Kabtan Mahad: Heegan lagama xigo horyaalka Soomaaliya

Kooxda kubadda cagta Heegan
Cayaaryahan Mahad Maxamed Xaaji oo ah kabtanka kooxda kubbadda cagta Heegan oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in aan kooxdiisa sanadkan laga xigin hanashada horyaalka, maadaama ay si weyn ugu diyaar-garowday.
Mahad Maxamed Xaaji oo wareysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in shan maalmood oo ka tirsan toddobaadka ay tababarro ku qaataan magaalada Muqdisho, iyadoo ay sidoo kalena kooxda ku soo biireen dhowr cayaaryahan.
Kabtanka Heegan ayaa sheegay inay kooxdiisu horyaalkii 36-aad ee ugu dambeeyay ka gashay kaalinta 3-aad, balse ay sanadkan rajeynayso inay koobka ku guuleysato, iyagoo ka faa’ideysanaya taageerada maamulka kooxda.
Horyaalka 37-aad ee kubbadda cagta Soomaaliya ayaa la filayaa inuu dhowaan ka furmo magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galaya 8 kooxood oo heerka koowaad ah.
Halkan hoose ka dhageyso wareysiga ay Bar-kulan la yeelatay kabtanka kooxda kubbadda cagta Heegan, Mahad Maxamed Xaaji.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Warbixinada la Xiriira:
