Bogga hore » Beledweyne Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Beledweyne”

Dagaal ka dhacay Beledweyne oo xal laga gaaray

Beledweyne

Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ayaa maanta xal ka gaaray dagaal dhowaan ka dhacay magaalada Beledweyne, kaddib markii ay kulan ku yeesheen magaaladaasi, waxayna isku raaceen inaan dib dambe loogu dhex dagaallamin dadka rayidka ah. Kulanka oo ay ka qeyb galeen odayaal ka kala socday dhinacyadii uu dagaalku u dhaxeeyay ayaa dadka ku nool magaalada [...]

February 21st, 2012 | La daabacay Beledweyne,Wararka | Sii Akhri

Xaaladda Beledweyne oo saaka deggan

Beledweyne

Xaaladda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saaka lagu soo warramayaa inay deggan tahay, kaddib markii dagaal xooggan uu shalay ku dhexmaray labo ciidamo oo wada taabacsan dowladda KMG ee Soomaaliya xaafadda Horumar ee bartamaha magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Beledweyne inay kala dhexgaleen labada ciidan, iyagoo ku guuleystay [...]

February 12th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

15 qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay Beledweyne

Wararka-ugu-dambeeyay

Shan iyo toban qof ayaa ku dhimatay dhowr iyo labaatan qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay xaafadda Horumar ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo u dhaxeeya labo ciidamo oo wada taabacsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegay inay u badan yihiin dhinacyada [...]

February 11th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Qof ku dhaawacmay gaari lagu weeraray Shabeellaha Dhexe

Wararka-ugu-dambeeyay

Inta la og yahay hal qof ayaa dhaawacmay kaddib markii ay koox hubeysan weerar ku qaadday gaari bas ah oo ay la socdeen dad rakaab ah, kaas oo marayay deegaanka Garsaale oo 22 km u jira magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dableyda ayaa rasaas ku furtay gaariga oo ka yimid magaalada Beledweyne ee gobolka [...]

February 11th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Jowhar,Wararka | Sii Akhri

Ammaanka Beledweyne oo laga shiray

BeledweyneII

Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa taabacsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay qaadaan tallaabo kasta oo lagu xoojinayo ammaanka faraha ka sii baxaya ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Labada dhinac waxay maanta shir ku yeesheen magaalada Beledweyne, waxaana qodobbadii lagaga hadlay ka mid ahaa adkeynta ammaanka iyo sidii [...]

February 11th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Sarkaal sheegay inay qabsadeen tuulooyin hoos-taga Beledweyne

Sarkaalka ugu sarreeya ciidanka taabacsan dowladda KMG ah ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegay in al-Shabaab ay kala wareegeen labo tuulo oo hoos-taga magaaladaasi. Col. Isaaq Cali cabdulle oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay inay qabsadeen tuulooyinka Afar Irdood iyo Dhiirrimaadle oo ku dhowaad 50 km u jira magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. [...]

February 9th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Al-Shabaab oo weerar dhimasho sababay ku qaadday Buundo-weyn

Beledweyne

Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay weerar dhuumaaleysi ah oo maleeshiyada al-Shabaab ay xalay ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku lahaayeen xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Weerarkaasi oo socday muddo gaaban ayey ciidamada dowladda KMG ay iska caabiyeen, iyadoo maleeshiyada ay dib ugu laabteen deegaannadii ay markii hore [...]

February 8th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

27 dhallinyaro oo lagu xirxiray Beledweyne

Ciidanka ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa howlgal xalay ay ka sameeyeen xaafadaha magaaladaasi waxay ku soo qabqabteen in ka badan 20 dhallinyaro oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen falal amniga darro ah. Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda taabacsan ee Beledweyne oo lagu magacaabo Cabdi Il-buur oo la hadlay Bar-kulan ayaa ku eedeeyay dhallinyarada la [...]

February 6th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo booqday Beledweyne

UPDATE: Wafdiga Qaramada Midoobay wuxuu dib ugu laabtay magaalada Nairobi wax yar kaddib markii gudaha magaalada Beledweyne uu kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka dowladda Soomaalya, kuwa taabacsan dowladda, iyo saraakiil Itoobiyaan ah. Hay’adaha UNICEF, UNHCR iyo UNOCHA ayaa ka mid ah hay’adihii maanta halkaas gaaray. Waxay ballan-qaadeen inay gargaar deg-deg ah gaarsiin doonaan magaalada, iyagoo ka codsaday ururrada maxalliga [...]

February 4th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Xuska dhalashada Nebiga (NNKH)

xuska-mowliidka

Xuska dhalashada nabigeenna Maxamed (Nabad geliyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee) ayaa maanta ka dhacaya gobollo badan oo ku yaalla dalka Soomaaliya iyo wadamo badan oo Islaam ah. Magaalooyinka waaweyn ee oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Dhuusamarreeb, Hargeysa, Beledweyne iyo kuwo kale ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa iyo munaasabadaha lagu weyneynayo dhalashada nebiga oo ah [...]

February 4th, 2012 | La daabacay Beledweyne,Dhuusamareeb,Gobolada,Hargeysa,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri