Bogga hore » December 31st, 2011 Warbixinada ku daabbacan “December, 2011” 
Kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa maanta laga adkaaday kulamo ka tirsan horyaalka dalka Ingiriiska (Premier League-ga) oo maanta ay ciyaareen. Kooxda Manchester oo hoggaanka la heysay kooxda ay isku magaalada yihiin ee City ayaa guuldarro kala kulantay kooxda Blackburn oo ay gurigeeda ku marti qaadday. Kooxda Blackburn ayaa 3-gool iyo 2 ku adkaatay, waxaana [...]
December 31st, 2011 | La daabacay Ciyaaraha | Sii Akhri

Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta adduunka (FIFA), Sepp Blatter ayaa tacsi u diray xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku dhintay shilkii gaari ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen dad taageerayaal u ahaa kooxda kubbadda cagta ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Sepp Blatter ayaa sheegay in dadka shilka ku dhaawacmay ay [...]
December 31st, 2011 | La daabacay Ciyaaraha | Sii Akhri

Guddoomiyhii hore ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta, Salaad Macallin Maxamed (Salaad-gaab) ayaa sheegay in tartamada ciyaaraha ay astaan u yihiin nabadda, isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay tartankii kubbadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir loogu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho. Salaad-gaab oo Bar-kulan wareysi siiyay isago ku sugan dalka Australia ayaa sheegay in haddii la [...]
December 31st, 2011 | La daabacay Ciyaaraha | Sii Akhri

Munaasabad lagu furayay xurun cusub oo loogu talagalay in wax lagu baro dadka naafada ah oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiinta gobolka Togdheer, xildhibaaanno iyo marti sharaf kale ayaa maanta lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolkaasi. Guddoomiyaha urur taakuleeya dadka aan lixaadkoodu dhamayn oo magaciisa loo soo gaabiyo (SCS), Cabduqaadir Carab Yuusuf oo xarunta [...]
December 31st, 2011 | La daabacay Burco,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Munaasabad abaalmarinno kala duwan lagu guddoonsiinayay gabdhihii Soomaaliya uga qaybgalay tartankii kubbadda koleyga ee ka dhacay magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qadar iyo cayaartoydii ku guulaysatay tartankii degmooyinka gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho. Munaasabadda oo uu soo qaban qaabiyay urur u dooda xuquuqda dhallinyarada oo magaciisa loo soo gaabiyo [...]
December 31st, 2011 | La daabacay Ciyaaraha,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Maamulka guud ee isbitaallada ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta sheegay in ay qorsheynayaan dhimista xarumaha caafimaad ee ay ka hirgaliyeen magaalada Muqdisho. Madaxa isbitaalka dhexe ee AMISOM, Dr. Joseph ayaa Bar-kulan u sheegay in sababta loo yareynayo xarumaha caafimaad ay tahay nabadgeliyada caasimadda oo hagaagay iyo baahidii caafimaad ee jirtay oo [...]
December 31st, 2011 | La daabacay Gobolada,Muqdisho,Wararka | Sii Akhri
2011-12-31-Xulka-wararka-7pm
December 31st, 2011 | La daabacay Xulka | Sii Akhri

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta ay qarax ka badbaadeen wasiirka maaliyadda ee maamulka Puntland, Faarax Cali Shire iyo guddoomiyaha gobolka Bari ee maamulkaasi, Cabdisamad Maxamed Gallan xilli ay marayeen xaafadda New Boosaaso. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sida uu u dhacay qaraxa, iyadoo dadka qaar [...]
December 31st, 2011 | La daabacay Boosaaso,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in ay billowday howlgalka soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, kaasoo ay la kaashaneyso taageerada dalalka caalamka iyo kuwa deriska. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa lagu sheegay inay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya saakay ka [...]
December 31st, 2011 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Ciidamada taabacsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee maanta la wareegay gacan ku haynta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa caawa bandow ku soo rogay magaalada, kaasoo ka billaabanayay 5-tii saac ee galabta ilaa iyo berri 6-da aroortii. Afhayeenka ciidanka taabacsan dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan, Maxamed Nuur Caga-joof ayaa Bar-kulan u sheegay [...]
December 31st, 2011 | La daabacay Beledweyne,Gobolada,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri