Bogga hore » Gobolada Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Gobolada”

Burco: Dad ka cabanaya nolol xumo

Burco

Dadka barakacay iyo qoysaska danyarta ah ee ku nool xaafadda Koosaar ee waqooyiga magaalada Burco ayaa ka cabanaya xaalad nolol xumo oo soo food-saartay bilihii u dambeeyay. Guddoomiyaha xaafadda Koosaar, Maxamed Axmed Shoori ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladda dadka ku nool xaafaddaas ay aad u liidato, kuwaas oo isugu jira qaar abaartii ka jirtay [...]

February 5th, 2012 | La daabacay Burco,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

AMISOM oo gargaar caafimaad ka sameysay Muqdisho

Ciidamada AMISOM oo gargaar caafimaad u sameynaya dad danyar ah / Bar-kulan

Dhaqaatiirta ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta gargaar caafimaad u fidiyay qaar ka tirsan dadka ku nool degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, iyagoo sidoo kale maro-kaneecooyin u qeybiyay dadka ku soo barakacay degmadaasi. Madaxa caafimaadka ee ciidamada AMISOM, Dr. Emmanuel ayaa sheegay in ay dadka u fidiyeen daryeel caafimaad oo isugu jira [...]

February 4th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Madaxweyne Shariif oo kormeeray xarumihii laga baxay ee dowladda

Madaxweyne Shariif oo maanta kormeeray xarumo dhowr ah / RM

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kormeeray qaar ka tirsan xarumihii dowladda oo laga saaray shacabkii ku noolaa muddadii burburka. Xarumaha uu madaxweynuhu kormeeray ayaa waxaa ka mid ah guriga hooyooyinka, hoteel Shabeelle, jaamacaddii Culuumta, xarun ay dowladdii hoose ku lahayd degmada Shangaani iyo goobo kale oo isla degmadaasi ku [...]

February 4th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Kaalin shidaal oo caawa ku gubtay Boorame

Wararka-ugu-dambeeyay24

Kaalin shilaad oo ku yaalla magaalada Boorame ee gobolka Awdal ayaa lagu soo warramayaa in uu caawa fiidkii dab qabsaday. Lama oga khasaaraha ka dhashay gubashada kaalinka shidaal, maadaama weli lagu mashquulsan yahay in la demiyo dabka, waxaana la maqlayaa qarax ay sameynayaan fuustooyin shidaal oo kaalinka yaallay. Mas’uuliyiinta degmada Boorame iyo saraakiisha ciidanka ammaanka [...]

February 4th, 2012 | La daabacay Boorama,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Muqdisho oo maamul loogu sameeyay dadka la nool HIV/AIDS

Wararka-Soomaalida25

Xaflad maamul cusub loogu sameynayay dalladda dadka la nool xanuunka HIV/AIDS-ka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Dalladda ayaa yeelatay gole dhexe, guddi fulin iyo guddiyo howleed, guddoomiyaha dalladda waxaa loo doortay Sheekh Sayid Abba Cali halka agaasimaha howl-fulinta loo doortay Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan. Guddoomiyaha cusub ee dalladda dadka la [...]

February 4th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

4 qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay Shabeellaha dhexe

Wararka-ugu-dambeeyay24

Afar qof ayaa ku dhimatay, 3 qof oo kalena way ku dhaawacantay dagaal maanta deegaanka Geyfo oo u dhow Raage-ceelle ku dhex maray maleeshiyada Al-Shabaab iyo dadka deegaanka. Dadka dhintay ayaa 3 ka tirsan waxay ahaayeen dadka deegaanka, halka qofka afaraadna uu ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana uu dagaalku billowday kaddib markii ay Al-Shabaab weerartay [...]

February 4th, 2012 | La daabacay Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Cabdi Qeybdiid oo ka hadlay dilkii Gaalkacyo ka dhacay

Cabdi-Qeybdiid

Wasiirkii hore ee macdanta iyo biyaha ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta ka hadlay dil habeenkii Khamiista ciidanka ammaanka Galmudug ay u geysteen saddex nin. Cabdi Qeybdiid wuxuu si adag u beeniyay in ragga la dilay ay ku lug lahaayeen qaraxii lala eegtay gurigiisa. Qeybdiid oo shir jaraa’id ku [...]

February 4th, 2012 | La daabacay Gaalkacyo,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Muqdisho: Dad laga saaray xarumo dowladeed

Wararka-ugu-dambeeyay

Ciidamada booliska dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta billaabay olole xarumaha dowladda lagaga saarayo dadkii degganaa muddadii dowlad la’aanta la ahaa. Booliska waxay dadkii degganaa ka saareen guriga hooyooyinka iyo Bacadlihii Xamarweyne oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Waxaa xarumaha maanta la banneeyay hoy ahaan u degganaa dad rayid ah. Sidoo kale [...]

February 4th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Maalinta dhalashada nebiga (NNKH) oo laga xusay Garbahaarrey

muhammad

Culumaa’uddiinka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee magaalada Garbahaarrey ee gobolka Gedo ayaa maanta isu soo bax weyn u sameeyay maalinta dhalasha nebigeenna Muxamed (NNKH). Isu soo baxa waxaa ka qeybgalay dadweyne fara badan oo ay ka mid yihiin odayaal dhaqameed, dhallinyaro, haween iyo carruur intaba. Culumada ayaa ka hadlay fadliga xuska maalinta dhalashada nebiga (NNKH) iyo [...]

February 4th, 2012 | La daabacay Garbahaarrey,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo booqday Beledweyne

UPDATE: Wafdiga Qaramada Midoobay wuxuu dib ugu laabtay magaalada Nairobi wax yar kaddib markii gudaha magaalada Beledweyne uu kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka dowladda Soomaalya, kuwa taabacsan dowladda, iyo saraakiil Itoobiyaan ah. Hay’adaha UNICEF, UNHCR iyo UNOCHA ayaa ka mid ah hay’adihii maanta halkaas gaaray. Waxay ballan-qaadeen inay gargaar deg-deg ah gaarsiin doonaan magaalada, iyagoo ka codsaday ururrada maxalliga [...]

February 4th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Wararka | Sii Akhri