Bogga hore » Muqdisho Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Muqdisho”

Aas-aaska ciidankada asluubta oo laga xusay Muqdisho

Xabsiga dhexe ee Muqdisho /Radiomuqdisho

Xaflad lagu maamuusayay sanad-guuradii 42-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidanka asluubta Soomaaliya ayaa maanta laga qabtay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen wasiirro, xildhibaanno, saraakiisha ciidanka, fannaaniin iyo mas’uuliyiin kale. Ku-simaha taliyaha ciidanka asluubta, Ibraahim Axmed Cabdulle ayaa sheegay in uu ciidanka asluubta u shaqeeyo si wanaagsan, wuxuuna [...]

February 22nd, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Maxkamadda ciidamada oo xukuntay 9 askari

Wararka-Soomaalida25

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku ridday sagaal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda kuwaas oo dambiyo lagu helay. Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, gaashaanle sare Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) ayaa sheegay in sagaalka askari midkiiba lagu xakumay 6 bil oo [...]

February 21st, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Maalinta af-Soomaaliga oo laga xusay Garoowe

xafladda maalinta farta Soomaaliga

Xaflad lagu xusayay maalinta af-Soomaaliga oo ku beegan maanta ayaa lagu qabtay xarunta jaamacadda Puntland State University (PSU) ee magaalada Garoowe, iyadoo hal-ku-dhig looga dhigay bar ama baro afkaaga hooyo. Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland, Cabdisamad Cali Shire, oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in af-Soomaaliga oo ah af facweyn oo soo jiray xilligii Faraaciinta uu [...]

February 21st, 2012 | La daabacay Garoowe,Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Dad ku dhintay madaafiic ku dhacday Yaaqshiid

Wararka-ugu-dambeeyay

Laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, saddeed kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii maleeshiyada al-Shabaab ay xalay madaafiic ku weerareen xaafado ka mid ah degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in labada ruux ee geeriyooday ay ku kala dhinteen xaafadaha General Daa’uud iyo agagaarka isgoyska Sanca ee degmada Yaaqshiid. Siddeeda [...]

February 21st, 2012 | La daabacay Gobolada,Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Nabad-sugidda qaranka oo xirtay 10 qof

Wararka-Soomaalida25

Ciidamada nabad-sugidda qaranka ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo maanta howlgallo ka sameeyay degmooyinka Kaaraan iyo Dharkeenley ee gobolka Banaadir ayaa soo qabtay 10 qof oo ay ku eedeeyeen in ay falal amni-darro ah ka wadeen degmooyinkaas. Taliyaha ciidanka nabad-sugidda ee gobolka Banaadir, gaashaanle sare Khaliif Axmed Erig ayaa sheegay in ay howlgalka ku [...]

February 20th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Dagaal iyo duqeymo ka dhacay duleedka Muqdisho

Wararka-ugu-dambeeyay

Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, afar kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal iyo duqeymo wada socda oo xalay ka dhacay deegaannada Sarkuusta iyo Kaxda ee duleedka magaalada Muqdisho. Dagaalkan ayaa ka billowday kaddib markii maleeshiyada al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay [...]

February 20th, 2012 | La daabacay Gobolada,Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Mahiga: Shirka London waa u mihiim Soomaalida

Mahiga

Wakiilka gaarka ah ee xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Dr Augustine Mahiga ayaa sheegay in shirka 23-ka bishan ka furmaya magaalada London uu muhiimad u leeyahay Soomaalida. Mahiga oo wareysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in Soomaalida ay tahay inay ka faa’ideystaan shirka London, isla markaana ay ku soo bandhigaan dhibaatooyinka siyaasadeed ee [...]

February 19th, 2012 | La daabacay Gobolada,Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Haween dood cilmiyeed loogu qabtay Muqdisho

Wararka-ugu-dambeeyay

Haween tiradoodu ay gaareyso 200 ayaa waxaa maanta Muqdisho loogu qabtay dood cilmiyeed ku saabsanaa sida ay haweenka ugu qaadan karaan siyaasadda iyo dib u soo celinta nabadda. Dood cilmiyeedka oo ay soo qaban qaabisay hay’adda wadahadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa ka hadashay Xaawo Cabdullaahi Qiyaad oo baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda aadanaha, waxayna [...]

February 19th, 2012 | La daabacay Gobolada,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Wasiirka horumarinta caalamiga Norway oo booqday Muqdisho

Eric_Solheim

Wasiirka horumarinta caalamiga waddanka Norway, Erik Solheim ayaa maanta booqday magaalada Muqdisho, wuxuuna kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan wasiirrada xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Xasan ayaa wasiirka iyo wafdigiisa ku qaabilay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, iyaga oo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin [...]

February 19th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Mahiga oo soo dhoweeyay heshiiskii lagu gaaray Garoowe

Augustine Mahiga / Bar-kulan

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay dhinacyada Soomaalidu ku gaareen magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Mr. Mahiga oo u warramayay Bar-kulan markii uu ka soo laabtay shirkii Garoowe ayaa tilmaamay in shirkaasi deddaal badan lagu bixiyay sidii uu u noqon lahaa mid mira [...]

February 19th, 2012 | La daabacay Gobolada,Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri