Bogga hore » Muqdisho Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Muqdisho” 
Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu wax ka qabanayo kooxaha isu ekeysiiya ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee mararka qaar falal amni darro ka geysta caasimadda Muqdisho. Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir ee dhanka amniga Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo wareysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in ay la dagaallamayaan askarta xirta dareyska ciidanka dowladda [...]
May 13th, 2012 | La daabacay Gobolada,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Gabar yar ayaa ku geeriyootay, toddobo qof oo gabdho u badanna way ku dhaawacmeen qaraxa bam gacanta laga tuuray oo caawa ka dhacay isgoyska Baar-ubax ee degmada Howlwadaag. Goob joogeyaal ayaa Bar-kulan u sheegay in bamka lala bar-tilmaameedsanayay askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah oo ku sugnaa meel u dhow halka uu qaraxa ka [...]
May 12th, 2012 | La daabacay Gobolada,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Kulan looga doodayay sida loo sugi karo ammaanka Muqdisho oo ay ka qeybgaleen 200 oo qof oo isugu jira xildhibaanno ka tirsan baalamaanka KMG ah ee Soomaaliya iyo odayaal dhaqameed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Kulanka oo ay qabanqaabiyeen ururka Midowga Dhallinyarada Soomaaliyeed (UYS) ayaa waxaa ka qeybgalayaasha ay fikir iyo talooyin ka bixinayeen [...]
May 12th, 2012 | La daabacay Gobolada,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Dood cilmiyeed ay ka qeybgaleen boqollaal dhallinyaro ka kala timid gobolka Banaadir oo looga hadlayay doorka ay ku yeelan karaan nabadda ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Doodad oo ay iska kaashanayeen wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo cayaaraha ee xukuumadda KMG ah, ururka dhallinyarada qaranka iyo ururka SYL-2 ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay sidii [...]
May 12th, 2012 | La daabacay Gobolada,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Heshiis is afgarad ah ayaa maanta magaalada Muqdisho waxaa ku kala saxiixday xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, xafiiska xuquuqul-insaanka ee Qaramada Midoobay (OHCHR) iyo xafiiska arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNPOS). Heshiiska oo ka kooban 7 qodob ayaa dowladda KMG ah ee Soomaaliya ku dhiirrigelinaya inay saxiixdo, ansixiso, isla markaana ay dhaqan-geliso dhammaan heshiisyada [...]
May 11th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladda hoose ee Xamar iyo dowladda hoose ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa isku af gartay in la mataaneeyo labada magaalo. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa maanta warbaahinta ugu sheegay Muqdisho in mas’uuliyiinta magaalada Istanbul ay codsadeen in la mideeyo labada magaalo. Tarsan [...]
May 11th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Ciidamada nabad-sugidda qaranka iyo kuwa booliska ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo is kaashanaya ayaa maanta howglgallo dad lagu qabqabtay ka sameeyay degmooyinka Wadajir iyo Hodan ee gobolka Banaadir. Taliyaha ciidanka nabadda sugida qaranka ee gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka ay ku soo qabteen dad uusan tiradooda [...]
May 10th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta la kulmay wafdi heer wasiir ah oo ka socday dalalka Koonfur Afrika iyo Mozambique oo magaalada Muqdisho booqday. Kulanka kaddib waxaa saxaafadda la hadlay ra’iisal wasaare Cabdiweli Maxamed Cali oo sheegay in waqti loo baahnaa ay wafdiga wasiirrada yimaadeen Soomaaliya, isla markaana ay ka wada hadleen sidii [...]
May 10th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Wafdi ka socda dalalka Koonfur Afrika iyo Mozambique ayaa maanta booqday magaalada Muqdisho. Wafdiga oo uu hoggaaminayay wasiirka dastuurka Koonfur Afrika, Jeffrey Thamsanqa Radebe ayaa wuxuu ka koobnaa siddeed wasiir oo shan ka mid ah ay ka socdeen Koonfur Afrika, halka saddexda kale ay ka socdeen Mozambique. Mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka dastuurka Soomaaliya, [...]
May 10th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Kulan looga doodayay qodobbada saldhigga u ah ammaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho waxaa loogu qabtay 2 boqol oo haween ah, kaas oo uu soo qaban qaabiyay ururka Midowga Dhallinyarada Soomaaliyeed. Qodobbadii kulanka looga dooday waxaa ka mid ahaa in la xoojiyo tubta toosan ee lagu gaari karo nabadda iyo in la ballaariyo wada-shaqeynta laamaha ammaanka [...]
May 9th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri