Bogga hore » Jowhar Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Jowhar”

Dad ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay Shabeelaha Dhexe

Wararka-ugu-dambeeyay

Afar qof ayaa ku dhimatay, tiro intaas ka bandanna way ku dhaawacantay iska hor imaad maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaanka Buulo-bannaan oo 4 kilo mitir dhinaca bari kaga beegan magaalada Jowhar ee xarunta u ah gobolka Shabeellada Dhexe. Dagaalkan ayaa salka ku haya muran la xiriiro is-qabqabsi dhuleed, waxaana dadka dhintay dhammaan ay ka tirsanaayeen [...]

March 30th, 2012 | La daabacay Gobolada,Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Jalalaqsi: Iska horimaad la xiriira muran dhul-beereed

Afar qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen iska horimaad ka dhashay muran la xiriira dhul-beereed, kaas oo ka dhacay tuulada Iji ee degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Warka Bar-kulan ka soo gaaray tuulada Iji ayaa sharraxaya in dhinacyadii dagaallamayay ay isu adeegsadeen faasas, waramo, budad iyo faasas, waxaana dadkii dhaawacyadu soo gaareen [...]

March 22nd, 2012 | La daabacay Gobolada,Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Qof rayid oo lagu dilay tuullo ka tirsan Jowhar

Al-Shabaab militantsduring exercises at their military training camp outside Mogadishu in 2008 / AP Photo

Hal qof oo rayid ah ayaa dhintay, mid kalena waa uu dhaawacmay kaddib markii maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab ay weerar ku qaadeen tuullada Boodaale oo ka mid ah tuulooyinka hoosyimaada magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe. Mid ka mid ah odayaasha ku dhaqan Jowhar oo magaciisa ka gaabsaday ayaa arrintan u xaqiijiyay Bar-kulan , isagoo [...]

March 18th, 2012 | La daabacay Gobolada,Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Al-Shabaab oo shacabka ku boorrinaysa inay ka qeyb galaan dagaallada socda

Maleeshiyada al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa odayaasha dhaqanka iyo waaliddiinta ugu baaqay in ay keenaan dhallinyaro ka qeyb qaata dagaallada ka socda gobollada waddanka. Horjoogayaasha al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxay shalay kulan la qaateen maamulayaasha macallimiinta dugsiyada ku yaalla Jowhar iyo waaliddiinta carruurta wax ka barata dugsiyada, waxayna ugu baaqaan in ay [...]

February 28th, 2012 | La daabacay Gobolada,Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Hal qof oo ku dhintay gaari lagu rasaaseeyay Jowhar

Hal qof ayaa dhintay, mid kalena waa uu dhaawacmay kaddib markii dabley hubaysan ay gaari rakaab ah ku rasaaseeyeen deegaanka loo yaqaan Shamiito ee magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Gaarigan tacshiirada lagu furay oo noociisu ahaa bas ayaa ka tegay Jowhar, wuxuuna ku sii jeeday tuulooyin hoos-taga magaaladaasi. Gaariga waxaa saarnaa rakaab u dukaameysi [...]

February 26th, 2012 | La daabacay Gobolada,Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Dhallinyaro lagu xiray Jowhar

Maleeshiyada Al-shabaab ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa maanta xabsiga u taxaabay toban dhallinyaro ah oo ka tirsan dhallinyarada ka xammaalata magaaladaasi. Horjoogayaal ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ayaa dhallinyaradan ku eedeeyeen in ay diideen bixinta lacago lagu amray in ay si qasab ah u bixiyaan, iyagoo sheegay in aysan dhallinyaradan sii deyndoonin [...]

February 22nd, 2012 | La daabacay Gobolada,Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Shabaabka Jowhar oo qabaa’ilka ka dalbaday dagaalyahanno

Maleeshiyada Al-Shabaab

Maleeshiyada al-Shabaab ee magaalada Jowhar ayaa qabaa’ilka ku dhaqan gobolka Shabeelaha Dhexe ka dalbaday dagaallyahanno hubeysan oo ka barbar dagaallama maleeshiyada. Horjoogaha maleeshiyada oo maanta gudaha magaalada Jowhar kulan kula qaatay odayaal ka socday qabaa’ilka ayaa dalbaday in dagaalyahanno hubeysan ay ku biiriyaan maleeshiyada, si ay gacan uga siiyaan dagaallada jihooyinka badan looga furay. Saddex [...]

February 17th, 2012 | La daabacay Gobolada,Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Jowhar: Al-Shabaab oo xirtay 10 dugsi Qur’aan

Dugsi-Quraan-300x213

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa maanta xiray 10 dugsi Qur’aan oo ku yaalla magaalada Jowhar, kaddib markii ay ku eedeeyeen macallimiinta dugsiyadaas in aaney garaneyn cilmiga aqrinta Qur’aanka ee tajwiidka. Al-Shabaab waxay sheegtay in ay tababar ku aaddan tajwiidka u fidineyso macallimiinta dugsiyada laga xiray. Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah macallimiinta dugsiyadooda maanta la [...]

February 16th, 2012 | La daabacay Gobolada,Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Meydka nin ganacsade ah oo laga helay Jowhar

Wararka-Soomaalida2

Mid ka mid ah ganacsatada magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa saaka meydkiisa laga helay xaafadda Faanoole ee bariga magaaladaasi. Dad goobjoogayaal ah ayaa Bar-kulan u sheegay in meydka ninkaasi ay ka muuqdaan rasaas lagu dhuftay, lamana oga cidda dishay ninkaasi. Warar ay Bar-kulan helayso ayaa sheegaya in ninkaasi uu ka mid ahaa [...]

February 12th, 2012 | La daabacay Gobolada,Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Qof ku dhaawacmay gaari lagu weeraray Shabeellaha Dhexe

Wararka-ugu-dambeeyay

Inta la og yahay hal qof ayaa dhaawacmay kaddib markii ay koox hubeysan weerar ku qaadday gaari bas ah oo ay la socdeen dad rakaab ah, kaas oo marayay deegaanka Garsaale oo 22 km u jira magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dableyda ayaa rasaas ku furtay gaariga oo ka yimid magaalada Beledweyne ee gobolka [...]

February 11th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Jowhar,Wararka | Sii Akhri