Bogga hore » Baydhabo Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Baydhabo”

Roobka gu’ga oo ka da’ay Baydhabo

Roob-Sool

Roobka xilliga gu’ga ayaa ka da’ay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyadoo roob da’ayay tan iyo saakay uu saameyn ku yeeshay dadka barakacay ee ku nool xeryaha magaaladaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in roobka uu saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaaladaasi. Lama [...]

April 15th, 2012 | La daabacay Afgooye,Baydhabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Baydhabo: 7 qof oo qarax lagu dhaawacay

Baydhabo

Toddobo qof ayaa ku dhaawacantay qarax bambaano oo galabta lagu weeraray askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ku sugnaa agagaarka hotel Calaami oo ku yaalla bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Dadka qaraxa ku dhaawacmay ayaa 3 ka tirsan waxaa la xaqiijiyay in ay ahaayeen askar ka tirsan ciidanka dowladda [...]

April 12th, 2012 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

UNICEF oo gargaar dawo ah ka dejisay Baydhabo

UNICEF-LOGO

Diyaarad u rarneyd hay’adda UNICEF oo siday gargaar dawo ah ayaa shalay gelinkii dambe ka degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Diyaaradan dawada siday oo ka soo duushay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa loogu talo-galay bukaannada jiifa Isbitaalka magaalada Baydhabo gaar ahaan dadkii dhowaan ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay magaaladaas oo [...]

April 12th, 2012 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Nin lagu eedeeyay qaraxii shalay oo Baydhabo lagu xiray

Wararka-ugu-dambeeyay

Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa la sheegay inay maanta xireen nin lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay qarax dhimasho sababay oo shalay ka dhacay suuq ku yaalla Baydhabo. Guddoomiyaha gobolka Baay ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdifataax Ibraahim Geesay ayaa [...]

April 10th, 2012 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Ra’iisul wasaaraha oo cambaareeyay qaraxii Baydhabo

Ra'iisul wasaare Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas)

War-saxaafadeed xalay laga soo saaray xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee shalay ka dhacay suuqa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku tilmaamay qaraxaas mid muujinaya sida kooxaha nabadda diidan ay [...]

April 10th, 2012 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Madaxweynaha oo ka xumaaday qaraxii Baydhabo

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu ka xun yahay qarax maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaasoo ay ku dhinteen 10 qof oo u badnaa dad rayid ah. Shariif Sheekh Axmed oo kulan uu maanta la qaatay saraakiisha ciidanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa [...]

April 9th, 2012 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Baydhabo: 10 qof oo ku dhimatay qarax miino

Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in 10 qof ay ku dhimatay qarax miino oo maanta ka dhacay agagaarka kawaanka weyn ee hilibka ee magaaladaas. Sagaal qof ayaa ku dhaawacantay qaraxa. Wararku waxay sheegayaan in qaraxa oo loo adeegsaday miinada laga hago meelaha fog lala beegsaday gaari ay saarnaayeen [...]

April 9th, 2012 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Shacabka Baydhabo oo soo dhoweeyay howlgallada DKMG

Magaalada Baydhabo

Shacabka ku nool magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa si aad ah u soo dhoweeyay howlgallada ay ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ka wadaan guud ahaan gobolkaas. Mid ka mid ah odayaasha ku dhaqan Baydhabo oo ka gaabsaday magaciisa ayaa Bar-kulan u sheegay in ay ku faraxsan yihiin guulaha ay gaareen ciidanka dowladda [...]

April 9th, 2012 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Shariif Xasan oo kulamo la qaatay maamulka G/Bakool

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay kulamo kula yeeshay magaalada Xudur xubno ka mid ah maamulka gobolka Bakool iyo xildhibaanno ku sugan halkaas. Shariif Xasan ayaa booqday degmada Xudur wax yar kaddib markii isla shalay uu gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay isaga iyo wafdi uu hoggaaminayay. Guddoomiyaha baarlamaanka ee Soomaaliya [...]

April 8th, 2012 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Shariif Xasan iyo taliyaha booliska Soomaaliya oo Baydhabo gaaray

Shariif Xasan

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu ka mid yahay taliyaha ciidanka booliska Shariif Sheekhunaa Maye ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Baay, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada. Guddoomiyaha iyo [...]

April 7th, 2012 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri