Bogga hore » Barnaamijyada Waxaad raadinaysaa warar keyd ah “Barnaamijyada”

Barbaarta: Kaalinta barbaarta ee nabbada iyo siyaasadda

Girgire

Barnaamijka Bandhigga Barbaarta waxaan maanta ku soo qaadaneynaa  kaalinta barbaarta ee siyaasadda iyo nabbada. Barnaamijka waxaan marti noogu ah Yaasiin Axmed Macallin (Girgire) oo ah siyaasi dhallinyaro ah, wuxuuna ka warramayaa kaalinta barbaarta ay ka qaadan karaan nabadda iyo siyaasadda.   Barnaamijka oo dhammeystiran waxaad ka dhageysan kartaa boggan qeybtiisa hoose. 2012-02-06-Bandhigga-barbaarta  

February 6th, 2012 | La daabacay Barbaarta,Barnaamijyada | Sii Akhri

Waxbarashada: Kororka ardayda Soomaalida ee wax ka barata Sudan

Waxbarashada

Barnaamijka waxbarashada waa barnaamij toddobaadle ah oo aad Bar-kulan ka dhageysan karto maalin kasta oo Isniin ah. Toddobaadkan barnaamijka waxaan ku soo qaadaneynaa Kororka ardayda Soomaalida ee wax ka barata waddanka Sudan. Barnaamijka waxaan ku wareysanaynaa Cabdiqaadir Maxamed Cali “Guulane” oo ah u qeybsanaha waxbarashada iyo dhaqanka safaaradda Soomaaliya ee Sudan iyo Cabbaas Maxamed Nuur [...]

February 6th, 2012 | La daabacay Barnaamijyada,Waxbarashada | Sii Akhri

Bandhigga Barbaarta: Doorka Gabdhaha aqoonta leh ee horumarinta bulshada

Bandhigga barbaarta

Barnaamijka Bandhigga Barbaarta waxaan maanta uga hadleynaa kaalinta gabdhaha wax bartay ay ka qaadan karaan horumarinta iyo hagaajinta bulshada. Barnaamijka waxaa marti noogu ah Faadumo Ciise oo wax ka soo baratay mid ka mid ah jaamacadaha waddanka Suudaan, waxayna ka hadleysaa doorka gabadha Soomaalida ay ka qaadan karaan hagaajinta iyo horumarinta bulshadooda. Barnaamijka oo dhammeystiran [...]

February 5th, 2012 | La daabacay Barbaarta,Barnaamijyada | Sii Akhri

Martida toddobaadka: Cusmaan Maxamed Gacal

martida-todobaadka

Barnaamijka Martida Toddobaadka waxaa toddobaadkan marti noogu ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee waddanka Talyaaniga Cusmaan Maxamed Gacal. Guddoomiyaha waxa uu ka warbixinayaa xaaladda nololeed ee dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Talyaaniga. Barnaamijka oo dhammeystiran waxaad ka dhageysan kartaa boggan qeybtiisa hoose. 2012-02-05-Martida-toddobaadka

February 5th, 2012 | La daabacay Barnaamijyada,Martida Toddobaadka | Sii Akhri

Teknoolajiyada: Eray-bixinta Af-Soomaaliga ah ee kumbiyuuterka

tiknoolajiyada-sayniska

Toddobaadkan barnaamijka teknoolajiyada iyo sayniska waxaan ku soo qaadanaynaa Eray-bixinta Af-Soomaaliga ah ee Kumbiyuuterka. Waxaan sidoo kale barnaamijka ku soo qaadaneynaa qodobbo ay ka mid yihiin: Lamaane British ah oo garoonka diyaaradaha Los Angeles Booliska ee dalka Mareykanka loogu xiray farriin ay dhigeen Twitter iyo Zimbabwe oo biyo kordhin lagu xakameynayo cudurka Typhoid-ka. Barnaamijka waxaan ku [...]

February 4th, 2012 | La daabacay Barnaamijyada,Tiknoolajiyada,Tiknoolajiyadda | Sii Akhri

Kulanka Jimcaha: Dilka sabab la’aanta ah

Sheekh Shardi Mire Maxamuud / Bar-kulan

Toddobaadkan barnaamijka waxaan uga hadlaynaa dilka sabab la’aanta ah iyo waxa ay diinta Islaamku ka qabto. Haddii aad daneyneyso inaad ka qeyb gasho barnaamijka Kulanka Jimcaha ee idaacadda Bar-kulan waxaad aragtidaada ama su’aalahaaga noogu soo gudbin kartaa www.facebook.com/bar-kulan Barnaamijka waxaa marti noogu ah Sheekh Shardi Mire Maxamuud, iyadoo dhageystayaashana ay barnaamijka uga qeyb qaadanayaan farriimaha qoraalka [...]

February 3rd, 2012 | La daabacay Barnaamijyada,Kulanka Jimcaha | Sii Akhri

Dhaqanka: Guurka dumaalka ah

dhaqanka4

Barnaamijka dhaqanka waa barnaamij toddobaadle ah oo Bar-kulan aad ka dhageysan karto subax kasta oo jimco ah. Toddobaadkan barnaamijka waxaan ku soo qaadanaynaa Guurka dumaalka ah. Barnaamijka waxaan ku wareysanaynaa Abwaaniinta kala ah Cali Jaamac Cawaale iyo Khaliif Jaamac Baale. Sidoo kale, waxaan ku wareysanaynaa Yuusuf Abuukar Cumar iyo Yuusuf Ibraahim Sheekh oo labaduba ah [...]

February 3rd, 2012 | La daabacay Barnaamijyada,Dhaqanka | Sii Akhri

Bandhigga Barbaarta: Dhallinyarada wax baratay iyo wacyigelinta bulshada

Bandhigga-barbaarta

Barnaamijka Bandhigga Barbaarta waxaan maanta uga hadleynaa kaalinta dhallinyarada wax baratay ay ka qaadan karaan wacyigelinta iyo hagaajinta bulshada. Barnaamijka waxaa marti noogu ah Maxamed Sheekh Wehliye oo ah arday waxbarashadiisa ku soo dhammeystay dalka Suudaan. Barnaamijka oo dhammeystiran waxaad ka dhageysan kartaa boggan qeybtiisa hoose. 2012-02-02-Bandhigga-barbaarta

February 2nd, 2012 | La daabacay Barbaarta,Barnaamijyada | Sii Akhri

Barnaamijka Caafimaadka: Deeq dawo oo la gaarsiiyay deegaanka Qarqora

barnaamijka-caafimaadka4

Barnaamijka daryeelka caafimaadka waxaan toddobaadkan uga hadleynaa Deeq dawo ah oo Galmudug ay u qeybisay dad ku sugan deegaanka Qarqora. Barnaamijka waxaan ku wareysannay Wasiir ku-xigeenka caafimaadka ee Galmudug Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo guddoomiyaha degmada Qarqora oo 50 km dhanka waqooyi bari kaga beeggan Gaalkacyo Cabdullaahi Saciid Cilmi. Barnaamijkan oo dhammeystiran ka dhageyso boggan qeybtiisa hoose. [...]

February 2nd, 2012 | La daabacay Barnaamijyada,Caafimaadka | Sii Akhri

Bandhigga Barbaarta: Dhibaatada xagjirnimada

Shiine Akhyaar

Barnaamijka Bandhigga Barbaarta waxaan maanta uga hadleynaa dhibaatada xagjirnimada, ku talaxtegidda fikradaha iyo siyaabaha looga hortegi karo. Barnaamijka waxaa marti noogu ah guddoomiyaha kooxda Waayaha Cusub, Shiine Cabdullaahi Cali (Shiine Akhyaar) oo ka qeybgalay kulan arrintaasi looga hadlayay oo ka dhacay caasimadda Kigali ee waddanka Rwanda. Barnaamijka oo dhammeystiran waxaad ka dhageysan kartaa boggan qeybtiisa [...]

February 1st, 2012 | La daabacay Barbaarta,Barnaamijyada | Sii Akhri