Khaanad: Wararka Lifaaqyo: , , , , .

Wasaaradda ganacsiga oo qaabeyneysa dhismeyaasha suuqa Xamarweyne

Wasaaradda ganacsiga ee dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay ku bedeleyso qaab dhismeedka suuqa degmada Xamarweyne oo uu dhowaan qeybo ka mid ah dab qabsaday.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee DKMG, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen oo wareysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in dhismaha suuqa dib loo qaabeynayo si ay u sahlanaato in dhaqse wax looga qabto haddii ay dhacdo in mustaqbalka uu dab kaco.

Cabdiwahaab waxa uu sheegay in wasaaraddu ay beesha caalamka ka codsatay in lagu taageero gawaari dab-damis ah oo looga qabto haddii dab uu qabsado goobaha ay hantida taallo iyo meelaha ay dadka ku badan yihiin.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee DKMG, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen waxa uu ganacsatada hantida ay uga gubatay suuqa uu uga tacsiyeeyay dhibaatada soo gaartay, isagoo ka codsaday inay banneeyaan waddooyin ay maraan gaadiidka dab-damiska haddii dhacdadan oo kale ay soo noqoto mustaqbalka.

Dhinaca kale, wasiirka waxa uu ka warbixiyay kulamo uu xubno ka tirsan beesha caalamka uu kula qaatay magaaladaNairobiee dalkaKenya.

Cabdiwahaab waxa uu sheegay in xukuumadda KMG ee Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii maamullo loogu dhisi lahaa magaalooyinka laga saaray maaleshiyada al-Shabaab, isagoo tilmaamay in beesha caalamka ay weydiisteen in arrintaas laga taageero.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Wasiirka ganacsiga oo la kulmay Jaaliyadda Soomaalida ee Sweden, 2012/02/12
  2. Dab ka kacay suuqa Xamarweyne, 2012/01/25
  3. Rugta ganacsiga ee Soomaaliya oo dib loo furayo, 2012/01/05
  4. Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo Turkiga shir kaga qeybgalaya, 2011/12/04
  5. Faroole oo ka hadlay dab xalay qabsaday suuqa Boosaaso, 2011/12/03

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal