Bogga hore » Kismaayo Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Kismaayo” 
Maleeshiyada al-Shabaab ayaa shalay xiray afar xarun oo gargaar loogu fidin jiray dadka soo barakacay ee ku nool magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Labo ka mid ah xarumaha la xiray waxay ku yaallaan xaafadda Farjanno, halka labada kalena ay ku kala yaallaan xaafadaha Shaqaalaha iyo Guulwade. Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee [...]
February 22nd, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Wararka | Sii Akhri

Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Kenya iyo kooxda Raaskambooni ayaa dagaal ay maanta la galeen maleeshiyada Al-Shabaab waxa ay kula wareegeen deegaanka Dallaayad oo hoos taga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose. Sheekh Maxamuud Taqal oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Raaskambooni oo waraysi siiyey Bar-kulan ayaa sheegay in ay ciidamada huwanta [...]
February 7th, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Jaamacadda Kismaayo ee xarunteedu tahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa heshiisyo dhinacyo badan taabanaya la saxiixatay qaar ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla dalka Sudan, gaar ahaan caasimadda Khartoum. Heshiisyadan oo isugu jira iskaashi u dhaxeeya Jaamacadaha Sudan iyo Jaamacadda Kismaayo iyo sidii aqoosi ay uga heli laheyd Jaamacaddu, loona aqoonsan lahaa [...]
February 6th, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Ganacsatada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta raashin kala gadisan u qeybiyay 600 oo qoys oo ka mid ah dadka danyarta ah ee ku nool halkaasi. Raashin isugu jiray bariis, bur, saliid iyo caano ayaa la siiyay qoysaskaasi oo laga soo kala xulay shanta xaafadood magaalada ay ka kooban tahay. Ganacsatada ayaa sameeyay [...]
February 2nd, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Wararka | Sii Akhri

Beeraleyda deegaanka Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ka cabanaya cayanaan dhibaato ku haya dalagyada beeraha, waxaana ay ka codsadeen hay’adaha gargaarka in la siiyo daawooyinka lagula dagaallamo cayayaanka. Mid ka mid ah beeraleyda Kamsuuma oo diiday in magaciisa la xigto ayaa sheegay in cayayaan uu ka mid yahay Ayaxa ay dhibaateynayaan dalagyada beeraha, waxaana [...]
January 29th, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Wararka | Sii Akhri

Hay’adda gargaarka ee Care International ayaa deeq raashin ah iyo agabyo kale u qeybisay 250 qoys oo barakacayaal ah, kuwaas oo ku sugan deegaanka Diif ee gobolka Jubbada Hoose. Sarkaal ka tirsan ururka aan dowliga aheyn ee WASDO oo diiday in magaciisa la xigto ayaa Bar-kulan u sheegay inay fududeeyeen qeybinta deeqda ka timid hay’adda [...]
January 29th, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Wararka | Sii Akhri

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa maanta magaalada Kismaayo ka furtay xafiisyo cusub oo ay ugu talagashay inay dhallinyarada magaalada iska soo diwaangeliso si ay qeyb uga noqdaan dagaallada ay maleeshiyadu kula jirto ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Kenya. Xafiisyada oo gaaraya ilaa shan xafiis ayaa laga kala furay xaafadaha magaalada, waxaana ay maleeshiyadu ugu [...]
January 23rd, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Wararka | Sii Akhri

Horjoogayaasha maleeshiyada al-Shabaab ee magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta oo Isniin ah ka codsaday odayaasha dhaqanka ee gobolka inay keenaan hub iyo dhallinyaro ka qeybgasha dagaallada ka socda Jubbooyinka. Kulan lix maalmood socday oo horjoogayaasha al-Shabaab ay galbeedka magaalada Kismaayo kula qaateen odayaasha dhaqanka ee deegaannada Cabdi Dhoorre iyoi Beerxaani ayay ka [...]
January 23rd, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Wararka | Sii Akhri

Dayaarado Miigag ah ayaa galabta abbaaro 5-tii galabnnimo duqeyn ka gaystay duleedka deegaanka Buulo Xaaji oo 80 km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose. Dad goobjoogayaal ah ayaa Bar-kulan u sheegay inay maqleen dhawaqa gantaalo ku dhacayay saldhig ay maleeshiyada Al-Shabaab ku leeyihiin duleedka deegaanka Buulo Xaaji, halkaas oo ay [...]
January 18th, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Lix ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab ayaa duqeyn dhanka cirka ah ku dhintay gelinkii dambe ee shalay, kaddib markii diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaanka Hoosingow oo 160 km galbeed kaga beeggan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, sida ay Bar-kulan u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in duqeyntaasi ay geysteen illaa iyo saddex [...]
January 11th, 2012 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri