Bogga hore » Garoowe Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Garoowe” 
Wasaaradaha waxbarashada iyo caafimaadka ee maamulka Puntland ayaa si wada-jir ah isaga kaashanaya qorshe gooryaanka caloosha lagaga daweynayo carruurta dhigata dugsiyada hoose/dhexe ee deegaannada Puntland. Kulan ay maanta Garoowe ku yeesheen labada wasaaradood waxaa ka qeyb galay saraakiil ka socotay hay’adaha UNICEF iyo WHO oo gacan maaliyadeed ka geysanaya barnaamijka. Qorshaha ayaa lagu bixinayaa daawo [...]
April 21st, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa soo jeediyay in maamulkiisa wada-tashi lagala yeesho dastuurka qabyo-qoraalka ah ee Soomaaliya ka hor inta aan la ansixin oo aan shirweyne la geyn. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) oo maanta ka hadlayay kulan lagu ansixiyay dastuurka Puntland oo lagu qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay arkaan dastuurka [...]
April 18th, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Waxaa maanta si rasmi ah loo meelmariyay dastuurkii cusbaa ee maamul goboleedka Puntland, kaasoo ergooyinkii aftida u qaadayay ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen. Ergooyin ka kala socday gobollada dowlad goboleedka Puntland ayaa isugu tegay magaalada Garoowe, si ay u ansixiyaan dastuurka, kaas oo laga doodayay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay. Dastuurka cusub ee [...]
April 18th, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Maamulka Puntland ayaa maanta sheegay inuu soo dhoweynayo ganacsiga xorta ah iyo ganacsatada maalgashiga ku sameyneysa deegaannada maamulka. Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee maamulka Puntland Xasan Jaamac Faarax ayaa sheegay inuu maamulku soo dhoweynayo ganacsiga xorta ah, isla markaana uu dadka ku dhiirrigelinayo inay maalgasho ku sameeyaan Puntland. Xasan Jaamac Faarax ayaa hadalkaas ka sheegay [...]
April 16th, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo maanta si rasmi ah u furay shir looga hadlayay ansixinta dastuurka Puntland oo ka socda magaalada Garoowe ayaa sheegay in uu rajo badan ka qabo meelmarinta dastuurka. Faroole ayaa tilmaamay in ansixinta dastuurka uu u horseedayo maamulka iyo dadka Puntland ku nool nidaam ka duwan [...]
April 15th, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Shirweyne socon doono afar cisho laguna ansixinayo dastuurka cusub ee maamul goboleedka Puntland ayaa saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Shirkan waxaa ka qeybgalaya 480 xubnood oo isugu jira 370 ay soo dirsadeen gobollada Puntland 100 laga soo xulay shaqaalaha hay’adaha dowladda iyo 10 xubnood oo ay wadaagaan bulshada rayidka [...]
April 15th, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Diyaargarowgii ugu dambeeyay ee lagu ansixinayo dastuurka cusub ee maamul goboleedka Puntland ayaa ka socda magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Dastuurka Puntland ayaa lagu wadaa in la meel-mariyo berri oo taariikhdu ay ku beegan tahay 15-ka April. Ergooyin ka kala socda gobollada dowlad goboleedka Puntland ayaa isugu tegay magaalada Garoowe, si ay u ansixiyaan dastuurka, [...]
April 14th, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Xuska sanad-guurada 52-aad ee maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Xaflad ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta ugu sarreysa Puntland oo uu ka mid yahay madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa barqadii maanta ka dhacday xerada ciidamada 54-aad ee duleedka magaalada Garoowe. Madaxweyne ku-xigeenka [...]
April 12th, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Shan qof yaa ku dhimatay, in ka badan toban kalena waa ay ku dhaawacmeen labo shil baabuur oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Qardho iyo Garoowe. Shil barqadii maanta ka dhacay duleedka magaalada Garoowe, gaar ahaan tuulada 22-aad waxaa ku dhimatay saddex qof oo labo ka mid ahi ay carruur yihiin, dhowr kalena [...]
April 11th, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Qardho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Wasaaradda beeraha iyo waraabka maamulka Puntland ayaa tilmaamtay in ay waddo deddaal ay ku horumarineyso beeraha, isla markaana ay ku dhiirri-gelineyso dadka beeraleyda. Wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland, Maxamed Xaaji Saalax ayaa Bar-kulan u sheegay in ay qorsheynayaan qodiska ceelal riigag ah, ayna beeraleyda ku caawinayaan matoorro waa-weyn oo ay ku waraabsan karaan beerahooda. Wasiirka [...]
April 11th, 2012 | La daabacay Garoowe,Wararka | Sii Akhri