tirsan dowladda Puntland oo kormeer ku joogay degmada Baargaal. Faarax Maxamuud Dooxa-joog ayay maxkamaddu sheegtay inuu abaabulay rag hubeysan ee weerarka geystay, [...]

May 13th, 2012 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Xildhibaanno ammaanay waxqabadka madaxweyne Shariif

Wararka-Soomaalida17

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ugu jira beelaha Banaadiriga ayaa si weyn u taageeray dedaallada dowladda madaxweyne Sharriif Sheekh Axmed ay ugu jirto nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya. Xildhibaannadan oo maanta Muqdisho shir ku yeeshay ayaa waxay sheegeen in madaxweyne Sharriif Sheekh Axmed wax badan uu ka qabtay ammaanka iyo siyaasadda dalka waqtigiisa xafiiska. Sharrif Maxamed [...]

May 13th, 2012 | La daabacay Gobolada,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Jidgooyooyin laga qaaday Hiiraan

Wararka-ugu-dambeeyay

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa ku guuleystay inay si nabadgalyo ah ku qaadaan laba jidgooyo oo gaadiidka lacago looga qaadi jirey duleedka bari ee magaalada Baladweyne. Howlgal ay ciidamada ammaanka ah ee Baladweyne ka sameeyeen xarumaha Ceel-jaalle iyo duleedka garroonka Beledweyne ee Ugaas Khaliif ayay jidgooyooyinka ku qaadeen, waxaana qaar ka mid ah maleeshiyaadkii lagu biiriyay [...]

May 13th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Miino cusub iyo ninkii lagu qabtay oo Muqdisho lagu soo bandhigay

Miinada Cusub

Hay’adda nabad sugidda qaranka waxay maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay nin la sheegay in lagu qabtay miino casri ah oo la sheegay in ay sameysay al-Shabaab. Miinada casriga ah ayaa loogu tala galay in lagu xiro gaadiidka yar yar, taasoo dili karta dadka saaran gaariga lagu xiro. Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe [...]

May 13th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

RW Gaas oo codsaday dedejinta soo xulidda guddiga ansixinta dastuurka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta odayaasha dhaqanka kula hadlay dhimse u dhow garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa ka codsaday odayaasha in ay dedejiyaan xulidda ergada la doonayo in ay ansixiyaan dastuurka cusub. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in laga dib dhacay xilligii loogu tala galay soo gudbinta [...]

May 13th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri