“Keydka qoraaga”
Warbixinada uu qoray Ahassan

Barbaarta: Kaalinta barbaarta ee nabbada iyo siyaasadda

Girgire

Barnaamijka Bandhigga Barbaarta waxaan maanta ku soo qaadaneynaa  kaalinta barbaarta ee siyaasadda iyo nabbada. Barnaamijka waxaan marti noogu ah Yaasiin Axmed Macallin (Girgire) oo ah siyaasi dhallinyaro ah, wuxuuna ka warramayaa kaalinta barbaarta ay ka qaadan karaan nabadda iyo siyaasadda.   Barnaamijka oo dhammeystiran waxaad ka dhageysan kartaa boggan qeybtiisa hoose. 2012-02-06-Bandhigga-barbaarta  

February 6th, 2012 | La daabacay Barbaarta,Barnaamijyada | Sii Akhri

Qalab caafimaad oo loogu deeqay isbitalka guud ee Ceerigaabo

Deeq isugu jirta qalab caafimaad iyo agab kale waxaa maanta maamulka istibalka guud ee magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag guddoonsiiyay Ismaaciil Xasan Isbariije oo ka mid ah qurba-joogta ka soo jeeda magaaladaasi. Ismaaciil Xasan Isbariije ayaa sheegay in markii uu arkay baahida ka jirta isbitalka uu go’aansaday in uu gacan ka geysto sidii gurmad [...]

February 6th, 2012 | La daabacay Ceerigaabo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Yaa isugu soo haray semi-finalka koobka waddamada Afrika?

Koobka waddamada Afrika

Tartanka koobka qaramada Afrika ee ka socda dalalka Equatorial Guinea iyo Gabon oo gaaray semi-final waxaa u soo baxay kooxaha waddamada Ghana, Zambia, Mali iyo Ivory Coast. Ghana xalay waxay 2-1 kaga badisay Tunisia cayaar adkeyd oo dhex martay labada dhinac. Cayaarta waxay 90-kii daqiiqo ku dhammaatay hal gool iyo hal gool, sidaas awgeed waxaa [...]

February 6th, 2012 | La daabacay Ciyaaraha | Sii Akhri

Meles iyo Siilaanyo oo kulmaya

Siilaanyo

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Somaliand, Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee waddanka Itoobiya, kaddib markii casumaad uu ka helay ra’iisul wasaare Meles Zenawi. Siilaanyo ayaa ka hor inta uusan ka duulin garoonka diyaaradaha ee Hargeysa la hadlay warbaahinta, wuxuuna sheegay in uu Meles kala hadlayo xoojinta iskaashiga u dhaxeeya [...]

February 6th, 2012 | La daabacay Gobolada,Hargeysa,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Markab laga leeyahay Iran oo laga badbaadiyay burcad badeed

Ciidanka badda Iran ayaa ku guuleystay in markab waddankooda laga leeyahay ay ka badbaadiyaan burcad badeed Soomaali ah. Telefishinka qaranka Iran ayaa sheegay in burcad badeed hubaysan oo watay dhowr doonyood ay ku weerareen markabka meel u dhow Gacanka Cadan. Ciidanka badda Iran oo Axaddii shalay qeylo dhaan ka helay markabka xamuulka qaada ayaa u [...]

February 6th, 2012 | La daabacay Wararka | Sii Akhri

Faroole: Hala dedejiyo qabsashada Kismaayo

Farole

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ugu baaqay ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa dowladda Kenya inay dedijiyaan howlgalka la doonayo in lagula wareego magaalada dekedda leh ee Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Madaxweyne Faroole oo khudbad ka jeedinayay shirka sanadlaha ah ee kooxda xiriirka caalamiga (ICG) ee maanta lagu soo [...]

February 6th, 2012 | La daabacay Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Mowliidka oo maanta laga xusayo qeybo ka mid ah Soomaaliya

MowliidkaII

Waxaa maanta oo ku beegan 12-ka bisha saddexaad ee sanadka Hijriga ah laga xusayaa qeybo ka mid ah waddanka Soomaaliya maalinta dhalasha nebigeenna Muxamed (NNKH). Munaasabad ballaaran oo ay soo abaabuleen culumaa’uddiinka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo lagu weyneynayo dhalashada nebiga (NNKH) ayaa maanta ka dhacday magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Kumanaan dadweyne ah oo isugu [...]

February 5th, 2012 | La daabacay Dhuusamareeb,Gaalkacyo,Gobolada,Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Qiimaha nabadda oo lagu baranayo Muqdisho

Qiimaha nabadda ay leedahay ayaa lagu baranayaa qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir oo dhowaan lagala wareegay al-Shabaab. Ololaha waxaa wada odayaal dhaqameed iyo ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed. Islow Maxamed Yuusuf oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in dadweynaha ay ku soo noqonayaan guryahooda, ayna barayaan qiimaha nabadda iyo ilaalinta ammaanka. Caasho Cumar [...]

February 5th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

220 arday oo u dhooftay Turkiga

Arday Soomaali ah

Wasiirka waxbarashada ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed ayaa maanta ka qeybgalay xaflad lagu sagootinayay in ka badan 2 boqol oo arday oo deeq waxbarasho ka helay dowladda Turkiga, kuwaasoo maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Ardayda oo ka kala yimid gobollada dalka ayaa wasiirka wuxuu kula dardaarmay [...]

February 5th, 2012 | La daabacay Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Burco: Dad ka cabanaya nolol xumo

Burco

Dadka barakacay iyo qoysaska danyarta ah ee ku nool xaafadda Koosaar ee waqooyiga magaalada Burco ayaa ka cabanaya xaalad nolol xumo oo soo food-saartay bilihii u dambeeyay. Guddoomiyaha xaafadda Koosaar, Maxamed Axmed Shoori ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladda dadka ku nool xaafaddaas ay aad u liidato, kuwaas oo isugu jira qaar abaartii ka jirtay [...]

February 5th, 2012 | La daabacay Burco,Gobolada,Wararka | Sii Akhri