Bogga hore » Kismaayo Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Kismaayo” 
Laba horjooge iyo maleeshiyaad tirsan al-Shabaab ayaa isu dhiibay ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose. Mid ka mid ah horjoogeyaasha oo Shabaabka Jubbada Hoose u qaabilsanaa dagaalgelinta ayaa la yiraahdaa Maxamuud Xaaji Qorane, waxaana shalay casarkii isaga iyo labo maleeshiyo oo ilaaladiisa ahaa iyo gaari dagaal [...]
April 20th, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa maalintii labaad xayiraad xagga safarka ah waxay saartay ganacsatada qaadka ku iibin jiray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Kaddib markii al-Shabaab ay mamnuucday in qaad lagu iibiyo gudaha magaalada Kismaayo, ayaa taasi waxay sababtay in ganacsatada qaadka ay isku dayaan in ganacsigooda u wareejiyaan magaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa u diidday ganacsatada [...]
April 16th, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Wararka | Sii Akhri

Sagaal ayaa ku dhimatay, dad kale oo badanna way ku dhaawacmeen dagaal galabta ka dhacay deegaanka Xaye oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Raaskambooni oo isku dhinac ah iyo maleeshiyada Al-Shabaab. Dagaalka oo cuslaa ayaa socday muddo ku dhow [...]
April 14th, 2012 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Kismaayo,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Maleeshiyada al-Shabaab ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa saaka xabsiga dhigay 25 qof oo ka tirsan ganacsatada Qaadka ee magaaladaas. Wararka ayaa sheegaya in kooxda al-Shabaab ay burburiyeen illaa iyo labaatan mehradood oo ahaa kuwa Qaadka lagu iibiyo. Horjooge lagu magacaabo Cabdiraxiin Muuddeey iyo kooxo maleeshiyo ah oo la socday ayaa la [...]
April 12th, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Boqolaal ka tirsan haweenka jaadka ku iibiya Kismaayo ayaa maanta dhigay dibadbax ay kaga cabanayaan amar al-Shabaab ay ku mamnuucday in jaad lagu iibiyo magaaladaasi. Haweenka oo isugu soo baxay afaafka hore ee xarunta degmada Kismaayo ayaa sheegay inay ka cabanayaan amar dabayaaqadii bishii hore ka soo baxay al-Shabaab oo farayay haweenka jaadka ku iibiya [...]
April 10th, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Wararka | Sii Akhri

Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa lagu soo warramayaa inay maanta ku geeriyoodeen 3 qof oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo ku soo dhaawacmay dagaalkii Hoosingow ka dhacay toddobaadkan. Magaalada Kismaayo ayaa la geeyay dhaawacyada maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal sarsare oo ay waxyeello [...]
April 7th, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Wararka | Sii Akhri

Askar tiradoodu ay ku dhowdahay kun (1000 ) oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ee gobolka Jubbada hoose ayaa muddo bilooyin ah kaddib maanta waxaa loo qeybiyay mushaaraadkii ay la haayeen, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada. Colonel Maxamed Cabdullaahi oo ka mid ah saraakiisha ciidmada dowladda ee ku sugan Qooqaani ayaa Bar-kulan [...]
April 1st, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Wararka | Sii Akhri

Ammar maanta ka soo baxay maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa looga mamnuucay magaaladaas in la keeno qaadka. Horjoogaha maleeshiyada Al-Shabaab ugu sarreeya magaalada Kismaayo, Xasan Yacquub Cali ayaa ka sheegay idaacad afka maleeshiyada ku hadasha in laga billaabo maanta aan wax qaad ah la keeni karin magaalada, [...]
March 21st, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Wararka | Sii Akhri

Daawo la’aan ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto isbitaalka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, kadib markii hay’adihii dawooyinkii siin jiray ay mamnuucday maleeshiyada al-Shabaab. Xaaladda dawo la’aaneed ee isbitaalka ka jirta ayaa sababtay inay saameyn ku yeelato boqollaal bukaanno ah oo laga kala keenay gudaha Afmadow iyo deegaannada ku dhow-dhow oo isbitaalka ku [...]
March 18th, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Wararka | Sii Akhri

Wararka ka imaanaya degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada al-Shabaab ay si xoog ah ula wareegeen 20 gaari oo nooca xamuulka ah, isla markaana ay raashin sahay ah iyo hub uga rarteen halkaasi. Qaar ka mid ah dadka gaadiidka laga dhacay ayaa Bar-kulan u sheegay in maleeshiyadu ay gaadiidka ku rarteen [...]
March 5th, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Wararka | Sii Akhri