Bogga hore » Dhuusamareeb Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Dhuusamareeb”

2 qof oo miino ay aasayeen ay kula qaraxday Ceelbuur

Wararka-ugu-dambeeyay

Laba qof oo mid haweeney ay aheyd ayaa ku geeriyootay deegaanka Ceel Cabdi-dheere ee degmada Ceelbuur, kaddib markii sida la sheegay ay ku qaraxday miino ay aasayeen. Taliyaha amniga degmada Ceelbuur, Cabdi Xasan Maxamed ayaa Bar-kulan u sheegay in labada qof ee geeriyootay ay ka tirsanaayeen maleeshiyada al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay damacsanaayeen in miinada ay [...]

May 9th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Dagaal ka dhacay gobolka Galgaduud

Wararka-ugu-dambeeyay

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya maleeshiyada al-Shabaab iyo ciidamada Ahlu Sunna ayaa maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii weerar gaadmo ah lagu qaaday kolonyo ciidamada Ahlu Sunna oo marayay waddada u dhaxeysa deegaannada Wara-Dhuumale iyo Dhagax-yaalle oo k atirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Weerarkaasi kaddib ayaa [...]

May 7th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Ahlu Sunna: Dadweynuhu nabadda haka shaqeeyaan

Wararka-Soomaalida

Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa u soo jeediyay qeybaha bulshada inay ka qeyb qaataan howlaha lagu sugayo ammaanka deegaannada gobolka Galgaduud. Afhayeenka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Cabdullaahi Cabdiraxmaan Abuu Yuusuf (Al-Qaaddi) ayaa sheegay in shacabka laga doonayo inay ciidamada maamulka Ahlu Sunna ku wargeliyaan haddii ay arkaan cid qalqal gelinaysay [...]

May 4th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Ahlu Sunna: Saameyn naguma yeelanayo qaraxii Dhuusamarreeb

Xildhibaanno, Sheekh Xeefow iyo saraakiil Itoobiyaan ah oo wada fadhiya /Bar-kulan

Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca  ee gobollada dhexe ayaa maanta sheegay in qaraxii shalay ka dhacay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud uusan wax saameyn ah ku yeellan doonin howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab. Guddoomiyaha guddiga fulinta ee maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo ka hadlayay gabagabadii kulan looga hadlayay amniga oo saddex [...]

May 2nd, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Dhaawacyada qaraxii Dhuusamarreeb oo loo qaaday Itoobiya

Maqaayadda qaraxa uu ka dhacay

Toddobo qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Dhuusamarreeb ayaa barqadii maanta loo qaaday dalka Itoobiya, si halkaasi loogu daweeyo. Dadkaasi oo qaba dhaawacyo culus waxay isugu jiraan siyaasiyiin, xildhibaanno iyo dad rayid ah. Diyaarad gaar ah ayaa dhaawacyada ka duulisay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, sida uu [...]

May 2nd, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Xildhibaanno ku dhintay qarax ka dhacay Dhuusamarreeb

Wararka-ugu-dambeeyay

Labo mudane oo ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhintay qarax galabta ka dhacay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Xildhibaan Yuusuf Mire Maxamuud (Seeraar) iyo xildhibaan Cabdiweli Sheekh Maxamed ayaa ku dhintay qaraxa oo ka dhacay maqaayad ay shaah ka cabayeen xildhibaannada iyo siyaasiyiin kale. Waxaa kale oo meesha ku geeriyooday dhowr qof oo [...]

May 1st, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Ahlu Sunnada gobollada dhexe oo shireysa

Wararka-ugu-dambeeyay

Waxaa maanta magaalada Dhuusamarreeb ka furmay kulan ay yeelanayaan mas’uuliyiinta maamulka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee gobollada dhexe. Kulanka oo socon doona labo maalmood waxaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin sii xoojinta howlgallada ka dhanka ah al-Shabaab iyo go’aanka Ahlu Sunna ay ka qaadaneyso dastuurka. Waxaa kulanka goob joog ka ah dhammaan madaxda degmooyinka [...]

April 30th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Ammaanka iyo dib u dhiska gobolka Galgaduud oo laga wada-hadlay

Wararka-Soomaalida

Wafdi isugu jira siyaasiyiin iyo xildhibaanno oo maalmahaan ku sugnaa gobolka Galgaduud ayaa xalay kulan la qaatay odaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmada Caabudwaaq iyo deegaanka Xeraale ee gobolkaas, iyagoo kala hadlay kaalinta ay ka qaadan karaan ammaanka iyo dib u dhiska gobolka. Odayaasha ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay la [...]

April 30th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Gurmad la gaarsiiyay dad duufaan ay ku dhibaateysay Galgaduud

Wararka-ugu-dambeeyay

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, saraakiil Ahlu Sunna ah iy aqoon yahanno ayaa gurmad gaarsiiyay deegaanka Miirjicle oo ka tirsan gobolka Galgaduud, halkaas oo dhowaan roob duufaan wata uu dad ku dhibaateeyay. Deeqda la geeyay halka ay dhibaatadu ka dhacday ayaa aheyd 30 kiish oo sonkor ah,  40 kiish oo bariis  20 [...]

April 28th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Roob khasaare geystay oo ka da’ay Galgaduud

roob

Roob xalay ka da’ay Miirjiicley ee u dhow degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo warramayaa inuu waxyeello u geystay ku dhowaad 20 qof oo jiingado guryaha ka qaadmay ay qaarkood dhaawacyo halis ah u geysteen. Dad tiro badan oo guryahoodi uu roobka saqafyadi ka qaaday ayaa isugu tegay masaajidka weyn ee deegaanka iyo [...]

April 27th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Wararka | Sii Akhri