Dab ka kacay suuqa Xamarweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu caawa salaaddii maqrib kaddib dab ka kacay suuqa degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, kaas oo la sheegay inuu gaystay khasaare hantiyeed.

Cismaan Maxamed Cawaale (Baynoos) oo ka tirsan ganacsatada ay hantida uga gubatay suuqa Xamarweyne ayaa Bar-kulan u sheegay inay ka gubatay lix dukaan oo ay ugu jirtay hanti gaaraysa 20 kun oo doollar, wuxuuna tilmaamay in hanti lagu qiyaasi karo malaayiin doollar ay sidoo gubatay.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cabdullaahi Sahal Gardhuub ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay in ay ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM adkeeyeen ammaanka suuqa, si aanay halkaas uga dhicin bililiqo.

Maamulka degmada iyo dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saacado kaddib ku guuleystay inay dabka demiyaan.

Lama garanayo waxa uu ka dhashay dabka. Dhowr jeer oo hore ayuu degmada Xamarweyne sidaan oo kale uga kacay dab gaystay khasaare hantiyeed.

Warbixinada la Xiriira:

  1. RW Cabdiwali oo kormeeray suuqa gubtay ee Xamar-weyne, 2012/01/26
  2. Dab khasaare hantiyeed geystay oo ka kacay Kismaayo, 2011/12/09
  3. Qof ku dhintay dab ka kacay suuqa Boosaaso, 2011/12/03
  4. Dab baabi’iyay dhisme ganacsi oo ku yaallo degmada Xamarweyne, 2011/07/26
  5. Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo khasaare dhaliyay, 2011/05/03

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal