Weriye lagu dilay Muqdisho

Agaasimihii Shabeelle, Xasan Cismaan Cabdi

Agaasimihii idaacadda iyo telefishinka Shabeelle ee magaalada Muqdisho oo lagu magacaabi jiray Xasan Cismaan Fantaastik ayaa caawa maqribkii waxa ay rag hubeysan ku dileen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Bar-kulan u sheegay inay weriyaha dileen rag ku hubeysnaa bistoolado, xilli uu garaacayay albaabka gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Jiiro-miskiin ee degmada Wadajir, waxaana uu ku geeriyooday isla goobta, kaddib markii lagu dhuftay shan xabbadood.

Lama oga cidda dishay weriyaha, oo la geeyay qeybta meydka ee isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha booliska iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Wadajir oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay inay wadaan baaritaanno, isla markaana ay saxaafadda u soo bandhigi doonaan wixii ka soo baxa.

Xasan wuxuu noqonayaa weriyihii ugu horreeyay ee sanadkan lagu dilo Muqdisho.

Bishii December ee sanadkii hore ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay weriye Cabdisalaan Xiis oo ka howlgeli jiray telefishinka Horn Caple.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Agaasimihii idaacadda Shabeelle oo lagu aasay duleedka Muqdisho, 2012/01/29
  2. Wariye Cabdisalaan Xiis oo Muqdisho lagu dilay, 2011/12/18
  3. Galmudug oo cambaareysay weriye lagu dhaawacay Gaalkacyo, 2011/09/19
  4. Xus loo sameeyay wariyeyaal lagu dilay Muqdisho, 2011/08/12
  5. Hoggaamiyihii Al-Qaacidda ee Bariga Afrika oo Muqdisho lagu dilay, 2011/06/11

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal