Kooxaha u soo gudbay siddeed-dhammaadka koobka Qaramada Afrika
Waddamada Gabon iyo Tunisia ayaa u soo gudbay wareegga siddeed-dhammaadka ee tartanka kubbadda cagta ee Qaramada Afrika.
Xulka qaranka Gabon ayaa u soo gudbay siddeed dhammaadka ama quarter final-ka koobka Qaramada Afrika, kaddib markii 3-2 uu kaga badiyay xulka waddanka Morocco.
Xulka Gabon waxaa saddexda gool u kala dhaliyay xiddigyadooda Aubameyang Cousin iyo Mbananguayu, halka labada goool ee xulka Morocco uu u dhaliyay Kharja.
Labo kulan oo Gabon ay cayaartay waa ay badisay, waxayna taasi la micno tahay inay u soo gudubtay quarter finalka, walow hal kulan uu u harsan yahay.
Sidoo kale, xulka qaranka Tunisa ayaa u soo gudbay siddeed-dhammaadka koobka Qaramada Afrika, kaddib markii 2-1 uu kaga badiyay xulka waddanka Niger.
Labada gool xulka Tunisia waxaa u dhaliyay xiddigyadooda M’Sakn iyo Jemaa, halka goolka qura xulka Niger uu u dhaliyay Ngounou.
Waxaa kaloo wareegga siddeed dhammaadka u soo gudbay waddanka Ivory Coast oo 2-0 uga badiyay waddanka Burkina Faso, iyadoo goolasha ay dhaliyeen Kalou iyo Kone.
Ilaa hadda waddamada siddeed-dhamaadka u soo gudbay waxay kala yihiin:
Tunisia
Gabon
Ivory Coast
Equatorial Guinea
Galinka dambe ee maanta waxay kooxuhu isku arkayaan sidatan:
Botswana Vs Guinea
Ghana Vs Mali
Warbixinada la Xiriira:
- Zambia oo markii ugu horreysay hanatay koobka qaramada Afrika, 2012/02/13
- Ivory Coast oo u soo baxday afar-dhammaadka koobka qaramada Afrika, 2012/02/05
- Zambia oo gaartay afar-dhammaadka koobka Afrika, 2012/02/04
- Mali iyo Ghana oo gaaray siddeed-dhammaadka, 2012/02/02
- Ghana oo u soo gudubtay siddeed-dhammaadka koobka Qaramada Afrika, 2012/01/29

