Bogga hore » Marka Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Marka” 
Maleeshiyada al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay fagaare ku yaalla magaalada Merka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose xukun qisaas ah ku fulisay nin horey uga tirsanaan jiray maleeshiyadooda. Nuur Jeylaani oo ka mid ahaa maleeshiyada Shabaab ee deegaanka Kurtunwaarey ayaa dil toogasha ah lagu fuliyey, kaddib markii lagu eedeeyey inuu horey si bareer ah u [...]
December 28th, 2011 | La daabacay Gobolada,Marka,Shabeelaha hoose,Wararka | Sii Akhri

Toban qof ayaa ku dhaawacantay shil gaari oo galabta ka dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Jannaale iyo Shalaambood ee gobolka Shabeelaha hoose. Shan ka mid ah dadka dhaawacmay, oo xaaladdooda ay halis tahay ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose. Gaariga ayaa la sheegay in uu rogmaday, kaddib markii uu waduhu [...]
November 24th, 2011 | La daabacay Marka,Shabeelaha hoose,Wararka | Sii Akhri

Roob lagu diirsaday ayaa la soo sheegayaa in xalay illaa shalay uu ka da’ayay degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Roobka ayaa waxa uu biyo dhigay degmooyinka Afgooye, Marka Qoryooley, Kuntuwaarrey iyo Buulo-Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in roobka uu hakad geliyay isu socodka gaadiidka isaga kala goosha degmooyinka qaar. [...]
October 24th, 2011 | La daabacay Afgooye,Gobolada,Marka,Wararka | Sii Akhri
Qoysas dhibaateysan oo ku nool tuulooyin hoos taga degmooyinka Qoryooley iyo Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta loo qeybiyay deeq boorash ah. Qoysaskan oo la sheegay in xaaladooda ay liidatay ayaa waxaa deeqdasi guddoonsiisay hay’adda Cosvi ee caalamiga, iyadoo qoyskiiba la siiyay hal kiish qoyskiiba. Qaar kamid ah dadkii deeqda la guddoonsiyyay ayaa Bar-kulan u sheegay [...]
September 15th, 2011 | La daabacay Gobolada,Marka,Wararka | Sii Akhri
Kulan looga hadlayay xaaladda dadka ay barakiciyeen abaaraha, isla markaana ay ka qeybgaleen culimada, oday dhaqameedka iyo siyaasiyiinta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta lagu qabtay gobolkaasi. Kulanka ayaa lagu lafaguray sidii maleeshiyada Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka iyo in maamul loo sameeyo gobolka Shabeelaha Hoose kaas oo wax ka qaban kara dhibaatooyinka ka jira gobolka. [...]
September 13th, 2011 | La daabacay Gobolada,Marka,Wararka | Sii Akhri
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xasbiga dhigay 8 ka mid ah beeraleyda degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose kaddib markii ay ku eedeeyeen in ay bixin waayeen lacago ay maleeshiyda ka dalbadeen. Mid ka mid ah beelareyda Awdheegle oo Bar-kulan u warramay, ayaa sheegay in beeraleyda ay Shabaabka ku wargeliyeen in aysan bixin karin lacagaha laga doonayay, [...]
June 27th, 2011 | La daabacay Gobolada,Marka,Wararka | Sii Akhri
Dadka deggan qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka cabanayo cudurro iyo nafaqo darri soo food saartay, iyadoo gobolkuna ay wali ka jiraan abaaro. Ila wareedyo caafimaad ayaa Bar-kulan u sheegay in dadka degmooyinka Kuntuwaarey, Buulomareer iyo Qoryooley ay ka cabanayaa nafaqo darri iyo xanuunnada shuban biyoodka, xiiq-dheerta iyo jadeecada, iyagoo sheegay [...]
June 19th, 2011 | La daabacay Gobolada,Marka | Sii Akhri
Maleeshiyda Al Shabaab ee degmada Wanlaweyn ayaa xabsiga dhigay ku dhawaad toban qof oo ay ku eedeeyeen ka ganacsiga iyo isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya. Maleeshiyada ayaa dadkan ka soo qabqabtay gudaha degmada, waxaana qaar ka mid ah dadka deegaanka, oo Bar-kulan la hadlay, ay sheegeen in maleeshiyda ay cadaadis ku hayaan dadka ku nool halkaasi. [...]
June 18th, 2011 | La daabacay Gobolada,Marka,Wararka | Sii Akhri
Maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan deegaanka ku yaallo duleedka magaalada Muqdisho ee Ceelasha Biyaha, ayaa maanta xabsiga ka sii daayay toban dhallinyaro ah oo ku eedeysnaa dhageysiga idaacadaha Bar-kulan iyo Radiomuqdisho. Maleeshiyda ayaa dhallinyarada gacanta ku soo dhigay xilli ay guryahooda ku dhageeysanayeen labada idaacadood maalintii shalay, waxaana arintaasi ay layaab ku noqotay dadka [...]
June 18th, 2011 | La daabacay Gobolada,Marka,Wararka | Sii Akhri
Lix caruur ah ayaa lagu soo waramayaa in afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay ay shuban biyood ugu geeriyoodeen tuulada Buulo-warbo oo hoos tagto degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaar ka tirsan waxgaradka tuulada, oo Bar-kulan la hadlay, ayaa sheegay in dadka ugu badan ee xanuunka uu soo ritay ay yihiin caruurta [...]
June 7th, 2011 | La daabacay Gobolada,Marka,Wararka | Sii Akhri