Bogga hore » Hargeysa Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Hargeysa”

Somaliland oo shuruud ku xirtay wada-hadalka DKMG

Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland, Maxamed Cabdullaahi

Maamulka Somaliland ayaa maanta shuruud ku xiray wada-hadal lagu ballansanaa in dalka Ingiriiska ay ku  yeeshaan iyaga iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar oo wareysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay ka baxday shuruuddii ay wada galeen iyaga iyo maamulka Somaliland, kaddib markii [...]

April 19th, 2012 | La daabacay Gobolada,Hargeysa,Wararka | Sii Akhri

Somaliland: Faafista HIV/AIDS-ka oo hoos u dhacday

HIV

Guddiga ka hortagga cudurka HIV/AIDS-ka ee deegaannada maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay hoos u dhacday tirada dadka laga helay cudurka. Guddoomiyaha guddiga Maxamed Daahir Kheyre ayaa Bar-kulan u sheegay in daraasad la sameeyay ay muujineyso in dadka qaba cudurka HIV/AIDS-ka ee deegaannada maamulka Somaliland ay hadda gaarayaan 1.1%, halka sanadkii 2004-ta ay aheyd [...]

April 16th, 2012 | La daabacay Gobolada,Hargeysa,Wararka | Sii Akhri

Xisbiga Kulmiya oo yeeshay guddoomiye KMG ah

Wararka-ugu-dambeeyay

Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha KMG ah ee xisbiga talada haya ee Kulmiye. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga waxaa loo magacaabay Maxamed Kaahin Axmed. Shirka golaha dhexe ee Kulmiye ayaa maanta galay maalintii labaad kaddib markii shalay uu furay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Xisbiga Kulmiye ayaa [...]

April 15th, 2012 | La daabacay Gobolada,Hargeysa,Wararka | Sii Akhri

Taliyihii laanta socdaalka ee Somaliland oo xilka wareejiyay

Wararka-ugu-dambeeyay

Taliyihii laanta socdaalka ee maamulka Somaliland Maxamed Cismaan Caalin ayaa maanta xaflad ka dhacday magaalada Hargeysa xilkii ku wareejiyay taliyaha cusub ee laantaas Maxamed Cali Yuusuf. Taliyihii hore ayaa sheegay inuu taliyaha cusub ku wareejinayo ciidan tayo iyo waraaqihii shaqada. Cabdullaahi Fadal Iimaan oo ah taliyaha ciidanka booliska ee maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu taliyaha [...]

April 9th, 2012 | La daabacay Gobolada,Hargeysa,Wararka | Sii Akhri

Xisbiga Kulmiye oo ku dhowaaqay 14-ka bishan shirweyne

Magaalada Hargeysa

Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye ee Somaliland Xasan Saciid ayaa sheegay in xisbiga talada haya oo in muddo ah diyaar garow ugu jiray sidii u qabsan lahaa shirweynaha golaha dhexe, taasi oo uu sheegay in la go’aansaday in la qabto 14-ka bishan April ee sanadkan. Xasan Saciid ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye uu u gudbiyay [...]

April 6th, 2012 | La daabacay Gobolada,Hargeysa,Wararka | Sii Akhri

Dibadbax ay sameyeen ardayda jaamacadda Hargeysa

Jaamacadda Hargeysa.

Ardayda jaamacadda magaalada Hargeysa ayaa maanta dhigay dibadbax ay kaga cabanayaan lacag lagu kordhiyay qarashkii ay markii hore ku bixin jireen waxbarashda jaamacadda. Ardayda oo socod ku soo maray waddooyin ku yaalla magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay ka cabanayaan lacag 30 doolar ah oo lagu kordhiyay 180 doolar oo ay ku bixin jireen halkii simisterki [...]

April 3rd, 2012 | La daabacay Gobolada,Hargeysa,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Miisaaniyadda Somaliland oo la ansixiyay

golaha-wakiiladda

Golaha wakiillada maamulka Somaliland ayaa maanta ansixiyay miisaaniyadda uu maamulku ee sanadkan 2012-ka, oo ay ka doodayeen muddooyinkii ugu dambeeyay. Miisaaniyadda la ansixiyay oo oo gaareysa lix boqol iyo soddon iyo sagaal bilyan oo shilin-ka Somaliland ah ( $106 milyan) ayaa waxa ay 20 boqolkiiba ka sarreysaa tii sanadkii hore ee maamulka. Guddoomiyaha golaha wakiillada [...]

April 3rd, 2012 | La daabacay Gobolada,Hargeysa,Wararka | Sii Akhri

Deeq la gaarsiiyay Hargeysa

Hargeysa

Jamciyadda horumarinta bulshada Soomaalida iyo Masaarida ee fadhigoodu yahay magaalada Qaahira ayaa kaalmo isugu jirta dhar, cunno iyo dawooyin gaarsiiyay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland. Ibraahim Macallin Cabdullaahi oo ah madaxa arrimaha bulshada ee ururka horumarinta bulshada Soomaalida iyo Masaarida ayaa Bar-kulan u sheegay in ay gargaarkan ugu talo-galeen dadka barakacayaasha ah ee ku [...]

April 3rd, 2012 | La daabacay Gobolada,Hargeysa,Wararka | Sii Akhri

Britain oo soo dhoweysay burcad badeedda lagu wareejiyay Somaliland

Henry Bellingham

Wasiirka dowladda Britain u qaabilsan Afrika ayaa soo dhoweeyay burcad badeed xukunnaa oo shalay lagu wareejiyay maamulka Somaliland, kuwaas oo muddada xabsiyadooda ku gudanaya gudaha Somaliland. Henry Bellingham ayaa wareejinta burcad badeedda ku tilmaamay tallaabo horey loo qaaday, qeybna ka noqon karta in caddaaladda la hor geeyo burcad badeedda. Wasiirka wuxuu soo dhoweeyay iskaashiga goboleed [...]

March 29th, 2012 | La daabacay Gobolada,Hargeysa,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Burcad badeed muddada xabsiyadooda ku gudanaya Somaliland

Kenya Somalia Piracy

Xukuumadda Seychelles ayaa markii ugu horreysay burcad badeed Soomaali ah oo ay ku xukuntay xabsiyo kala duwan ku wareejisay maamulka Somaliland, si ay halkaasi muddada xabsiyadooda ugu gutaan. Maxaabiis tiradoodu tahay sagaal ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka Hargeysa, waxayna gudan doonaan xabsiyo u dhaxeeya 10 ilaa 20 sano oo horey ay ugu xukuntay Seychelles. [...]

March 28th, 2012 | La daabacay Gobolada,Hargeysa,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri