Bogga hore » Jowhar Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Jowhar” Maleeshiyada Al-shabaab ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa maanta xabsiga u taxaabay toban dhallinyaro ah oo ka tirsan dhallinyarada ka xammaalata magaaladaasi. Horjoogayaal ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ayaa dhallinyaradan ku eedeeyeen in ay diideen bixinta lacago lagu amray in ay si qasab ah u bixiyaan, iyagoo sheegay in aysan dhallinyaradan sii deyndoonin [...]
February 22nd, 2012 | La daabacay Gobolada,Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Maleeshiyada al-Shabaab ee magaalada Jowhar ayaa qabaa’ilka ku dhaqan gobolka Shabeelaha Dhexe ka dalbaday dagaallyahanno hubeysan oo ka barbar dagaallama maleeshiyada. Horjoogaha maleeshiyada oo maanta gudaha magaalada Jowhar kulan kula qaatay odayaal ka socday qabaa’ilka ayaa dalbaday in dagaalyahanno hubeysan ay ku biiriyaan maleeshiyada, si ay gacan uga siiyaan dagaallada jihooyinka badan looga furay. Saddex [...]
February 17th, 2012 | La daabacay Gobolada,Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa maanta xiray 10 dugsi Qur’aan oo ku yaalla magaalada Jowhar, kaddib markii ay ku eedeeyeen macallimiinta dugsiyadaas in aaney garaneyn cilmiga aqrinta Qur’aanka ee tajwiidka. Al-Shabaab waxay sheegtay in ay tababar ku aaddan tajwiidka u fidineyso macallimiinta dugsiyada laga xiray. Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah macallimiinta dugsiyadooda maanta la [...]
February 16th, 2012 | La daabacay Gobolada,Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Mid ka mid ah ganacsatada magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa saaka meydkiisa laga helay xaafadda Faanoole ee bariga magaaladaasi. Dad goobjoogayaal ah ayaa Bar-kulan u sheegay in meydka ninkaasi ay ka muuqdaan rasaas lagu dhuftay, lamana oga cidda dishay ninkaasi. Warar ay Bar-kulan helayso ayaa sheegaya in ninkaasi uu ka mid ahaa [...]
February 12th, 2012 | La daabacay Gobolada,Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Inta la og yahay hal qof ayaa dhaawacmay kaddib markii ay koox hubeysan weerar ku qaadday gaari bas ah oo ay la socdeen dad rakaab ah, kaas oo marayay deegaanka Garsaale oo 22 km u jira magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dableyda ayaa rasaas ku furtay gaariga oo ka yimid magaalada Beledweyne ee gobolka [...]
February 11th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Afar qof ayaa ku dhimatay, 3 qof oo kalena way ku dhaawacantay dagaal maanta deegaanka Geyfo oo u dhow Raage-ceelle ku dhex maray maleeshiyada Al-Shabaab iyo dadka deegaanka. Dadka dhintay ayaa 3 ka tirsan waxay ahaayeen dadka deegaanka, halka qofka afaraadna uu ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana uu dagaalku billowday kaddib markii ay Al-Shabaab weerartay [...]
February 4th, 2012 | La daabacay Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Koox hubaysan ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay nin ganacsade ah oo ka tirsan ganacsatada magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe lacag dhan 22 kun oo doollar, xilli uu gali rabay dukaankiisa. Ganacsadaha oo lagu magacaabo Mustaf Macallin oo dukaan ku leh xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar waxaa qoryo ku qabtay saddex nin oo wajiyada [...]
January 19th, 2012 | La daabacay Gobolada,Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa ku amartay macallimiinta dugsiyada qur’aanka ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe inay ka qeyb qaataan dagaallada ay maleeshiyadu ka waddo gudaha dalka Soomaaliya. Horjoogaha Shabaab ee ugu sarreeya Shabeellaha dhexe Yuusuf kaba-kutukade ayaa amray macallimiinta inay si degdeg ah uga qeyb galaan dagaallada iyaga iyo ardayda ay waxbaraan, isagoo xusay [...]
January 8th, 2012 | La daabacay Gobolada,Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa ku xayiray duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe 70 gawaarida xamuulka qaada oo sidda raashiin gargaar ah oo ay leedahay hay’adda ICRC looguna talagalay dadka dhibaataysan. Wararka ayaa sheegaya in raashiinka gargaarka oo isugu jira galley, Bariis iyo Saliid ay maleeshiyada al-Shabaab u diideen gaadiidkii sidday inay gudaha u galaan [...]
January 4th, 2012 | La daabacay Gobolada,Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Maleeshiyada al-Shabaab ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ugu baaqay dadka ku nool gobolkaasi inay ka qeybqaataan dagaal ka dhan ah ciidamada Itoobiya ee qabsaday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Goob-joogayaal ku sugan Jowhar ayaa Bar-kulan u sheegay in saakay la arkayay qaar ka mid ah horjoogayaasha al-Shabaab oo baabuur lagu rakibay [...]
January 2nd, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Jowhar,Wararka | Sii Akhri