Khaanad: Ciyaaraha

Natiijada cayaarihii FA Cup-ka

Kooxda kubbadda cagta Liverpool ayaa 2 gool iyo hal uga adkaatay kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester United, oo ay ku kulmeen cayaar ka tirsanayd FA Cup-ka.

Goolasha kooxda Liverpool waxaa u kala dhaliyay Daniel Agger iyo Kuyt, halka goolka qura ee Manchester United uu u dhaliyay J. Park.

Macallinka kooxda Manchester United, Sir Alex Ferguson ayaa u sheegay MUTV inay cayaartoydiisu soo bandhigtay cayaar heer sare ah, isagoo tilmaamay in guul-darrada loo saariyay ay ahayd mid aanay istaahilin, marka loo eego qaabkii ay kubbadda u cayaareen.

Kulamadii kale ee FA Cup-ka ee la cayaaray waxay kooxuhu isku arkeen, natiijaduna ay noqotay sidan:

Queens Park R. 0 – 1 Chelsea
Blackpool 1 – 1 Sheffield W.
Bolton W. 2 – 1 Swansea C.
Derby County 0 – 2 Stoke C.
Hull C. 0 – 1 Crawley
Leicester C. 2 – 0 Swindon T.
Millwall 1 – 1 Southampton
Sheffield U. 0 – 4 Birmingham C.
Stevenage 1 – 0 Notts County
West Bromwich A. 1 – 2 Norwich C.

Berri waxaa kulamo kale oo ka tirsan FA Cup-ka ku ballansan kooxaha kala ah Sunderland iyo Middlesbrough, iyadoo ay sidoo kale is arki doonaan kooxaha Arsenal iyo Aston Villa.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Natiijada horyaalka Ingiriiska, 2011/11/19
  2. Natiijada horyaalka Ingiriiska, 2011/11/05
  3. Natiijada horyaalka Ingiriiska, 2011/10/01
  4. Man City oo ku soo noqotay hoggaanka (Natiijada Premier League), 2011/09/24
  5. Man United oo qaadatay League Cup, 2010/03/01

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal