Anshaxa

Marka ugu horeysa waxaad si niyad sami leh ugu soo dhawaataa Bar-kulan, marka xiga waxaad noo dhaafi kartaa jawaabtaada meel kasta oo aad caalamka ka joogto si aad aragtidaada ugu biirisid dadweynaha Soomaliyeed intiisa kale.

Hadaba si aad fikradahaaga ugu soo bandhigto bulshada inteeda kale adigoo u soo maraysid Bar-kulan waxaa lagaaga baahan yahay inaad dhawrto Qodobada anshaxa Bar-kulan.

  • Qor magacaga iyo Emailkaaga si aad fikradaada u dhiibato.

Markii aad is diiwaan geliso haka laba labeyn inaad nasoo gaarsiisid fikirkaaga, iyo aragtida aad jeclaan lahayd inaad soo bulshada u soo bandhigto.

  • Digniin

Inkastoo boggani uu yahay mid u furan dhamaan bulshada Soomaaliyeed haddana waa inaad ka taxadartaa inaad ku qortid wax walba oo aad rabtid, waxaan kaa codsanaynaa inaad qaaddo masuuliyidda qoraalkaaga.

  • ilaali anshaxa hadalka.

Fadlan ilaali anshaxa guud ee hadalka ma soo daabici doono fikradaha xambaarsan hadalada aan asluubeysneyn amaba sharaf dhaca ku ah masuuliyadda warbaahineed.

  • Adeegso Hadallo wanaagsan.

Fadlan isku day inaad adeegsato hadalo wanaagsan oo wax ka tari kara horumarka bulshada, xusuusnoow in dunida dacaladeeda dad jooga ay akhrisanayaan waxaaad qorayso.

  • Haka bixin mawduuca laga hadlayo.

Fikradaadu waa iney ku saabsan tahay mawduuca laga hadlayo si ay noogu suuro gasho inaan fahanno isla markaana soo daabacno fikradaada.

  • iska ilaali wada xaajoodyada khaaska ah.

Wax ka yaxyax badan ma jirto inaad ku aragto goob lagu wada xaajoonayo oo ay fariimo gaar ah isugu dirayaan labo shaksi ku dadaal inaad hesho Emailka ruuxa si aad Emailkiisa ugu dirto fariin walba oo khaas ah.

  • Tixgeli arimaha gaarka ah ah ee shakhsiyaadka kale.

Xusuusnoow inaadan jeclaan lahayn in la soo bandhigo arimahaaga khaaska ah sida cinwaanka Emailkaga ama lambarka taleefankaaga, sidaasi si la mid ah dadka kalana ma jecla in la soo bandhigo arimahooda khaaska ah sida magacooda lambarkooda iyo wax kasta oo khaas u ah shakhsigaasi.

  • Illaali sharciga guud kana fogoow xad gudubyada.

Ka fogoow waxyaabaha sharci darada ah sida ku xadgudubka xuquuqda qoraalka, qeybinta waxyaabaha aadan sharciga u haysan sida sawirada iyo maqaalada haddii aadan soo xiganayn isha laga helay, ka dheeroow inaad sameyso xadgudubyo ka dhan ah midab kala sooca, sumcad ridista, argagax gelinta qabiilka, gobolaysiga, iyo dhamaan arimaha ay ka dhalan karaan rabshado iyo cuqdado sababi kara inay waxyeelo gaystaan, sidoo kale boggani waa ka mamnuuc aflagaadada, sumcad ridista iyo dhamaan hadalada aanan ku wanaagsaneyn dhinaca anshaxa.

Bar-kulan ‘Meel Walba!