Bogga hore » Baardheere Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Baardheere”

Gaadiidleyda Baardheere oo amarro la dul-dhigay

Maleeshiyada al-Shabaab

Maleeshiyada al-Shabaab ee degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa amarro dhowr ah dhul dhigay gaadiidleyda degmadaasi, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in aysan u safri karin degmooyinkii horrey looga qabsaday al-Shabaab oo ay ku sugan yihiin dowladda KMG iyo Ahlu Sunna iyo in ay canshuur ka bixiyaan gawaarida aan xamuulka sidin. Horjoogaha ugu sarreeya [...]

February 10th, 2012 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Odayaasha Baardheere oo eedeyn u jeediyay Shabaab

Baardheere

Odayaasha degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay maleeshiyada al-Shabaab inay tacaddiyo isugu jirto jirdil iyo handadaad u geystaan odayaasha dhaqanka ee degmadaasi. Mid ka mid ah odayaasha degmada oo ka gaabsaday in magaciisa la baahiyo ayaa Bar-kulan u sheegay in mid ka mid ah nabaddoonnada oo lagu magacaabo Caddow Barre oo ku xirnaa [...]

February 6th, 2012 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Al-Shabaab oo soo bandhigtay 2 ka mid ah saraakiil ay Kenya ka afduubeen

Xerada la weeraray -Geriley

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ku soo bandhigtay laba nin oo Kenyan ah oo ay sheegeen inay ka mid yihiin saraakiil Kenyan ah oo ay ka soo afduubeen deegaanka Gariley oo ka tirsan degmada Wajir ee dalka Kenya. Horjoogaha maleeshiyada al-Shabaab ee gobolka Gedo, Cabbaas Cabdullaahi oo la hadlay [...]

January 13th, 2012 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Al-Shabaab oo nin dhallinyaro ah ku dishay Baardheere

Wararka-ugu-dambeeyay

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa maanta magaalada Baardheere ku dishay nin dhallinyaro ah oo ay ku eedeeyeen inuu basaas u ahaa ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna ee ka howlgalaya gobolka Gedo. Ninka la dilay oo da’diisa lagu sheegay 22-jir ayaa waxaa xalay maleeshiyada ay ka kaxeysteen bannaanka guriga ay qoyskiisa ay deggan yihiin, waxaana saaka [...]

January 13th, 2012 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Barakac ka billowday Baardheere

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Shacabka ku nool degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa la sheegayaa in ay maanta billaabeen inay halkaasi ka barakacaan, kaddib markii la sheegay in ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ay ka soo ruqaansadeen deegaanka Fafax-dhuun oo 45 km u jira Baardheere. Boqollaal qoys ayaa lagu soo warramayaa in ay [...]

January 4th, 2012 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Barakac ka billowday Baardheere iyo Buurdhuubo

Barkac

Shacabka ku dhaqan degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa la sheegay in maanta ay billaabeen inay barakacaan, kaddib markii la sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda KMG, Ahlu-suna iyo kuwa Kenya ay ka soo ruqaansadeen deegaanka Busaar. Boqollaal qoys ayaa lagu soo warramayaa in ay u barakeceen deegaannada Miiyiga ah, si ay u [...]

December 26th, 2011 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Diyaarado duqeeyay saldhigyo al-Shabaab ay ku leeyihiin Gedo

diyaarad-duqeyn

Diyaarado dagaal ayaa duqeeyay saldhigyo maleeshiyada al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaannada Ballanballe, Qabri-bayax iyo Takar oo u dhexeeyay Degmada Baardheere iyo deegaanka Busaar ee gobolka Gedo. Duqeynta oo dhacday barqadii maanta, ayaan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha maleeshiyada ka soo gaaray, waxaana dhammaan la xiray waddooyinka gala saldhigyada maleeshiyada ee la duqeeyay. Ma jirto [...]

December 23rd, 2011 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Carruur shuban biyood ugu geeriyootay Baardheere

Baardheere

In ka badan 17 carruur ah oo da’dood ay ka hooseyso 5 sano ayaa lagu soo warramayaa in saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyey ee bishan ugu geeriyoodeen cudurka shuban biyoodka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halka tiro intaasi ka badanna lagula tacaalayo cusbitaallo ku yaalla degmadaasi. Mahad Cabdi oo ka mid ah dhakhaatiirta degmada Baardheere [...]

December 23rd, 2011 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Dagaal ka dhacay gobolka Gedo

TFG Troops

Dagaal ayaa xalay ka dhacay deegaanka Busaar oo 40 km u jira degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Dagaalka ayaa dhacay kaddib markii maleeshiyada al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda KMG ay kaga sugnaayeen deegaanka Busaar. Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan ayaa Bar-kulan u sheegay in ciidamadoodu ay iska caabbiyeen maleeshiyadii al-Shabaab ee weerarka soo [...]

December 21st, 2011 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Dhallinyaro Baardheere loogu xiray wacdi ay dhageysanayeen

Wararka-Soomaalida

Maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa maanta xabsiga degmadaasi u taxaabay dhallinyaro dhageysaneysay muxaadarooyin Diini ah oo laga duubay Sheekh Maxamed Cabdi Umal, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Dhallinyarada oo gaaraysa 5 qof ayaa dad ku sugan Baardheere waxay sheegeen in maanta laga kaxeeyay xarun ganacsi oo ay joogeen, kaddib [...]

December 17th, 2011 | La daabacay Baardheere,Gobolada,Wararka | Sii Akhri