Bogga hore » Baardheere Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Baardheere” 
Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa ka dillaacay cudurka shuban biyoodka, waxaana 23 qof oo cudurka uu ku dhacay la dhigay xarumaha caafimaadka ee magaalada. In ka badan 17 carruur oo da’doodu ka hooseyso 5 sanoa ayaa dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay isla magaalada Baardheere ugu geeriyooday cudurka shuban biyoodka. Dadka uu soo ritay cudurka [...]
March 28th, 2012 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Shan qof ayaa ku dhimatay, soddon kalena way ku dhaawacantay duqeyn diyaarado saddex ah ay ka geysteen deegaanka Tarako oo 50 kilo mitir u jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo Bar-kulan u xaqiijiyay duqeynta ayaa sheegay in dadka dhintay iyo dadka [...]
March 24th, 2012 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugan gobolka Gedo oo kaashanaya kuwa Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay maanta dagaal kula wareegeen deegaan lagu magacaabo Taraaka oo 55 km u jira magaalada Baardheere. Jamaal Xasan Sarey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugan gobolka Gedo ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay inay [...]
March 12th, 2012 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Maleeshiyada al-Shabaab ee degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa amarro dhowr ah dhul dhigay gaadiidleyda degmadaasi, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in aysan u safri karin degmooyinkii horrey looga qabsaday al-Shabaab oo ay ku sugan yihiin dowladda KMG iyo Ahlu Sunna iyo in ay canshuur ka bixiyaan gawaarida aan xamuulka sidin. Horjoogaha ugu sarreeya [...]
February 10th, 2012 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Odayaasha degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay maleeshiyada al-Shabaab inay tacaddiyo isugu jirto jirdil iyo handadaad u geystaan odayaasha dhaqanka ee degmadaasi. Mid ka mid ah odayaasha degmada oo ka gaabsaday in magaciisa la baahiyo ayaa Bar-kulan u sheegay in mid ka mid ah nabaddoonnada oo lagu magacaabo Caddow Barre oo ku xirnaa [...]
February 6th, 2012 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ku soo bandhigtay laba nin oo Kenyan ah oo ay sheegeen inay ka mid yihiin saraakiil Kenyan ah oo ay ka soo afduubeen deegaanka Gariley oo ka tirsan degmada Wajir ee dalka Kenya. Horjoogaha maleeshiyada al-Shabaab ee gobolka Gedo, Cabbaas Cabdullaahi oo la hadlay [...]
January 13th, 2012 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa maanta magaalada Baardheere ku dishay nin dhallinyaro ah oo ay ku eedeeyeen inuu basaas u ahaa ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna ee ka howlgalaya gobolka Gedo. Ninka la dilay oo da’diisa lagu sheegay 22-jir ayaa waxaa xalay maleeshiyada ay ka kaxeysteen bannaanka guriga ay qoyskiisa ay deggan yihiin, waxaana saaka [...]
January 13th, 2012 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Shacabka ku nool degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa la sheegayaa in ay maanta billaabeen inay halkaasi ka barakacaan, kaddib markii la sheegay in ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ay ka soo ruqaansadeen deegaanka Fafax-dhuun oo 45 km u jira Baardheere. Boqollaal qoys ayaa lagu soo warramayaa in ay [...]
January 4th, 2012 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Shacabka ku dhaqan degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa la sheegay in maanta ay billaabeen inay barakacaan, kaddib markii la sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda KMG, Ahlu-suna iyo kuwa Kenya ay ka soo ruqaansadeen deegaanka Busaar. Boqollaal qoys ayaa lagu soo warramayaa in ay u barakeceen deegaannada Miiyiga ah, si ay u [...]
December 26th, 2011 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Diyaarado dagaal ayaa duqeeyay saldhigyo maleeshiyada al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaannada Ballanballe, Qabri-bayax iyo Takar oo u dhexeeyay Degmada Baardheere iyo deegaanka Busaar ee gobolka Gedo. Duqeynta oo dhacday barqadii maanta, ayaan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha maleeshiyada ka soo gaaray, waxaana dhammaan la xiray waddooyinka gala saldhigyada maleeshiyada ee la duqeeyay. Ma jirto [...]
December 23rd, 2011 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri