Bogga hore » Barnaamijyada Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Barnaamijyada”

Tiknoolajiyada: Horumarka adeegyada Internetka ee Galgaduud

tiknoolajiyada-sayniska1

Barnaamijka teknoolajiyada iyo sayniska waxaan toddobaadkan ku soo qaadaneynaa horumarka adeegyada internetka laga sameeyay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Qodobbada kalena waxaa ka mid ah: Bogga wax lagu baaro ee Bing oo lagu soo kordhinayo qeyb dadka Facebook isticmaala talooyin ay ku soo gudbin karaan. Sony oo sheegtay inay khasaare ka soo gaartay musiibadii Japan [...]

May 12th, 2012 | La daabacay Barnaamijyada,Tiknoolajiyada,Tiknoolajiyadda | Sii Akhri

Bandhigga Barbaarta: Heshiiska XKMG ah iyo hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay

Bandhigga-barbaarta

Barnaamijka Bandhigga Barbaarta waxaan maanta uga hadleynaa heshiis is-afgarad ah (MOU) oo ay kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo hay’adda xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay. Waxaan barnaamijka ku soo qaadaneynaa hadalladii laga yiri heshiiska. Barnaamijka oo dhammeystiran waxaad ka dhageysan kartaa boggan qeybtiisa hoose. 2012-05-12-Bandhigga-barbaarta

May 12th, 2012 | La daabacay Barbaarta,Barnaamijyada | Sii Akhri

Kulanka Jimcaha: Deris wanaagga

Kulanka Jimcaha

Toddobaadkan barnaamijka waxaan uga hadlaynaa deris wanaagga iyo muhiimadda xaq-dhawrka jiiraanka. Barnaamijka waxaa marti noogu ah Sheekh Shardi Mire Maxamuud, iyadoo dhageystayaashana ay barnaamijka uga qeyb qaadanayeen farriimaha qoraalka ah ee Facebook. Haddii aad daneyneyso inaad ka qeyb gasho barnaamijka Kulanka Jimcaha ee idaacadda Bar-kulan waxaad aragtidaada ama su’aalahaaga noogu soo gudbin kartaa www.facebook.com/bar-kulan. Barnaamijka oo dhammeystiran [...]

May 11th, 2012 | La daabacay Barnaamijyada,Kulanka Jimcaha | Sii Akhri

Bandhigga Cayaaraha

Bandhigga-cayaaraha

Qodobbada aan ku soo qaadaneyno barnaamijka bandhigga cayaaraha waxaa ka mid ah: Horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya oo furmi doona bisha June. Maamulka Galmudug oo martigelinaya tartan kubbadda cagta ah oo ay ka qeyb galayaan afar gobol. Tartan kubbadda cagta ah oo ka socda magaalada Boosaaso iyo qodobbo kale. Barnaamijka oo dhameystiran waxaad ka dhageysan kartaa [...]

May 11th, 2012 | La daabacay Bandhigga cayaaraha,Barnaamijyada | Sii Akhri

Dhaqanka: Fanka iyo nabadda

dhaqanka

Barnaamijka toddobaadkan waxaan toddobaadkan ku soo qaadaneynaa Fanka iyo nabadda. Barnaamijka waxaan ku wareysaneynaa Cabdirashiid Cabdi Maxamed (Daacad) oo ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha. Barnaamijka oo dhammeystiran waxaad ka dhagaysan kartaa boggan qeybtiisa hoose. 2012-05-11-Barnaamijka-dhaqanka

May 11th, 2012 | La daabacay Barnaamijyada,Dhaqanka | Sii Akhri

Bandhigga Barbaarta: Xiriirka qoyska Soomaaliyeed ee qurbo-joogta

Cabdirashiid Qalinle

Barnaamijka wuxuu maanta ku saabsan yahay xiriirka qoyska Soomaaliyeed ee qurbo-joogta. Barnaamijka waxaa marti noogu ah Cabdirashiid Jire Qalinle oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee qurbo-joogta ah. Barnaamijka oo dhammeystiran waxaad ka dhageysan kartaa boggan qeybtiisa hoose. 2012-05-10-Bandhigga-barbaarta

May 10th, 2012 | La daabacay Barbaarta,Barnaamijyada | Sii Akhri

Kulan ku saabsan caqabadaha waalidiinta ka hortaagan tallaalka carruurta

barnaamijka-caafimaadka

Barnaamijka Daryeelka Caafimaadka toddobaadkan wuxuu ku saabsan yahay kulan looga hadlayay caqabadaha waalidiinta ka hortaagan tallaalka carruurtooda. Barnaamijka waxaan ku wareysannay Dr. Cabdulqaadir Yuusuf Cabdi, agaasimaha guud ee Isbitaalka Burco iyo Dr.Maxamuud Cabdi Cabdullaahi oo ka howlgala Isbitaalka guud ee magaalada Berbera. Barnaamijkan oo dhammeystiran ka dhageyso boggan qeybtiisa hoose. 2012-05-10-Barnaamijka-caafimaadka

May 10th, 2012 | La daabacay Barnaamijyada,Caafimaadka | Sii Akhri

Bandhigga Barbaarta: Fahanka dhallinyarada ee qiimaha dowladnimada

Bandhigga-barbaarta

Barnaamijka Bandhigga Barbaarta waxaan maanta uga hadleyaa fahanka dhallinyarad ee qiimaha dowladnimada. Barnaamijka waxaa marti noogu ah Cali Cabdi Geelle, Yaxya Maxamed iyo Maxamed Cabdullaahi oo ka mid ah dhallinyarada ku nool magaalada Nairobi ee waddanka Kenya Barnaamijka oo dhammeystiran waxaad ka dhageysan kartaa boggan qeybtiisa hoose. 2012-05-09-Bandhigga-barbaarta

May 9th, 2012 | La daabacay Barbaarta,Barnaamijyada | Sii Akhri

Howlaha dab-demiska ee Muqdisho

Horumarinta-Bulshada

Barnaamijka horumarinta bulshada waxaan toddobaadkan uga hadleynaa howlaha dab-demiska ee ka jira magaalada Muqdisho. Waxaan barnaamijka ku wareysannay Korneel Maxamed Wardheere Kulane oo ah khabiir ku xeeldheer howlaha dab-demiska iyo Xasan Cali Ciire oo ah madaxa dab-demiska garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International. Barnaamijka oo dhammeystiran ka dhageyso boggan qeybtiisa hoose. 2012-05-09-Barnaamijka-horumarka-bulshada

May 9th, 2012 | La daabacay Barnaamijyada,Horumarinta Bulshada | Sii Akhri

Bandhigga Barbaarta: Mustaqbalka Dhallinyarada

Bandhigga-barbaarta

Barnaamijka wuxuu maanta ku saabsan yahay sida ay dhallinyarada uga fekerto mustaqbalkeeda. Barnaamijka waxaa marti noogu ah Xasan Cabdullaahi oo ka mid ah dhallinyarada ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Barnaamijka oo dhammeystiran waxaad ka dhageysan kartaa boggan qeybtiisa hoose. 2012-05-08-Bandhigga-barbaarta

May 8th, 2012 | La daabacay Barbaarta,Barnaamijyada | Sii Akhri