Bogga hore » January 31st, 2012 Warbixinada ku daabbacan “January, 2012”

Barnaamijka ganacsiga Soomaaliya

Barnaamijka ganacsiga maanta waxaad ku maqli doontaan qodobbo ay ka mid yihiin: • Aqoon iseydaarsi ganacasato loogu qabtay Boosaaso. • Sarrifka dollarka oo hoos u dhacay Garoowe iyo ganacsatada oo cabaneysa. • Dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee ka jira magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya iyo sidoo kale xubintii cunto karinta iyo sarrifka lacagaha qalaad. Barnaamijka oo dhammeystiran waxaad [...]

January 31st, 2012 | La daabacay Dhaqaalaha | Sii Akhri

Wasiir Denish ah oo Hargeysa tegay

Wafdiga Danish-ka ah iyo mas'uuliyiinta Somaliland / RBK

Wafdi uu hoggaaminayay wasiirka horumarinta iskaashiga ee dalka Denmark, Christian Friis Bach ayaa maanta magaalada Hargeysa kulan kula qaatay madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo. Madaxweyne Siilaanyo oo kulanka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wafdiga wasiirka ka wada-hadleen mashaariic dhanka horumarinta ah oo ay dawladda Denmark ku taageerto maamulka Somaliland. Siilaanyo ayaa [...]

January 31st, 2012 | La daabacay Gobolada,Hargeysa,Wararka | Sii Akhri

Tababar caafimaad oo lagu soo xiray Boorame

Wararka-Soomaalida25

Tababar ku saabsanaa caafimaadka hooyada iyo dhallaanka oo muddo afar maalmood ah magaalada Boorame uga socday 20 qof oo ka tirsan hawlawadeennada caafimaadka ee gobolka Awdal ayaa maanta lagu soo gabagabbeeyay magaalada Boorame. Tababarka oo ay iska kaashadeen wasaaradda caafimaadka ee maamulka Somaliland iyo hay’adda Mareykanka laga leeyahay oo ka shaqeysa arrimaha caafimaadka oo lagu [...]

January 31st, 2012 | La daabacay Boorama,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Talyaaniga oo Soomaaliya ka caawinaya dhismaha ciidanka cirka

Raysul wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiweli iyo Wasiirka gaashaandhigga Talyaaniga, Gianpaolo Di Paola / OPM Media

Wasaaradda gaashaandhigga Talyaaniga ayaa maanta u ballan-qaaday xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya inay ka caawineyso dib u soo nooleynta ciidankii cirka ee Soomaaliya, caawinta iyo tababarista ciidanka xoogga dalka iyo sidii ay ciidanku uga qeyb qaadan lahaayeen qorshaha xasilinta dalka. Arrintaas ayaa timid kaddib markii uu raysul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Dr. Cabdiweli [...]

January 31st, 2012 | La daabacay Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Alcoholic drink burnt down in Garowe

Illicit brew being spilled

The security personnel of Garowe in Puntland administration have today burnt down illicit brew of 65 bottles in an open area which was confiscated from Dangoroyo area in Nugaal region. The security personnel received a tip off from some travellers that the alcoholic drink was buried outside of Dangoroyo. The police commissioner of Puntland Mohamed [...]

January 31st, 2012 | La daabacay English | Sii Akhri

Dib-u dhac ku yimid maamul u sameynta gobolka Hiiraan

Beledweyne

Maamul u sameynta gobolka Hiiraan waxaa ku yimid dib-u dhac, kaddib markii qaar ka mid ah beelaha halkaas dega ay saluugeen awood qeybsiga maamulka. Sidoo kale, waxaa maanta Muqdisho ku laabtay oo magaalada Beledweyne ka ambabaxay wafdigii dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo halkaas joogay dhowr toddobaad. Wafdiga ayaa halkaas u joogay wada-xaajood ay la [...]

January 31st, 2012 | La daabacay Beledweyne,Wararka | Sii Akhri

Cabdi Qeybdiid oo ka badbaaday qarax ismiidaamin ah (Dhageyso)

Cabdi Qeybdiid/Lahaanshaha Somali VOA

Wasiirkii hore ee macdanta iyo biyaha ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta ka badbaaday qarax ismiidaamin ah oo lala damacsanaa in lagu khaarijiyo. Shan qof ayaa ku dhimatay qaraxa ismiidaaminta oo ka dhacay gudaha guriga Cabdi Qeybdiid uu ka deggan yahay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Saddex ka [...]

January 31st, 2012 | La daabacay Gaalkacyo,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Khamri lagu gubay Garoowe

Khamri la qubayo

Ciidamada ammaanka ee magaalada Garoowe, xarunta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay 65 dhalo oo khamri uu ku jiray, kuwaas oo laga soo helay deegaanka Dangoroyo ee ka tirsan gobolka Nugaal. Ciidamada ayaa sheegay inay heleen khamriga kaddib markii dad socota ah ay ku soo wargeliyeen dhalooyinka khamriga oo [...]

January 31st, 2012 | La daabacay Garoowe,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Bandhigga Barbaarta: Isku xirnaanshaha ardayda Soomaalida ee Suudaan

Bandhigga-barbaarta

Barnaamijka Bandhigga Barbaarta waxaan maanta uga hadleynaa isku xirnaanshaha ardayda Soomaalida ee Suudaan. Barnaamijka waxaa marti noogu ah Yuusuf Cumar Sheekh oo ka mid ah arday waxbarashadoodii ku soo dhammeystay dalka Suudaan. Barnaamijka oo dhammeystiran waxaad ka dhageysan kartaa boggan qeybtiisa hoose. 2012-01-31-Bandhigga-barbaarta

January 31st, 2012 | La daabacay Barbaarta,Barnaamijyada | Sii Akhri

Somalia President arrives in Mogadishu

President Sharif Sheikh Ahmed

Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed has on Monday jetted back to Mogadishu after attending the 18th African Union (AU) summit in Ethiopia’s capital Addis Ababa. On arrival, Sheikh Sharif was welcomed at the airport by members of the cabinet and parliament. He then proceeded to the presidential palace, Villa Somalia without talking to the media at the [...]

January 31st, 2012 | La daabacay English | Sii Akhri