Bogga hore » Dhuusamareeb Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Dhuusamareeb”

Odayaal dhaqameed soo dhoweeyay shirka London

Wararka-ugu-dambeeyay

Odayaasha dhaqanka gobolka Galgaduud ayaa soo dhoweeyay shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ee lagu wado in berri uu ka furmo magaalada London ee waddanka Britain. Odayaasha oo kulan ku qaatay magaalada Dhuusamarreeb ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada shirka London, waxayna sheegeen in shirka uu qeyb ka yahay deddaallada nabadda lagu soo celiyo. Nabaddoon Ciise [...]

February 22nd, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Urur maxalli ah oo deeq ka qeybiyay Dhuusamarreeb

Urur maxalli ah oo lagu magacaabo Anfac ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay raashin iyo dawo u qeybiyay dad isugu jira haween iyo carruur oo tiradoodu lagu sheegay in ka badan 2 kun oo qof. Anfac oo gacan ka helaya Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ayaa deeqda u qoondeeyay dadka liita ee deggan magaalada Dhuusamarreeb [...]

February 20th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Dugsiga dadka waa-weyn oo laga furay Dhuusamarreeb

Kobciye

Ururka horumarinta dhallinyarada ee Kobciye Youth Center ayaa maanta magaalada Dhuusamarreeb ka furay dugsi wax lagu barayo dadka waa-weyn ee aan helin fursadaha waxbarasho, kaas oo lagu dhiganayo lacag la’aan. Xafladda furitaanka dugsiga waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe. Axmed Salaad Kulmiye, maamulaha xarunta Kobciye oo ka hadlay [...]

February 19th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

11 qof oo lagu xiray Dhuusamarreeb

Wararka-ugu-dambeeyay

Ciidamo ka tirsan maamulka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo howlgal maalmihii ugu dambeeyay ka waday magaalada Dhuusamarreeb waxay ku soo xirxireen 11 qof oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin  falalka ammaan darrada ee ka dhaca magaalada. Dadka la soo qabqabtay waxaa ku jira dhowr nin oo looga shakiyay inay ahaayeen burcad badeed iyo kuwa [...]

February 15th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Mowliidka oo maanta laga xusayo qeybo ka mid ah Soomaaliya

MowliidkaII

Waxaa maanta oo ku beegan 12-ka bisha saddexaad ee sanadka Hijriga ah laga xusayaa qeybo ka mid ah waddanka Soomaaliya maalinta dhalasha nebigeenna Muxamed (NNKH). Munaasabad ballaaran oo ay soo abaabuleen culumaa’uddiinka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo lagu weyneynayo dhalashada nebiga (NNKH) ayaa maanta ka dhacday magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Kumanaan dadweyne ah oo isugu [...]

February 5th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gaalkacyo,Gobolada,Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Xuska dhalashada Nebiga (NNKH)

xuska-mowliidka

Xuska dhalashada nabigeenna Maxamed (Nabad geliyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee) ayaa maanta ka dhacaya gobollo badan oo ku yaalla dalka Soomaaliya iyo wadamo badan oo Islaam ah. Magaalooyinka waaweyn ee oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Dhuusamarreeb, Hargeysa, Beledweyne iyo kuwo kale ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa iyo munaasabadaha lagu weyneynayo dhalashada nebiga oo ah [...]

February 4th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Dhuusamareeb,Gobolada,Hargeysa,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Guriceel oo laga mamnuucay baabuurta muraayadaha madow

Muraayad madow

Maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe ayaa maanta soo saaray amar ay ku mamnuucayaan in baabuurta muraayadaha madow leh lagu dhex wato degmada Guriceel. Guddoomiye ku xigeenka degmada Guriceel ee maamulka Ahlu Sunna, Cali Baashe Aadan ayaa sheegay in amarkan looga golleeyahay adkeynta ammaanka degmada, waxaana uu tilmaamay in shaki laga muujiyay gawaarida muraayadaha madow [...]

February 3rd, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Ahlu Sunna oo codsatay caawinta dadka ku barakacay Galgaduud

Wararka-ugu-dambeeyay

Maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe ayaa ka codsaday hay’adaha gargaarka inay caawiyaan dadka barakacay ee ku sugan gobolka Galgaduud. Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee maamulka Ahlu Sunna, Xasan Cabdi Carab ayaa ugu baaqay hay’adaha in la taakuleeyo dadka ku jira xeryaha ku yaalla degmada oo uu sheegay inay isu biirsadeen colaad iyo [...]

January 28th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Galgaduud: Al-Shabaab oo lacag ka dalbatay shacabka

SOMALIA MILITIA

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa dadka ku nool deegaannada Ceeldheere iyo Galcad ee gobolka Galgaduud ka dalbaday inay bixiyaan lacag caddadeeda ay dhantahay 6 boqol oo milyan oo shilinka Soomaaliga ah. Maleeshiyada ayaa sheegtay in lacagtan ay ku doonayaan muddo afartan cisho ah, isla amrkaana ay doonayaan inay ku dagaal galaan. Dadka deegaanka waxay cabasho ka muujiyeen [...]

January 21st, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Dhuusamarreeb: Al-Shabaab oo weerartay fariisin Ahlu Sunna

Dhuusamarreeb

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaadday fariisin ciidamada Ahlu Sunna ay ku lahaayeen duleedka magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Weerarkaasi oo isku rogay iska horimaad ayaa waxa uu socday muddo lagu qiyaasay soddon daqiiqo, lamana oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay iska horimaadkaas. Guddoomiyaha maamulka Ahlu Sunna [...]

January 19th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Wararka | Sii Akhri