Bogga hore » Boosaaso Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Boosaaso” 
Guddoomiyaha deegaanka Rako Raaxo ee gobolka Bari, Faarax Maxamed Ibraahim ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dhammeystirka nabadeynta beelo wada dega deegaankaasi oo dhowr jeer oo hore colaad ay dhex martay. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay guda galayaan wejiga labaad ee la doonayo in lagu dhammeystiro howsha nabadeynta, iyadoo wejiga labaad looga hadlayo arrimo ay ka [...]
March 26th, 2012 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxaa maanta lagu soo bandhigay nin la sheegay in uu ka tirsanaa maleeshiyada al-Shabaab ee ka dagaallanta buuraleyda Galgala ee gobolkaasi. Cabdirashiid Xasan Maxamed oo ah nin isa soo dhiibay ayaa saxaafadda u sheegay in uu kooxda al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka saadka iyo fududeynta howlaha guud ee maleeshiyada. Wuxuu intaas [...]
March 22nd, 2012 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Ciidamada ammaanka ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa soo bandhigay hub ay ku soo qabteen howlgallo ay maanta ka sameeyeen magaaladaas, kuwaasi oo isugu jiray labo bastoolad iyo bambaanooyinka ganacta. Wasiir ku-xigeenka ammaanka ee Puntland Cabdi Jamaal Cusmaan Maxamed ayaa sheegay in bastooladahaasi ay qeyb ka ahaayeen kuwo lagu dilay Allaha u naxariistee [...]
March 21st, 2012 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Beelo wada dega degaanka Rako-raaxo ee gobolka Bari oo dhowr jeer oo hore colaad ay dhexmartay ayaa maanta colaaddooda la soo af-jaray, iyadoo guddi ka shaqeeya nabadda loo sameeynayo deegaanka. Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa deegaanka Rako-raaxo ayaa dhexdhexaadiyay labada beel, waxaana uu ku guuleystay in heshiis [...]
March 20th, 2012 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Dedaallo la doonayay in lagu soo daayo markab u raran ganacsato Soomaali ah oo ay afduub u haysto koox burcad badeed Soomaali ah ayaa lagu guul-darreystay, kaddib markii ay meelmari waayeen wada-hadallo u dhexeeyay ganacsatada wakiilka ka ah markabka iyo burcadda. Maamulaha shirkadda qaabilsan dhoofinta xoolaha ee Al-Istiqraar, Cabdirisaaq Cali Maxamed ayaa sheegay in ay guul-dareysteen [...]
March 16th, 2012 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri
Kulan ku saabsanaa hannaanka dimuquraadiyadda iyo taabo-gelinta dastuurka Puntland ayaa maanta ka furmay hoolka shirarka ee hotel Jubba ee magaalada Boosaaso. Waxaa kulanka oo socon doona muddo saddex cisho ah ka qeyb galaya ururrada aan dowliga aheyn oo ka kala yimid gobollada Bari iyo Kaar. Dallada ururrada bulshada rayidka ah ee PUNSAA ayaa soo qabanqaabisay [...]
March 7th, 2012 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Guddi ay leeyihiin warbaahinta ka howlgasha gobolka Bari ayaa maanta ka codsaday maamulka Puntland inuu sii daayo agaasimaha idaacadda Codka Nabadda, oo maalintii afaraad ku xiran saldhigga bartamaha Boosaaso. Guddiga ayaa sheegay inaanu sharcigu qabin in la iska hayo qof aanay maxkamad xukumin, waxayna maamulka ka codsadeen inuu caddaaaladda horgeeyo ama uu xorriyaddiisa dib u [...]
March 6th, 2012 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Ciidamada maamulka Puntland ayaa xalay irdaha isugu dhuftay idaacadda codka nabadda oo ka mid ah warbaahinnada ka howlgala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari. Xiritaanka idaacadda ayaa ka dambeysay kaddib markii ay idaacadda sii deysay codka horjooge ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab oo lagu magacaabo Cabdicasiis Abuu Muscab, kaasi oo ku saabsanaa dagaal shalay ka dhacay [...]
March 4th, 2012 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Dagaal khasaare geystay ayaa duhurkii maanta ka qarxay deegaanka Galgala oo qiyaastii 40 km dhinaca koonfur-galbeed ka xiga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaas oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada al-Shabaab. Dagaalka ayaa daba socda weerar gaadmo ah oo maleeshiyada al-Shabaab ay xalay ku qaadday bar-koontarool oo ku taalla koonfurta magaalada Boosaaso, halkaas oo [...]
March 3rd, 2012 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Wasaaradda amniga ee maamulka Puntland ayaa galabta ku soo bandhigtay magaalada Boosaaso saddex nin iyo gaari kuwa xamuulka ah oo siday bagaash isugu jiray raashin, telefoonnada gacanta iyo batariyaasha loo isticmaalo, kaasoo ay sheegeen in loo waday kooxo argagixiso ah. Gaariga iyo ragga watay ayaa la sheegay in laga soo qabtay agagaarka buuraha Calmadow ama [...]
February 28th, 2012 | La daabacay Boosaaso,Wararka | Sii Akhri