Ramires oo toddobaadyo ka maqnaan doona Chelsea

Ramires
Cayaaryahanka reer Brazil ee u safta naadiga kubbadda cagta Chelsea ee ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa lagu soo warramayaa in dhaawac soo gaaray dartii uu muddo afar toddobaad ah garoomada uga maqnaan doono.
Ramires ayaa la sheegay in laga saaray cayaartii ay caawa Chelsea hal gool iyo waxba uga badisay naadiga QPR ee ka tirsanayd koobka FA-ga, kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray jilibka.
Berri ayaa lagu wadaa in raajo la saaro cayaaryahanka si loo ogaado faahfaahinta dhaawaciisa. Adre Villas-Boas oo ah macallinka Chelsea waxaa laga soo xigtay inaanu rajeynayn in Ramires lagu sameeyo qalliin.
Ramires oo 24 jir ah ayaa kooxda Chelsea u saftay xilli cayaareedkan 25 kulan.
Warbixinada la Xiriira:
