Bogga hore » Boosaaso Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Boosaaso”

Boosaaso oo waddooyin loo dhisayo

Boosaaso

Dawladda hoose ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta sheegtay in ay waddo barnaamijyo isugu jira dayactir iyo dhisme lagu samaynayo waddooyinka magaaladaasi. Duqa magaalada Boosaaso, Xuseen Cabdalla Xuseen oo waraysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in uu maamulkiisu wado hawlo lagu dayactirayo ilaa afar waddo iyo qorshe laammi lagu saarayo qaar ka tirsan [...]

February 20th, 2012 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Bari: Xarun waxbarasho oo lagu wareejiyay maamulka Bander-Siyaada

Wararka-Soomaalida

Ciidamada badda ee maamulka Puntland ayaa qalab iyo xarun waxbarasho ku wareejiyay maamulka deegaanka Bander-Siyaada oo wax ka yar 20 kilo mitir u jirta magaalada Boosaaso. Xaflad lagu wareejinayay xarunta iyo qalabka waxbarasho ayaa waxaa ka qeybgalay wasiiro, wasiir ku xigeenno, saraakiil ka tirsan ciidamada badda ee Puntland iyo maamulka deegaanka. Wasiir ku xigeenka dekedaha [...]

February 13th, 2012 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Tahriibayaal Ethiopian ah oo ku dhintay xeebta Mareera

Tahriib

15 qof oo tahriibayaal Ethiopian u badan ayaa dhintay, 32 kalena waa la la’yahay kaddib markii ay cilladowday doon tahriib ah oo ay ka raaceen xeebta  Mareera oo ka tirsan magaalada Boosaaso, dadka la waayay waxaa ka mid ah saddex naaquude oo doonta wadday. Toddoba qof oo ka badqaba 54 qof oo doonta la socday [...]

February 10th, 2012 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Dad ka guuray hareeraha dekedda Boosaaso

Boosaaso

Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda ee maamulka Puntland ayaa maanta soo dhoweysay dad u hoggaansamay amar ka soo baxay wasaaradda, kaas oo farayay dadka deggan agagaarka dekedda magaalada Boosaaso inay guuraan. Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland ayaa Arbacadii la soo dhaafay shaacisay inay dayactir ku sameyn doonto dekedda weyn ee magaalada Boosaaso ee [...]

February 1st, 2012 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Beelo dagaallamay oo lagu heshiisiinayo Boosaaso

Wararka-Soomaalida25

Kulan lagu heshiisiinayo beelo ku dagaallamay gobolka Bari oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay maamulka Puntland, culimaa’uddiin, isimo, ganacsato iyo waxgarad ayaa maanta ka furmay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi. Guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdisamad Gallad oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay muddo dheer socdeen dedaallada xalka loo raadinayo khilaafka beelaha ku [...]

January 30th, 2012 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Dekedda Boosaaso oo la dayactirayo

Dekedda Boosaaso IV

Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland ayaa maanta shaacisay inay dayactir ku sameyn doonto dekedda weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland Saciid Maxamed Raage oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Boosaaso ayaa amar ku siiyay gaadiidka ku jira gudaha dekedda in lagaga saaro muddo 48 [...]

January 29th, 2012 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Isimo cambaareeyay dilkii xildhibaanka Puntland

Wararka-Soomaalida25

Kulan ay maanta magaalada Boosaaso ku yeesheen isimo iyo waxgarad ka soo jeeda degmooyinka Caluula, Qandala iyo deegaanka Baargaal ee gobolka Bari ayaa waxay uga wada-hadleen sidii looga hortegi lahaa inay xasarado ka dhashaan dil xalay Baargaal loogu gaystay xildhibaan lagu magacaabi jiray Bile Maxamuud Yuusuf. Beel-daaje Ismaaciil Beel-daaje Yaasiin oo ah beel-daajaha deegaanka Cal-bari [...]

January 28th, 2012 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Wasiirka amniga Puntland oo cambaareeyay dilkii xildhibaanka

Khaliif Mudan

Wasiirka amniga ee maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay dil xalay degmada Baargaal ee gobolka Bari loogu geystay mudane ka tirsan baarlamaanka Puntland. Khaliif Ciise Mudan oo shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso ayaa sheegay in, Allaha u naxariistee, xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf (Cidlo u carar) uu ka mid ahaa mas’uuliyiin ka ambabaxay [...]

January 28th, 2012 | La daabacay Boosaaso,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Xildhibaan caawa lagu dilay Baargaal

Toogasho

Xildhibaan lagu magacaabi jiray Bile Maxamuud Yuusuf (Cidlo u carar) oo ka tirsanaa xildhibaannada baarlaanka ee maamulka Puntland ayaa caawa lagu dilay koontaroolka deegaanka Baargaal ee gobolka Bari, iyadoo sidoo kalena la dhaawacay wadihiisii iyo qof kale oo la socday. Dad goobjoogayaal ah ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay in gaariga xildhibaanka rasaas lagu furay xilli uu [...]

January 27th, 2012 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Boosaaso oo looga hadlay sare u qaadidda wacyigelinta aftida dastuurka

Wararka-Soomaalida

Guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka iyo doorashoyinka ee maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku qabtay kulan looga hadlayay sidii loo sameyn lahaa wacyigelin ku saabsan habka doorashooyinka Puntland iyo aftida loo qaadi doono dastuurka. Kulanka oo lagu qeybiyay nuqullo ka mid ah dastuurka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday [...]

January 25th, 2012 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Wararka | Sii Akhri