Bogga hore » Beledweyne Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Beledweyne” 
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta xaafadda Buundo-weyn ee bariga magaaladaas ka qaaday labo jid-gooyo oo muddo u yaallay maleeshiyo beeleed. Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdifataax Xasan Afrax ayaa warbaahinta u sheegay in maleeshiyadii ay jid-gooyooyinka u yaalleen uu maamulku kala wareegay hubkoodii, iyagana loo furi doono tababarro, si loogu [...]
April 30th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta dhagax-dhigay taallo loogu tala galay in lagu xusuusto weerarkii is qarxinta ah ee 18-kii June 2009 ka dhacay hoteelka Madiina ee magaalada Beledweyne. Weerarkaasi waxaa lagu dilay in ka badan 30 qof oo ay ku jireen wasiirkii amniga ee dowladda Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay [...]
April 28th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay 300 oo askari oo ku jiray xero ku taalla xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta booqday xarunta ciidan si ay uga qeyb galaan xafladda wareejinta ciidanka. Ciidanka ayaa la sheegay in laga [...]
April 28th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Laba carruur ah ayaa ku geeriyootay daadad ka dhashay roob xalay ka da’ay deegaanka Beer-gadiid oo ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan, Axmed Warsame ayaa Bar-kulan u sheegay in carruurta dhimatay iyo agab ay lahaayeen qoysaska dhalay oo reer miyi ah uu daadku la tegay. Roobka xilliga gu’ga ayaa [...]
April 27th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda KMG ah ayaa ka digay in magaalada Beledweyne laga isticmaalo lacag been abuur ah oo suuqa soo gashay. Maamulka ayaa amray in muddo saddex cisho ah lagu joojiyo isticmaalka lacagtaasi oo dadku ay ugu yeeraan lacagta cad-cadka, taasoo la sheegay in Beledweyne ay ka soo gashay deegaanno ka tirsan gobollada [...]
April 26th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Dad ka shaqeeya gaadiidka xamuulka qaada ee u kala safra gobollada dhexe iyo kuwa koonfurta ayaa walaac ka muujiyay sii socoshada xirnaanshaha waddada Beledweyne ee isku xirta gobolladaasi. Gaadiid fara badan oo ka kala yimid gobollada dhexe ee Soomaaliya iyo Muqdisho ayaa muddo toddobaad ah ku xanniban duleedka iyo gudaha magaalada Beledweyne, kaddib markii roobab [...]
April 25th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Laba qof ayaa ku dhimatay roob mahiigaan ah oo galinkii dambe ee shalay ka da’ay tuulo lagu magacaabo Abooreey oo 30 kilo mitir waqooyi-bari ka jirta degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan. Qaar ka tirsan odayaasha tuulada ayaa Bar-kulan sheegay in labadan qof ee dhimatay oo da’ ahaa uu midkood guri ku soo dumay, halka kan [...]
April 24th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Gaadiid fara badan oo ka kala yimid gobollada dhexe ee Soomaaliya iyo Muqdisho ayaa ku xanniban duleedka iyo gudaha magaalada Beledweyne, kaddib markii roobab ka da’ay gobolkaasi ay xireen waddooyinka soo gala magaaladaasi. Waxaa sidoo kale gudaha magaalada Beledweyne ku xanniban gaadiid sida alaabo ganacsi oo doonayay in ay ka baxaan magaalada. Roobabka ayaa gabi [...]
April 23rd, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Afar qof ayaa ku dhimatay rasaas la sheegay in saaka ay fureen ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Beledweyne, kaddib markii bam lagu weeraray xilli ay marayeen waddo ka mid ah waddooyinka magaalada. Afarta qof ee tacshiiradda ku geeriyootay ayaa waxaa la sheegay inuu ku jiray wiil laga shakiyay inuu ahaa shaqsiga bamka ku tuursay [...]
April 23rd, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Shacabka gobolka Hiiraan ayaa billaabay beerashada dalagyada beeraha ee xilliga gu’ga, iyadoo dhowaan uu gobolka roob helay. Buulo-burte iyo deegaannada ku xeeran ayaa si weyn looga dareemayaa dhaq-dhaqaaqa beeraleyda iyo tacabka dalagyada kala duwan, waxaana dadka ay intooda badan beerayaan galleyda, masagada iyo qudaarta. Gobolka Hiraan ayaa waxa uu ka mid ahaa gobollada abaarta ugu [...]
April 22nd, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Wararka | Sii Akhri