Bogga hore » Baydhabo Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Baydhabo”

Al-Shabaab oo laga qabsaday Baydhabo

bar_kulan_breaking_news

Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa waddanka Itoobiya ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Ciidamada waxay saldhig ka sameysteen kontoroolka Cali Axmaar oo ku yaalla agagaarka xaruntii baarlamaanka ee ADC. Ciidamada ayaa qabsaday magaalada iyaga oo aan wax iska caabbin ah la kulmin, maadama [...]

February 22nd, 2012 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Boqolaal qoysas ah oo ku noqday gobolka Baay

Wararka-ugu-dambeeyay

Qoysas gaaraya 400 oo qoys oo markii hore ka soo barakacay gobolka Baay ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo ku noqday deegaannadii ay ka soo barakaceen. Qoysas kale ayaa iyagana ku noqday gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Waxay qoysaska ka faa’iideysteen barnaamij dib-u dejin ah oo hay’adda Bisha Cas ee waddanka Qadar ka hirgelinayso [...]

February 2nd, 2012 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Lix oday dhaqameed oo laga sii daayay xabsiga Baydhabo

Wararka-Soomaalida25

Maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa galabta xabsiga ka sii daysay lix qof oo ka tirsan odayaal dhaqameedka gobollada Baay iyo Bakool, kuwaas oo ay dhowaan xabsiga u taxaabeen. Malaaq Xasan Cabdiraxmaan oo ka mid ah odayaasha la sii daayay ayaa Bar-kulan u sheegay in intii ay u xirnaayeen [...]

February 1st, 2012 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Carruur nafaqo-darro ugu geeriyootay Baydhabo

Isbitaalka Baydhabo

Toban carruur ah ayaa lagu soo warramayaa inay nafaqo-darro u geeriyoodeen, tiro kalena ay ildaran yihiin kuwaasoo ku jira qaar ka mid ah kaamamka ay ku noolyihiin dadka barakacayaasha ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Maxamed Xasan Nuur oo ka mid ah kalkaaliyaasha isbitaalka weyn ee Baydhabo ayaa warbaahinta u sheegay in qaar ka [...]

January 30th, 2012 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Odayaal dhaqameed lagu xirxiray Berdaale

Maleeshiyada al-Shabaab

Maleeshiyada al-Shabaab ee ku sugan degmada Berdaale ee gobolka Baay ayaa xirxiray lix ka mid ah odayaasha dhaqanka ee degmadaasi, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay xiriir la leeyihiin mas’uuliyiinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee ku sugan degmada Luuq. Mid mid ah waxgaradka degmada Berdaale ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay xariga odayaashaasi, isagoo sheegay in lala [...]

January 19th, 2012 | La daabacay Baydhabo,Wararka | Sii Akhri

Ciidamada taabacsan dowladda oo qabsaday deegaanno ku yaalla Hiiraan

Wararka-ugu-dambeeyay

Ciidamo taabacsan dowladda KMG ee Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada Itoobiya ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanno ku yaalla gobolka Hiiraan. Afhayeenka ciidamada taabacsan dowladda ee gobolka Hiiraan, Maxamed Cali Nuur (Caga-jocof) ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaannada Beerxaano, Trejante iyo Baardheere oo dhammaantood ku yaalla gobolka. Afhayeenka waxa [...]

January 14th, 2012 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

DKMG oo sheegtay inay la wareegi doonto Baay iyo Bakool

Ciidamada dowladda KMG

Saraakiisha ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee gobollada Baay iyo Bakool ayaa ballan ku qaaday in maalmaha soo socda ay la wareegi doonaan qaar ka mid ah degmooyinka gobolladaasi oo ay ka taliyaan maleeshiyada al-Shabaab. Col. Aadan Axmed Baariyow oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda KMG ayaa Bar-kulan u sheegay in uu dhammaaday diyaar garowgii [...]

January 3rd, 2012 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Wararka,Xudur | Sii Akhri

Odayaasha Baydhabo oo la armay inay dagaallada ka qeyb qaataan

Maleeshiyada al-Shabaab

Maleeshiyada al-Shabaab ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa xalay ku amray odayaasha magaalada inay ka qeybgalaan dagaallada ka dhanka ah ciidamada dowladda KMG ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaasi. Horjoogaha ugu sarreeya maleeshiyada al-Shabaab ee gobollada Baay iyo Bakool Mahad Cumar Cabdikariin oo ka hadlayey masjidka Carabta ee magaalada Baydhabo ayaa [...]

December 27th, 2011 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Baydhabo: Dhisme masjid oo $8,000 loogu deeqay

Baydhabo

Jaaliyadda Soomaalida ee gobollada Baay iyo Bakool ee ku nool waddamada Mareykanka, Ingiriiska, Finland iyo Australia ayaa deeq lacag ah oo gaaraysa 8 kun oo doollar-ka Mareykanka oo ay iska soo urruuriyeen gaarsiiyey maamulka masjidka Jaamac ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Jaaliyadda ayaa sheegtay in lacagtan ay ugu talagaleen inay qeyb ka noqoto [...]

December 27th, 2011 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Carruur oo cudurro ugu geeriyootay Baydhabo

Canug la il daran cudurka shubanka

Laba carruur ah ayaa toddobaadkan gudihiisa u geeriyootay tiro kalena way la ildaran yihiin cudurrada Jadeecada, Shubanka iyo busbuska, kuwaasoo ku jira qaar ka mid ah xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacay ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaar ka mid ah horjoogayaasha xeryaha dadka barakacay oo Bar-kulan la hadlay ayaa sheegay inay [...]

December 23rd, 2011 | La daabacay Baydhabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri