Bogga hore » Ceerigaabo Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Ceerigaabo”

Guddi u xilsaaran nabadgalyada Sanaag oo lagu dhawaaqay

Ceerigaabo

Kulan ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland oo kaashaneysa hay’adda caalamiga ah ee UNDP ayaa looga dhawaaqay guddi u xilsaaran nabadgalyada gobolka Sanaag, kaasoo ka dhacay hoyga nabadda iyo horumarinta ee magaalada Ceerigaabo. Mas’uuliyiinta kulankaasi ka qeybgalay ayaa ka mid ahaa duqa degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, madaxa qeybaha maamulka Somaliland, wasaaradda [...]

January 18th, 2012 | La daabacay Ceerigaabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Waxqabadka guddoomiyaha gobolka Sanaag ee 2011-ka

Ceerigaabo

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee maamulka Somaliland Mudane Cali Cabdi ayaa waxa uu ka warramay waxqabadkii maamulkiisa uu ku guuleystay sanadkii tagay ee 2011-ka iyo himillada kan hadda billowga ah. Mudane Cali Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa sheegay in sanadkii tagay mashaariic kala gaddisan ay ku guuleysteen, kuwaasoo [...]

January 10th, 2012 | La daabacay Ceerigaabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Waddo isku xireysa Togdheer iyo Sanaag oo la dhagax-dhigay

Sanaag

Maamulka magaalada Ceerigaabo ayaa maanta dhagax-dhigay waddo laami ah oo isku xiri doonta gobollada Togdheer iyo Sanaag ee maamulka Somaliland. Duqa magaalada Ceerigaabo, Ismaaciil Xaaji Nuur oo dhagax-dhigay dhismaha waddada ayaa ka codsaday qurbajoogta iyo qeybaha bulshada ee gudaha inay gacan ka geystaan dhisamaha waddadan, isagoo ku deeqay labo kun oo dollar ($ USD 2000) [...]

January 8th, 2012 | La daabacay Ceerigaabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Ceerigaabo: Kulan lagu heshiisiinayey beello dagaallamay

Ceerigaabo

Kulan logu heshiisiinayey beello walaallo ah oo dhawaan ku dagaallamay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka bartamaha October ee magaaladaasi, Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah golaha guurtida Somaliland, maamulka heer gobol iyo degmo, saraakiisha ciidamada, salaadiin, ergooyinka dhex-dhexaadka ee ka kala yimid gobollada Sool [...]

November 27th, 2011 | La daabacay Ceerigaabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Ceerigaabo: Kulan looga hadlay dhexdhexaadinta beelo dagaallamay

Wararka-Soomaalida

Kulan ballaaran oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan maamulka Somaliland, guddi nabadeed iyo qeybaha bulshada ayaa maanta ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Kulanka ayaa looga hadlayay sidii loo dhammeystiri lahaa howlaha lagu nabadeynayo beelo dhowaan ku dagaallamay Ceerigaabo iyo sidii heshiis rasmi ah loo kala dhex dhigi lahaa, waxaana dadkii ka [...]

November 26th, 2011 | La daabacay Ceerigaabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Xaflad lagu muujinayey wada xaajood la dhexdhigay beello ku dagaallamay Sanaag

Ceerigaabo

Munaasabad lagu muujinayey in uu dhammaaday wajigii koowaad ee wada xaajoodkii la dhex-dhigay beello ku dagaallamay gobolka Sanaag ayaa lagu qabtay shalay gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Xafladaan dhidibada loogu aasayo nabadgalyada Sanaag ayaa waxaa ka qeyb galay wafdiga wasiirrada ee maalmahan dambe u joogay Ceerigaabo howlahan nabadeynta, qaar ka mid ah golaha [...]

November 21st, 2011 | La daabacay Ceerigaabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Dedaallada nabadeed ee Ceerigaabo oo la taageeray

Wararka-Soomaalida

Kulan ay ka qayb galeen odayaal, siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada oo lagu taageerayo dedaallada nabadeed ee ka socda magaalada Ceerigaabo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Saciid Cabdi Sholoh oo ka mid ah siyaasiyiinta ka qeyb gashay kulanka ayaa ka codsaday odayaasha beelo ku dagaallamay Ceerigaabo inay qaataan nabadda, isla markaana [...]

November 10th, 2011 | La daabacay Ceerigaabo,Gobolada,Laascaanood,Wararka | Sii Akhri

Somaliland oo guddi u xilsaartay xallinta dagaaalkii Sanaag

Wararka-ugu-dambeeyay

Guddi nabadeyn ah oo ka socda maamulka Somaliland ayaa ku howlan xal u helidda dagaallo dhowaan ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxayna sheegeen inay howshoodu meel wanaagsan mareyso. Ergayga gobolka Sanaag ee madaxweynaha maamulka Somaliland, Sahal Cabdiraxmaan ayaa Bar-kulan u sheegay in uu guddigu ku guulaystay dhinacyadii dagaallamay inuu ka dhaadhiciyo in [...]

November 9th, 2011 | La daabacay Ceerigaabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Shir nabadeed oo maanta ka furmay Ceerigaabo

ceerigaabo

Kulan nabadeed oo lagu dhexdhexaadinayo beelo dhowaan ku dagaallamay magaalada Ceerigaabo, oo ay soo qabanqaabiyeen guddi wasiirro ah oo ka socda maamulka Somaliland  ayaa maanta ka furmay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Wasiirka warfaafinta ee Somaliland Maxamed Cabdi Xaabsade oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in labada dhinac ay aqbaleen dhexdhexaadinta iyo in la dhameeyo [...]

November 8th, 2011 | La daabacay Ceerigaabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Shir nabadeed oo maanta ka furmaya Ceerigaabo

Ceerigaabo

Shir nabadeed oo lagu heshiisiinayo laba beelood oo dhowaan ku dagaallamay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmay magaaladaas, kaasoo ay gogashiisa dhigeen guddi gaar ah oo ka socda maamulka Somaliland. Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya xubnaha nabadgalyada gobolka, madax dhaqameed kala matalaya beellaha dirirtu u dhaxeyso iyo [...]

November 8th, 2011 | La daabacay Ceerigaabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri