Bogga hore » Garoowe Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Garoowe”

Maalinta af-Soomaaliga oo laga xusay Garoowe

xafladda maalinta farta Soomaaliga

Xaflad lagu xusayay maalinta af-Soomaaliga oo ku beegan maanta ayaa lagu qabtay xarunta jaamacadda Puntland State University (PSU) ee magaalada Garoowe, iyadoo hal-ku-dhig looga dhigay bar ama baro afkaaga hooyo. Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland, Cabdisamad Cali Shire, oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in af-Soomaaliga oo ah af facweyn oo soo jiray xilligii Faraaciinta uu [...]

February 21st, 2012 | La daabacay Garoowe,Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Nin meyd ah oo laga helay duleedka Garoowe

Wararka-ugu-dambeeyay

Taliska ciidanka booliska gobolka Nugaal ayaa maanta soo bandhigay meydka nin Soomaali ah oo laga helay agagaarka tuulada 22-aad oo dhanka bari kaga beegan Garoowe. Waxaa booliska ku soo wargeliyay qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka isaga kala goosha jidka dheer ee isku xira Boosaaso iyo Garoowe. Taliyaha qeybta booliska Nugaal, Faarax Maxamed Daad oo [...]

February 19th, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Shirkii Garoowe 2 oo xalay la soo xiray

shirka-garoowe-2

Shirkii wadatashiga ee Garoowe 2 ayaa xalay la soo xiray, iyadoo heshiis ay gaareen dhinacyadii ka qeybgalay shirka oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku kulan sanaaa xarunta maamulka Puntland. Heshiis dhowr qodob ka kooban ayay saxiixeen ergadii shirka ka qeybgashay, waxaana qodoboda ku jiray ka gudbidda xilliga KMG ah ee hadda dalka uu [...]

February 18th, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Wasiirka A/gudaha Puntland oo ka hadlay ammaanka iyo shirka Garoowe

Bar-kulan photos

Wasiirka arrimaha gudaha, dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ee maamulka Puntland, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) ayaa sheegay inay magaalada Garoowe soo gaareen wufuud ka socota beesha caalamka, isla markaana ay ciidamada maamulka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka shaqeeyeen sugidda ammaanka. Cabdullaahi Jaamac Ilkajiir oo wareysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in uu si habsami [...]

February 17th, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Madaxweyne Shariif oo Garoowe tegay

Madaxweyne Shariif iyo madaxweyne Faroole / Bar-kulan

Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo wadi uu hoggaaminayo ayaa barqadii maanta tegay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug oo Garoowe ku sugnaa. Madaxweyne Shariif [...]

February 17th, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Wasiirka dastuurka Puntland oo ka warbixiyay shirka wada-tashiga Garoow II

Ka qeyb-galayaasha shirka Garoowe II / Bar-kulan

Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka maamul goboleedka Puntland Dr. Cabdi Xasan Jimcaale ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha illaa iyo hadda looga hadlay shirka wada-tashiga qeybtiisa dastuurka ee ka socda magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Dr. Cabdi Xasan Jimcaale ayaa xusay in shirka shalay lagu qeybiyay saddex kooxood oo ka dooday arrimaha federaalka, dhameystirka mabaadii’dii [...]

February 17th, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Wasiirka awqaafta Jabuuti oo kormeer ku sameeyay Garoowe

Xaamud Cabdi Suldaan

Wasiirka caddaaladda awqaafta iyo arrimaha diinta ee Jabuuti, Xaamud Cabdi Suldaan ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaaradaha waxbarashada, caafimaadka iyo arrimaha gudaha Puntland ee magaalada Garoowe. Sidoo kale, wasiirka ayaa soo maray kuliyadda tababarka macallimiinta iyo jaamacado ku yaalla magaalada Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire ayaa faahfaahin ka siiyay wasiirka xarumaha uu booqday. Mudane Xaamud [...]

February 16th, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Shirkii Garoowe oo hakad uu ku yimid

Ka qeyb-galayaasha shirka Garoowe II/Bar-kulan

Waxaa barqadii maanta hakad uu ku yimid wajiga labaad ee shirka Garoowe, kaddib markii ergada ka qeybgaleysa shirka ay isku waafaqi waayeen qodobbada shirka lagaga hadlayay maanta. Waxay ergada isku af-garan waayeen qaabka loo soo xulayo xubnaha golaha baarlamaanka cusub iyo qaabka loo hirgelinayo arrinta federaalka. Xubnaha ka socday maamulka Galmudug ayaa ka baxay shirka, inkasta oo haatan [...]

February 16th, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Shirka Garoowe II oo maalintii labaad galay

Ka qeyb galayaasha wejiga labaad ee shirka wada-tashiga Garoowe II / RBK

Shirka wada-tashiga dhinacyada Soomaalida ee looga hadlayo dastuurka ayaa maalintii labaad galay, iyadoo ay ku soo biirayaan ergooyin cusub shirkaasi ka soconaya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Shirka oo ay ka qeybgalayaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya, maamullada Puntland, Galmudug ayaa waxaa maanta la filayaa inay ku soo biiraan ergooyinka Ahlu Sunna Waljamaaca, iyadoo [...]

February 16th, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Puntland oo beenisay in askar laga dilay

Puntland

Maamul goboleedka Puntland ayaa beeniyay in warar ay qaar ka mid ah warbaahintu baahisay oo sheegayay in dagaal ka dhacay deegaanka Sugure ee gobolka bari lagu dilay askar ka tirsanaa ciidanka maamulka. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud “Faroole” ayaa lagu sheegay in ay been abuur tahay oo aanay sal [...]

February 16th, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri