Bogga hore » November 30th, 2011 Warbixinada ku daabbacan “November, 2011”

Cayaaraha gobollada maamulka Somaliland oo berri furmaya

Albaabka hore ee garoonka Alamsey / RBK

Cayaaraha gobollada hoos taga maamulka Somaliland ayaa lagu wadaa inay berri ka furmaan garoonka kubbadda cagta Alamsey ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, iyadoo la soo gabagabeeyay diyaar-garowgii furitaanka cayaarahaasi. Qabashada tartanka oo isugu jira cayaaraha kubbadda cagta, kubbadda koleyga iyo orodka ayaa la sheegay inay iska kaashanayaan maamulka Somaliland iyo qaar ka tirsan [...]

November 30th, 2011 | La daabacay Ciyaaraha | Sii Akhri

Xulka Wararka 7:00 PM

2011-11-30-Xulka-wararka-7pm

November 30th, 2011 | La daabacay Xulka | Sii Akhri

Mas’uuliyiin Soomaali ah oo uu tababar uga furmay Kampala

Wararka-Soomaalida

Tababar ku saabsan horumarinta howlaha dowladaha hoose ayaa maanta uga furmay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, xubno ka socda bulshada rayidka iyo qaar ka tirsan hal-abuurrada iyo fannaaniinta Soomaaliyeed. Tababarka oo socon doona muddo toddobaad ah, ayna soo qaban-qaabisay hay’adda USAID ayaa waxaa looga hadlayaa sida loo horumarin karo maamullada [...]

November 30th, 2011 | La daabacay Wararka | Sii Akhri

Tarsan oo cambaareeyay qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa si kulul u cambaareeyay qarax maanta degmada Dharkeenley lagula eegtay haween ka shaqeynayay nadaafadda. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in fal arxan-darro ah uu ahaa qaraxaas, dadka ka dambeeyana ay yihiin kuwa ka soo horjeeda nolosha iyo in shacabku [...]

November 30th, 2011 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Xulka Kenya oo ka badiyay Itoobiya

Xulka Kenya

Xulka qaranka kubbadda cagtaKenyaoo ka qeyb galaya tartanka xulalka bariga iyo bartamaha Afrika ayaa gaaray guushiisii ugu horreysay, kaddib markii uu galabta 2 gool iyo waxba ugu awood sheegtay xulka Itoobiya. Goolasha xulkaKenyawaxaa u kala dhaliyay Bob Mugalia iyo Yusuph Juma. Dhinaca kale, xulalkaMalawiiyoSudanoo wada cayaaray ayaa ku kala baxay gool la’aan, waxayna kala qaateen [...]

November 30th, 2011 | La daabacay Ciyaaraha | Sii Akhri

Miyiga Cammaara iyo Bacaadweyne oo lagu dagaallamay

Wararka-ugu-dambeeyay

Afar iyo toban qof ayaa ku geeriyootay 25 kalena way ku dhaawacmeen dagaallo culus oo maanta oo dhan ka soconayay deegaanno miyi ah oo u dhaxeeya Cammaara iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug. Dagaallada ayaa saakay billowday, waxaana ay salka ku hayaan muranno la xiriira dhul-daaqsimeed. Dadka dhaawacmay ayaa u badnaa maleeshiyadii dagaallantay Odayaal dhaqameed ka [...]

November 30th, 2011 | La daabacay Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Rosell oo rajo ka muujiyay inuu Guardiola la sii joogo Barcelona

Sandro Rosell (bidix) iyo Pep Guardiola

Guddoomiyaha kooxda kubbadda cagta Barcelona ee ka dhisan dalka Spain, Sandro Rosell ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in tababaraha xilligan ee Barcelona, Pep Guardiola uu muddo dheer la sii joogi doono kooxda. “Sida uu Alex Ferguson ugu negaaday Manchester United si la mid ah baan rajeynayaa inuu Guardiola waqti dheer ula qaato Barcelona” ayuu yiri [...]

November 30th, 2011 | La daabacay Ciyaaraha | Sii Akhri

Al-Shabaab oo nin dhallinyaro ah ku dishay Buurdhuubo

Al Shabaab - xukun 1

Maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanka Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa galabta nin dhallinyaro ah ku dilay goob ay dad badan isugu soo baxeen oo ku taalla Buurdhuubo, kaasoo ay ku eedeeyeen in uu basaas u ahaa ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugan Gedo. Ninka la toogtay oo da’diisa lagu qiyaasay 25 jir ayaa [...]

November 30th, 2011 | La daabacay Wararka | Sii Akhri

Mid ka mid ah sawir-gacmeedyada Aminarts

Mid ka mid ah sawir-gacmeedyada Aminarts

November 30th, 2011 | La daabacay Bogag | Sii Akhri

Barnaamijka ganacsiga Soomaaliya

Barnaamijka ganacsiga waa barnaamij maalinle ah oo raadiyaha Bar-kulan aad ka dhageysan karto maalin kasta marka laga reebo maalinta Jimcaha. Barnaamijka ganacsiga maanta waxaad ku maqli doontaan qodobbo ay ka mid yihiin: Ganacsatada Laascaanood oo ka cabanaya canshuuro ay ka qaadaan maamulladaSomalilandiyo Puntland. Gobolka Gedo oo uu qiimaha raashinku qaaliyoobay. Dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee ka jira [...]

November 30th, 2011 | La daabacay Dhaqaalaha | Sii Akhri