Bogga hore » December 31st, 2011 Warbixinada ku daabbacan “December, 2011” 
Inta la og yahay 20 qof oo ka tirsan al-Shabaab oo ku dhaawacmay dagaal saaka ka dhacay degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa la gaarsiiyay deegaanka Halgan oo 80 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyne. Qaar ka mid ah dhaawacyada ayaa la sheegay in xaaladdoodu halis tahay, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in qaar [...]
December 31st, 2011 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya, Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa ugu baaqay hay’adaha gargaarka ee ka howgala magaalada Muqdisho inay iska diiwaan-geliyaan wasaaraddiisa si loo sugo amnigooda. Mudane Cabdisamad ayaa sheegay in hay’adaha samafalka looga baahan yahay in sida ugu dhaqsaha badan ay u soo gudbiyaan wasaaraddiisa macluumaadka dadka ammaanka kala shaqeeya. Wasiirka amniga [...]
December 31st, 2011 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Labo qof ayaa ku dhimatay shil baabuur oo maanta ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaddib markii gaarigii ay saarnaayeen uu rogmaday. Labada qof ee ku dhimatay shilka mid wuxuu ahaa wadihii gaariga, halka kan kalena uu ahaa qof gaariga la saarnaa. Gaariga rogmaday oo noociisu ahaa Mark-II waxaa qarxay mid ka [...]
December 31st, 2011 | La daabacay Gaalkacyo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri
2011-12-31-Barnaamijka-teknoolajiyada-&-sayniska
December 31st, 2011 | La daabacay Barnaamijka Maanta | Sii Akhri

Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamo Itoobiyaan ah ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo saaka uu ka dhacay dagaal xooggan ooo dhex maray ciidanka dowladda iyo maleeshiyada al-Shabaab. Col. Isaaq Cali Cabdulle oo ka tirsan saraakiisha ciidanka DKMG ah ee gobolka Hiiraan ayaa [...]
December 31st, 2011 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri
2011-12-31-Xulka-wararka-8am
December 31st, 2011 | La daabacay Xulka | Sii Akhri

Dagaal xoog badan ayaa aroortii saaka ka billowday duleedka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dagaalka wuxuu u dhaxeeyaa ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya iyo maleeshiyada al-Shabaab oo iyadu gacanta ku hayso magaalada Beledweyne. Ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo Itoobiyaan ah ayaa la sheegay inay magaalada ka weerareen saddex jiho, sida uu [...]
December 31st, 2011 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Ku soo dhowaada ruwaayadda raadiyaha ee idaacadda Bar-kulan oo uu hal-ku-dhiggeedu yahay Hoygaagi dib ugu noqo. Waa sheeko taxane ah oo ku socota jiilka dhallinyarada ah, isla markaana ka hadleysa dhibaatada dalka ka jirta. Halkan hoose ka dhageyso qeybta 95-aad ee sheekada. 2011-12-31- Hoygaagi-dib-ugu-noqo-Q95
December 31st, 2011 | La daabacay Ruwaayad | Sii Akhri

Darsiga Nabadda iyo Nolosha, waa barnaamij diini ah oo maalin walba baxa kaasi oo loogu tala galay in sare loogu qaado aqoonta iyo ogaalka ummadda Soomaaliyeed ee la xiriirta diintooda Islaamka. Barnaamijkeena maanta wuxuu ka kooban yahay darsi diina ah iyo qeybtii Su’aal iyo Jawaab. Darsiga diiniga ah ayaanu uga hadli doonnaa Adkeynta Walaaltinimada Muslimiinta, [...]
December 31st, 2011 | La daabacay Diinta | Sii Akhri

Barnaamijka kulanka Jimcaha waa barnaamij toddobaadle ah oo ka baxa Bar-kulan habeen kasta oo Jimco ah 8:10 PM saacadda Afrikada Bari, innagoo uga hadalna qodobbo kala duwan oo khuseeya diinta iyo nolosha. Haddii aad daneyneyso inaad ka qeyb gasho barnaamijka Kulanka Jimcaha ee idaacadda Bar-kulan waxaad aragtidaada ama su’aalahaaga noogu soo gudbin kartaa www.facebook.com/bar-kulan. Toddobaadkan barnaamijka [...]
December 30th, 2011 | La daabacay Barnaamijyada,Kulanka Jimcaha | Sii Akhri